CUTUBKA-9-AAD
QARAABA SALAAN
Markay in doora wada sheekaysnayaeen Sagal iyo Mahad, ayuu yiri waxaan soo salaamayaa reer adeer Kadiye ee ma i raaci, maya ayay tiri adeer ayaan ka qaraaxaysan anoo yar ayaa iigu danayaysaye, waan xasuustaa kaftankiisii iyo caydiisii, galabtaanse ka dhargi ee waa inoo hadhoow,
Mahad iridka reer Kadiye oo soo laaban ayuu inta riixay galay, waa caado hore oo ay barteen caruurta reer Kadiye iyo reer Warfaa inaan laysku qaraacin guryaha, waayo midba guriga uu tago waa gurigiisii, walaalo isla dhashay inay yihiin oo kale ayay isku haystaan, marka uma baran inay hoodi hoodi dhahaanba, markuu galay gurigii ayaa waxaa isha ku dhuftay Siraad oo ugu yaraayd gabdhaha reerka oo ayadu aan weli guursan intii kalese reero yeesheen, intay kursigii ay ku fadhiday ka soo booday ayay isku duubtay ayada oo leh alla waa aboowgeey, asna hab ayuu siiyay,
“War reer miyiyoow warka isii” ayay tiri Siraad,
inta qoslay ayuu yir:
“Waan fiicanahay reer magaaleey”.
“Waan kuu xiisnay wallaahi, waad soo caatowday, wax ma cuni jirin miyaa, mise geelaa raaci jirtay, mana u malaynayee”.
“Ariga iyo waxaraha Ayaan raaci jiray”, ayuu yiri.
“Aboow aaboow war waxaas dadka ha u sheegin waa ceebe, caruurtaa ariga raacdee iyo gabdhahee”.
“Anba sow caruur maahi”, waa qosleen, wuxuu u gudayay gudaha iyo qolka fadhiga, eedo Dhuuxeey oo fadhiga fadhida oo sidii caadada u ahayd tusbax haysta oo wardinaysa ayaa aragatay oo tiri:
“War ninkaas ma Mahad baa?”,
haa hooyo intuu yiri oo foorarsaday ayuu gacanta ka dhunkaday ag fariistayna, Siraadna kursi ka soo horjeeda ayay fariisatay, Dhuuxeey intay tusbixii dhabta gashatay ayay tiri:
“Bal ii waran, miyi see lagu ahaa? cidii reer adeer”.
“Waa fiican yihiin, adeer waa ila socdaa”.
“Adeer Diiriye ma kula socdaa”.
“Haa”.
Dhuuxeey intay qosol guuxday ayay tiri:
“Walle xifaalo waa timid, dad wax waa haystaan, see ayuu yahay maandhoow da’na waa haysaaye, anagoo dhanba waa nahaysaaye”.
“Iga xoog badan, waa iska yara sheeganayaa saas owgeed ayuu magaalada u yimid”. Mahad ayaa tiri:
“Hooyo hadaladii reer miyiguu soo bartay, reer miyi camal ayuu u hadlayaa”, oo qososhay Siraad.
“Naa wiilka daa doqomo aan wax kala ogayn waa idinkee oo ifkoo dhan inuu Xamar yahay u haystee”
“Hooyo Xamar haddaan ka baxaba inaan dhimanayaan u haystaa”, ayaa Sagal tiri.
“Naa iga aamus ha i harraadine, gabigiin ba wax matarayaal ayaad tihiine”ayaa Dhuuxay tiri oo inta Mahad ku jeesatay tiri:
“Galladna hadda dhow ayuu yimid, suuliguu ku jiraa quayays, orod hooyo qolka sii fariiso”. Siraad ayaa inta soo booday tiri:
“Soo bax” oo gacanta qabatay kicisayna
“War yaysan idin waaline iska so cayrsha” Dhuuxeey tiri
“Anaa shaqadeeda aqaane iska dhaaf hooyo, ayadoo cararaysa mar dhow waa kuu imaane”
“Hooyo wax yar baan ka qaraaxaysan reer miyigaan jilfaxda leh”ayaa Siraad oo qoslaysaa tiri.
Dhuuxay waa xaaska Kadiye, waa qof aad u af gaaban, war ay sheegtayna aan labo ku murmin, gurigeeda gudihiisa iyo carruurteeda qof ku eg weeye, markastana aad arkaysid ayadoo Wardinaysa, dumarka darisku waxay u yaqaanaan shiikhada, waxay ka soo jeedaa qoys diinta ku fiican aabaheed waxuu ahaa shiikh caan ah oo dad badan wax baray, cida oo dhamina waa culumo aad loo ixtiraamo.
Siraad qof firfircoon oo kaftan badan weeye dariska oo dhamina jecelyahay, qolkii Gallad ayay
galeen oo sariirta ku fariisteen, ayay tiri
“Ninyahow xaafada adaa shidi jiray, saad u baxday wixii gabar ahaa gurigiinay ku ag meeraan, bal inaad timid fiiriyaan”. Intuu qoslay ayuu yiri:
“Adiga kii kugu ag meeri jiray aaway?, Shidane”.
“War waxaas iyo shukaansi ma aqaan gabar yar baan ahay, maba qaan gaarine”.
“Da’i kuuma dhinnee wax ma kuu sheegaa Shidane agtiisa yaanan kugu arkin, ninkaas waan is naqaanaa, si fiican waliba, hor u socod maaha, nolosha luuq luuq maroow ayuu ka bartay, agtiisa haddaan kugu argo labada lugood ayaan ku jabin”.
“Mahadsanid aboowe waan ogahay inaad iga naxaysid, kaasna mar horaan rosso siiyay wuxuu yahay waan ogaaday”.
Asaga oo soo galaya qolka ayaa Gallad yiri:
“War tuugga walaasheey iyo qolkayga la wareegay
waa kuma”.
Waa isku soo boodeen Gallad kursiguu fariistay Mahadna sariirtiisii ayuu ku noqday.
“Saaxiiboow ii waran maba maqline goormaad timid”.
“Haddaan imid ee warka isii, caafimaadka ka waran”.
“Waan fiicanahay maqnaanshahaaga maahine wax kale ma jirin, wax kasta waa saad ku ogayd, ee maxaad nagu soo kordhisay”. Mahad intuu Siraad fiirshay ayuu yiri:
“Tan day waxay dhagaha taagto, orod waxaan cabo ii keen abaayo”.
“Waxaad sheegtaanba anoo abaal idin kaga hayn ayaan maqli doonaa,
waligiinba qarqarsha, ee maxaan idiin keenaa”.
“Aniga shah”, ayaa Gallad yiri
“Anna sidoo kale”.
Markay baxday ayaa Mahad yiri:
“Nin yahow gabar adeer dhalay ayaan la soo balamay, quruxleey ah”.
“Waaaaaw, geesinnimaad iska raadisay saxiib waa ok, adeer ma ogyahay?”.
“Tuhun inuu galay ma aqaan, balse wax ma oga, aabe Ayaan raabaa inaan ka dhamee idhaahdo”.
“Amaa waa yartahay lagu dhahaa ee sug?”.
“Adiga miyaan kaa yarahay?”.
“Dhowr sano inaan kaa weynahay ma illoowday yariisoow?”.
“Waan illooayay inaad ma kore ahayd oo da’ walba la fila”, ayaa Mahad yiri.
“Ninyahow gabar miyi ma is keeni kartaan, mase is fahmi kartaan?” ayaa Gallad weydiiyey.
“Reer miyi sida loo maleeyo maahan, i warso aniga, waa dad dhaqan leh oo meel loo raaco leh, gabdhaha miyigu ku jeer ayay ka fiican yihiin kuwa magaalada, raalliyo haddaad maqasho iyo naag nolol wax ka taqaan miyi ayay jirtaa”.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply