BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-36

 

CUTUBKA-17-AAD

TASHIGII DILKA WARFAA

 

 

 

 

 

 

Af-dheere wuxuu gacan qaadkiisa ka wacay Gunud oo markii oo ka qabtay ku yiri:

“See tahay Gunud”.

“Nabad adeer, adigu see tahay”.

“Waan fiicnahay maandhow, adaan raayay inaan is aragno weliba si dhqaso ah”.

“Dhib maleh, markasta diyaar ayaan kuu ahaye goormaad jeceshahay”.

“Galabta aan iskugu imaano, maqaaxida Barni ee suuqa xoolaha sow ma taqaanid?”.

“Haa waan aqaan, duhur haddii la tukadaba waan jooga”.

Sidaas ayaa lagu balamay, Gunudse wuxuu la yaabanaa waxa uu Afdheere ugu ballamiyay halkaas fog oo degaanka laba doodaba ka fog.

 

 

Gunud ma ahayn mid magac wanaagsan ku leh dadka dhexdooda, yarantiisii wuxuu la socon jiray jabhadii, kadib markii qalaalasuhu Xamar   ku batay oo hogaamiyo kooxeedyo badan ay soo baxeen asaguna uu yara weynaaday wuxuu u shaqayn jiray hogaamiye kooxeedka beeshooda, halkaas oo uu ku caan baxay geesinimo doqonnimo ah iyo naxariis yari, markii maxkamadaha Islamigu ay qabsadeen meelo badan oo ay ka mid tahay Xamar, qab qablayaashiina laga awood roonaaday wuxuu calooshii u shaqayste ugu shaqayn jiray maxkamadaha asaga oo aan la jirin ujeedada maxkamadaha, hase ahaatee nolol maalmeedkiisa ku soo dhacsan jiray, naftiisana ku badayaadinayay la joogista maxkamadaha Islaamigaa, aabihii waxuu ku baxay gacan dad oo aan haybtooda la aqoon meydkiisana waxaa laga helay jid caddaha gurigiisa ka soo gala dhinaca bakaaraha, cid dilkaas loo eedeeyo ama loo saariyo looma ooyaanba Allaha ka dhigee waa la waayay, dadka qaarkii waxay si hoose isugu sheegaan in asaga qudhiisu uu dilay, waayo xiiso ba’an ayaa ka dhex aloosnaa xilligaas asaga iyo aabihiis oo dhowr jeer isku dhacay , isku dhacaasna wuxuu ka imaanayay aabaha oo aad uga soo hor jeeday arrimaha xun xun oo uu ku jiray wiilkiisu, in kasta oo beeshu aad ugu faani jirtay Gunud oo uuba gaaray in la dhaho waa ninka besha ugu geesisan hawsha uu u qabtana aan nin kale u qaban Karin beesha, balse aabihii arintaas waxay ku ahayd oodin, ciil iyo caro markasta ku taagan, sida wiilkiisu dhiiga iyo xoolaha dadka uu u banaystay iyo sida odayaasha beesha qaarkood ugu taageerayaan xumaanta, oo dana gaar ah oo ay ayagu leeyihiin ugu fushanayeen ayagoo magac beeleed adeegsanaya.

 

Si kastaba dhimashadii odaygii wanaagsanaa cid loo raacdo waa la wayay sidaas ayayna ku dhamaatay, in kasta oo uu Gunud handadaad iyo maalin waan ogaan ninkii dilay aabahay uu muddo waday, hadana xilligii socday ayay la dhimatay raadintiisii in kasta oo uu uurka wali ciil ka qabo.

Gunud Af-dheere aad ayuu u yaqaannay inuusan ducaysnayna waa ogyahay, inta uu dil iyo dhac uu asagu gacantiisa ku gaystay in kabadan in uu Af-dheere maskax ku geeystay waa uu hubyaa, inuu maskax ku dhiigle yahay waa ogyahay, dad badan in uu dilay asaga oo rag u adeegsanaya, hantidoodiina dhacay waa uu la socdaa.

 

Af-dheere lacag uusan shaqaysan ayuu siiyaa Gunud, asaguna u jeedada uu u siiyo waa garan waayay, ma baqdin ayuu u siiyaa iyo yuusan kugu soo jeesan mise yuusan kaa dheeraan aad ku shaqaysatide ayuu u siiyaa, si kastaba Gunud ilna waa kula jira ilna waa isaga ilaaliyaa Afdheere.

 

Afdheere waa nin ay wax walba ka suuroobaan, hantida uu maanta haysto bilowgeedii agoon ayuu ka dhacay, markii aabahood dhintay ayuu markhaatiyaal been ah keenay, asga oo sheegaya in xoolo intaas la’eg uu ku lahaa marxuumka, hadii aan laga  siina tii xumayd ay dhacayso, markii danbana lagu dhex dhexaadiyay in wax fiican la siiyo si loo badayaadiyo nolosha qoyskaan aan beelaha hubaysan oo Xamar daggan ka dhalan, tan iyo maalintaasna dhac ayuu wadaa asagoo si gaara ula eegta looma ooyaanka kuwa ah oo hantida haysta iyo kuwa beelohoodu aysan xamar joogin. Wuxuu aad uga macaashay boobida dhulka, waxaa magaalada ugu jira dad rag iyo dumar leh oo uu wax siiyo markii wax u soo boodaan, oo u soo sheega meeshii jilicsan sida dhul qofkii lahaa lagaran waayay ama mid qofkii lahaa waraaqihii lahaanshadu ka dhumeen oo uu kula dhago, ayda oo laga yaabo in markii dhulkaan la gatay in uu asagu uuba joogin Xamar, waxaase inta badan u fududaynayay dhicida dhulka markhaatiyaal iyo odayaal uu lacag waalan siiyo iyo wadaado dhuuni qaatayaal ah oo garta sidii uu asagu raba dadka ugu sheega, dadkaas oo qaarna ay dhaar u maraan inuu leeyahay dhulka qaarna awooda qabiil ay adeegsadaan iyo haddii aan saan la yeelin waa laysku ayaabi’I, tiisuna ay gaar u tahay sida handadaada, shirqoolka, iyo dil uu la beegsado dadka uu ogayahay in aan beel hubaysan ka danayayn.

 

Af-dheere halaagii dhacay qayb weyn ayuu ka qaatay, qayb uu asagu is leeyahay waa nimco Eebbe ku siiyay ayuu ka qaatay, dhul baylah ah oo dadkii lahaa qaxeen oo Xamar iyo aagiisa aan imaan karin ayuu helay, dadkaas qaxay guryahooda iyo dhulalkoodu waxay ahaayeen kuwa uu aad u jecel yahay oo qofkii u soo sheega uu dhaqaale fiican siin jiray, waayo cid iska hortaagaysa maleh, kii ku jiray ee aan awooda lahayna xoog ayuu uga saaraa, haddi arrintu dhabaqdo oo sheekadu xumaatana meel ayuu ku fadhiyaa in ay jiraan kuwa badan oo garab siinaya oo kuwa qaxay ee dhulka lahaa beel ahaan u neceb, labadaan gad, labadaan soo dhac ayaa shaqo u noqotay, qaska dalka iyo daganaansha la’aantu in ay sii socotana ducuu ka dhigtay, xaaraan ka dharag oo jeego u seexo oo Alxamdulillaahi dheh ayuu garaadkiisii iyo noloshiisii ku soo gaba gabaystay, oo calooshiis ku fil ku noqday,

 

Galabtii ayay isugu yimaadeen goobtii ballantu ahayd ee maqaaxida shaaha ee Barni, qol gudaha ah ayay u sii gudbeen oo dad oo dhan aan loo ogolayn, Af-dheere ayaa Barni ku yiri tarmuus shaaha iyo biyo noo keen qolkaana anaguu noo xiran yahay maanta cid kale ha nagu soo dayn, waayahay ayay tiri, qaadkii uu waday ayaa meeshii lagu qabysaday nin walbana qabybtiisii soo dhaweystay , biyo iyo shah toona lama sugin ee waa la bilaaayay ruugidii, sheekana laqabsaday, Barni shaahii iyo biyihii ayada ayaa u keentay oo uguma soo dhiibin gabdhaha meesha ka shaqeeya, markay u dhigtay ayay tiri wax kale oo aad u baahan tihiin miyaa jira, maya ayay ugu war celiyeen kaliya cidna ha noo soo dayn, waa yahaay ayay tiri illinkiina u soo laabtay mana wada xirin,  ganbar illinka geeskiisa yaalayna ku fariisatay oo dhagahana furka kala baxaday, gacan qaadkii ay wadatayna damisay si ayada oo meesha fadhida uusan soo dhicin ama gariirkiisa loo maqal oo aysan labada nin u ogaan in warka laga duubayo.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply