BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-18  

 

CUTUBKA-10-AAD

SAGAL

 

 

 

Habeenkaas markii ugub iyo Warfaa ay qolkooda galeen ayuu weydiiyay arrinta Sagal iyo Gallad, waxayna u sheegtay in muddo badan ah ay wada socdeen, balse wax dhab ah aysan ogayn, in kastoo ay maqashay in ay aad iskugu dhowyihiin, arrin guur iyo wax u dhow midna ma maqal wax warkeed haya, Warfaa waxa uu ku yiri bal warso sida wax u jiraan, in kastoo aysan aniga wax iga qarinayn oo aan ogahay, hadana say adiga kuugu fardi baxdo iigu fardi baximayso anigee.

Sagal ayada oo meesheedii fadhida oo heeso ka dhagaysanaysa gacan qaadkeeda ayaa waxaa u yimid raggii ay sugaysay, in doora markii la sheekaystay ayay waxay tiri:

’’Mahad waan ku sugaynay imaatinkaaga, Allana waa ku keenay’’.

“Haye imide, wax dhiba miyaa jira?”.

Intay gallad oo dhinaceeda fadhiyay suxulka jug ku siisay ayay tiri: “Usheeg”.

“Adaaba bilaabee maad dhamystirtid” oo yara qoslay asagoo ayada ku dhibaya.

“Adaa ninkii ah, ee ma ku kor boodayaa”. Intuu qoslay ayuu yiri:

“Waayahay”.

 

Wuxuu u sheegay Mahad in ay ka soo guuxayso labadoodo in ay is guursadaan oo aqal galaan, arrintaana ay asaga la sugayeen in ay kala tashtaan qaabka u haboon oo loo fool saari lahaa.

“Aniga waxaa ila quman in aabe toos ugu sheegtaan, ama adeer Kadiye u sheegtaan oo uu aabe la soo xariiro”.

“Aabahay waan aqaan asaga oo xumaan ka wadin, ayuu maya oranayaa”.

“Waayo”

“Mahad idinka waxaan idiin ahay wiilkii adeer kiin dhalay, walaal aad isla soo korteen, dadka kalese si kale ayay wax u arkaan, waxa aabe ka baqayana haddaan fiiriyo waa isku dhac iyo xumaato ka dhex dhacda aabahaa iyo tolkiisa oo annagu aan abuurkeeda leenahay, ma i garatay, hadda arrinataan ha la joojiyo ma lihi oo Sagal la’aanteed anaaba noolaan Karin” intuu yara aamusay ayuu hadalkii sii watay oo yiri, “Tan kale waan u sheegay Sulub, wuxuuna yiri waa ok balse aan sugno mahad oo tashiga badinno ”.

 

Sulub waa ninka ka weyn Mahad oo nin aad u afgaabana dadkana wax ku darsan, xaasna leh oo guri aan saas uga fogayn reerkiisa la daggan, wuxuu dhaqan raacay hooyadii Ugub, bakhaarka iyo masaajidka iyo gurigiisa meelaan ahayn laguma arko, dadka biibitooyinka ama maqaaxidaha shaaha fariista ma ahan, taas iyo af gaabnida waxa uu kaga duwanyahay Warfaa waxa uuna ka raacay Ugub.

 

Falanqayn badan ka dib waxaa lagu heshiiyay in Kadiye ay isku raacaan Mahad, Gallad iyo Sulub oo loo sheego arrinta, Sugulle iyo Barre oo Gallad la dhashay oo aan magaalada joogin talada waa laga saaray, waxay weydiiyeeen Sagal in ay adeer Kadiye ula tagayso waayo aad ayuu u jeclaa warkeeda inuu diidayo uma malaynayaan, balse waxay tiri

“Gabar rag doonayaan oo ayaduna dhinac ka ordaysa, oo nin isku doonaysa ma la arkay, dhaqanka yaan lagu ciyaarin, in la i doonaan raabaa ye in aan nin doonto, waa wareey adeer waaba isoo cayrin”.

 

Waagu markuu baryay oo quraacdii la karinayo ayaa Ugub u yeertay Sagal waxayna weydiisay waxa ka dhaxeeya ayada iyo Gallad.

“Hooyo waad ogtahy Gallad waa walaalkay, maxaa naga dhaxayn lahaa oo walaaltinimo ahayn”.

“Sagal i maqal aniga iyo aabahaa waxaan instaas ku wada joognay xilligaas dheer oo gurigeennu ku dhaqanyahay idinkuna ku dhalateen waxay ahayd runta, waligeen midna kan kale been uma sheegin, idinkana saas ayaan idinku soo korinay hooyo, caruurtaan dhalay qof been yaqaan kuma jiro, ma adaa hada bilaaayaya”?.

“Maya hooyo”.

“Waan ku jiifaa been in aad ii sheegto in aadan ii quurin, arrin ayaadse qarinaysaan aan qarsoomayn oo aniguba aan dareemi karo in wax ka jiraan, ee sida dhabta ah ee wax u jiraan ii sheeg hooyo”.

“Hooyo runta markaan kuu sheego waad ogtahay adiguba aniga iyo Gallad inaan saxiibo nahay”.

“Waan dareemi karaa jir waayeel waa wada indho ayaa la yiri, haye”.

“Waan is jecelnahay aad ayaana u jeclahay, adaa yiri wax ha iga qarin, waxaan kuu sheegayaa in aan go’aansanay in aan is guursanno oo adeer Kadiye aabe iga soo doono, arrinna halkaas ayay marysaa”.

“Adeer ma la socdaa oo ma u sheegteen?”.

“Maya, ee haddaan rabnaa inaan u sheegno, adigana waaban kuu sheegay hadda, waxaad ogtahayna aabe kama qarsoona meel ayaan ku fadhiyaa”.

Ugub intay is taagtay oo qososhay ayay tiri:

“Asagaaba i soo diray ee bal quraacda u diyaari.”

 

Farriintii laga sugayay Ugub siday ahayd ayay u gudbisay, in yar markuu aamusnaa ayuu yiri: “Haye Ugub maxay kula tahay”?

“Talo waad taad ku taliso gacaliye”.

Gacaliye iyo gacaliso waxay ahayd erayada aad u badan oo ay adeegsadaan labadoodu markay isla hadlayaan, dumarka xaafaddu markay hoos u sheekeysanayaan waxay ku tilmamaan labadooda, labada isa suureeya.

“Guriga xubinta aan warkeeda la garab mari karin ayaad tahay, qayb lixaad lehna waad ka tahay, waana og tahay waligay go’aan in aanan gaarin kaligay, adna sidoo kale, ee maxay kula tahay”?

“Markaad isoo guursatay waan yaraa, oo Sagasheenna ka yar, gurigaan iyo agtaada yaana ku garaadasay iyo saaxiibkaa Kadiye, waxaad ii sheegtay oo ahayd dadka Eebbe aburay ha kuu sinnaadeen, cid cid ka gobsan maleh, muslin iyo Soomaali ayaan wadannahay, talo ka fiican oo aan qaadan lahaa maleh, ayadii ayaana ku taagnahay, tan kale Kadiye dad kale kaama aha ana igama aha, saad isku tihiin waa aqaan, Galladna wiilashaada inuu kuula mid yahay waan ogahay anna waa iila mid, nin ka fiican oo aan is oran lahaa Sagal siiso ma jiro, intaad i weydiisay sow si fiican kuuguma cadayn?, marka tala aaday kuu taal”.

Intuu istaagay oo foolka ka dhunkaday ayuu yiri:

“Talo waa taad ku Talisay, gacaliso”.

“Fariiso aan quraacda kuu keene” inta tiri ayay ugu dartay “Talo aday kuu taal waxaan ka wadaa Diiriye iyo odayaasha ciddiinaa saad wax ugu sheegi lahayd”.

“Oyadaal ciddayda wax dhib ah iguma hayaane, waa walaalkay ninka aan raalli ahaanshada ka raabaa”.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply