CUTUBKA-10-AAD
SAGAL
Warfaa aad ayuu u xushmeyaa walaalkiis, waa ninka soo gacan qabtay oo soo taakuleeyay marka laga reebo Bulxan iyo Birre, dadka reer miyiga oo magaalada soo aadaya ayuu neefaf ariya ugu soo dhiibi jiray si uu u gato oo aan wax barashidiisu uga dayacmin, markuu magaalada yimaadana talo iyo moodba {maal} waa isugu dari jiray, kuna dhiirri galin jiray wax baro walaaloow intaan noolahay, mugdi anaa ku soo koraye, haddaan dhinto war maba yaalee, intaan dhaqdhaqaaqayo wax baro, Bulxan, Birre iyo Diiriye noloshiisay leeyihiin, waana uu ogyahay taas oo nin lib dhaca maahan. Birre caruur la’aan ayuu dhintay, Eebbe ha u naxariisto, quraanka uu u akhriyo iyo duco ma dhaafo iyo siyaaradiisa oo uu dhawr wadaad u yeero oo quraan loo akhriyo, Bulxan la’aantiina bahalladaa ayaa cuni lahaa, wiilna waa ka dhigtay, Bulaxanna kama dhimane waa ka dhuuntay, kuwuu dhalay iyo kuway sii dhaleen ayuu dhex joogaa, Diiriye walaal wanaagsan waa nool yahay, xushmad iyo jacayl intaba waa la garabtaagan yahay waana u hayaa.
Quraacdii markii loo keenay ayuu ku yiri Ugub Sagal iigu yeer, Sagal ayaa soo gashay ayada oo wadnuhu bug leeyahay haa aabbe ayay tiri, fariiso ayuu ku yiri, markaasay geeskiisa fariisatay, maya hortayda soo fariiso ayuu ku yiri, hortiisay soo fariisatay ayada oo hoos eegaysa markaasu yiri:
“Awalba hoos igama eegi jirine maxaa jira manta?”.
“Waxba aabe”.
“Waad weynaatay kulama yaaayayo, wadna kurkur yaanan kugu diline, hooyo say ii sheegtay miyaa arrintu”.
Warfaa carruurtiisa wuxuu ku soo koriyay in aysan ka baqin, xushmad iyo ciseyn iyo kadanbayn inay labadooda waalid u hayaan ayuu soo baray, waligii cunug uu dhalay ma dilin, waano iyo wax u sheeg iyo canaan ayay carruur wax ku leeyihiin ayuu yiraahdaa, dilku waa kaga daraa ilmaha kumana toosaan oo madax adayg ayay ka sii qaadaan.
“Haa aabe” ayay tiri
“Waad isla meel dhigteen miyaa go’aankaas, waad gaarteen”.
“Haa aabe”.
“Haa aabe waxaan ahayn maanta lagaa waaye, orod in uu shaqadii aaday iyo in kale soo fiiri, oo haduu joogo inta aanan bixin ha ii yimaado”.
“Haye aabe”.
Waa ay baxday Warfaa oo hoos ka qoslaya, cagahay inta dhulka ka qaaday oo gurigii reer Kadiye gashay ayad oo aan cidna salaamin qolkii
Gallad oo aysan garaacin dalaq tiri, asaga oo shaatigii xiranayana u gashay, markaasuu ku yiri, yaa ku cayrsanaya, qofna ayay tiri, hadaladii ayada iyo hooyo dhex maray iyo ayada iyo aabbe ayay u sheegtay haddana aabaa ku raba ayay tiri, Gallad oo arrinta oo dhan kadis ku noqotay ayaa yiri, maxuu iga raabaa? , Ilaah ayaa rag kaa dhigee soo ogoow adigu, ayay ku tiri, inta kabihii gashtay ayuu yiri haye hee na mari, libaaxa noo gee, markay dayrka sii marayeen ayaa Dhuuxeey waxay tiri war ma wax daran ayaa jira, maya eedo ayaa Sagal tiri, ayada oo diidan in waqti dhumo.
Qolkii Warfaa ku jiray ayuu gargaraacay, soo gal ayaa layiri, adeer Warfaa oo markaas quraacdii dhamaysaty ayuu u galay, fariiso ayuu ku yiri, Galladna kursi gees ka xigay ayuu fadhiistay sidii Sagal, maya hortayda soo fariiso ayuu ku yiri, waana fariistay.
“Ma soo quraacatay mise waa laguu keenaa”? ayaa Warfaa yiri
“Maya adeer, waan soo quraacday”.
“Bal ii warran see tahay? hooyo cidii see yihiin?”.
“Dhammaan waala fiica yahaya adeer”.
’’Maashaa Allaah” oo sii raaciyay “Waxaan kuugu yeeray sow ma ogid? waaba ogtahaye”.
“Haa adeer”.
“Haye bal warka isii”.
“Wallaahi adeer saad u maqashay weeye arrintu”.
“Waryaa sidii nin raga ah iila hadal, nuucnuucdaan qaab darada ah oo adiga iyo gabadhaan maanta aad wadaan war maahine, si fiican warka iigu sheeg”.
Warfaa waa canaanan jiray Gallad tan iyo miilintu dhashay, tanse ka duwan, xiniinyaha banaanka soo dhig weeye, jileec yuusan kaa arkin iyo baqdin, nin jilicsan naag laguma darsadee ,ayuu laabta iska yiri.
“Adeer aniga iyo Sagal muddaan wada soconay waana is jecelnahay, si soohdin ka bax ayaana u jeclahay, inaan isguursanana waan ku tashanay, balse marka aan adiga iyo aabe idiin soo bandhigno, oo ogolaansho iyo duco idin ka helno”.
“Wanaag ayay ku dhammaan adeer, sidii roon Eebbe ha noo yeelo, laba labayna yaysan ku galin, awoowgaa Bulxan iyo intuu dhalay meel ayaad iiga taalliin”.
Gallad raynrayntii ayaa ka badatay adeer Warfaa gacmaha iyo foolka ma ka dhunkataa, ma u ducaysaa ayuu is yiri, haddana waxa uu soo xasuustay, adeer in u mar walba dhihi jiray, nin raga iska dhig, noloshu nin jiljilicsan marabto, warna ha lagaban waxaad rabtana ha ka waaban, waa yahay adeer mahadsanid ayuu yiri, asaga oo inuu duulayo iyo inuu socdo kala aqoon ayuu illinka ka baxay oo Sagal oo war ka sugaysay oo banaanka fadhiday u tagay.
Gallad shan gu’ ayuu ka weyn yahay Sagal, sida uu asagu sheegana waa uu xasuustaa maalintii ay dhalatay, wuxuu ku yiraahdaa maalintaad dhalatay qof aanan u jedin ayaa ila hadlay oo igu yiri
“wehelkaagii nolosha ayaa manta dhalatay”
Ayaduna waxay ugu warcelisaa
“markii laguu wan qalayee, waa wiil la yiri baa, anna lay waxyooday”, taasi waxay u ahayd kaftan ay isla yaqaanaan, balse kaftan jacayl huwan ayuu ahaa, wadnayaal is raba dhabtood ku dheehan tahay, markii Sagal yarayd Gallad waa uu ciyaarsiin jiray, hadday indhaha saartana oohin ayay la dhici jirtay ilaa uu ka xamayaaro, in kastoo asaguba ilmo ahaa markaasay, markaas ayay qososhaa oo dhabanka ka jiid jiidaa, sidaas ayay iskula soo koreen.
Markay soo yara kortayna gabdhaha yar yare ee darisku waxay ku xifaalayn jireen, ninkaagii ayaa soo socda, ninkaagii waa kaas iyo haddallo jaadkaas ah, ayaduna ku dhihi jirtay, ila dhaafa warkiina xunka.
In kasta oo ay yarayd haddana waa ay ogayd inaan Gallad dadka ula sinnayn, way dareemaysay in ay aragtidiisa ku faraxdo, balse affar iyo toban jir ay tahay da’deedu, waxba uma kala cadayn, qalbigaan gudaheeda ka soo dhex qaylinaya waxuu sheegayo ma garanayn, rayn raynta gasha markay aragto ama maqasho codkiisa meelay u socoto ma ogaan Karin, hubaalse waxaa u ahayd inuusan dadka ula sinnayn, waxayse dareensanayd in uu si gaara ugu dheer yahay, walaaltinimmo wax ka weyn inay jiraan oo jiidaya, awood qarsoon in ay wado.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply