BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-15

 

CUTUBKA-8-AAD

TAGIDII MAHAD EE MIYIGA

 

 

 

Aaskii markuu madooayaaday ayaa mukul laba aqal u muuqatay, waxaro dhawaaqoodna dhagahooda soo gaaray iyo cigii ariga, in yar ka dibna ardaagii aqalka ee soke ayay soo gaareen, Diiriye oo markii hore aan shanqarta maqlayn oo bulaanka ariga la maqli waayay, ayaa markay soo dhawaadeen maqlay oo inta ardaaga uu fadhiyay gadaal u eegay yiri:

“War waa kuma?”.

Hangool ayaa ku yiri:

“Waa anaga Diiriyoow”.

“Ma Hangoolbaa qofka ila hadlayaa?”.

“Haa iyo marti kuu socota”.

Waxay la soo wareegeen ardaagii, Diiriye inta go’ii uu garxaydsanaa oo jilbaha iyo dhabarka isku hayay iska furay oo istaagay ayuu ka hortagay oo yiri:

“War sow nabad maaha, ragu muxuu shaagay?”.

“Waa Eebbe mahadii, wax dhib soo ma maqlin” Hangol ayaa ugu hadal celiyay.

Diiriye hangool ayuu gacan qaaday ka dibna Mahad oo yiri:

“Ninkaana kumuu ahaa?”.

Intaan Mahad hadlin ayaa Hangool la soo booday oo yiri:

“Waa wiil aad adeer u tahay oo Xamar ka yimid”.

Mahad ayaa markaa yiri:

“Adeer waa Mahad Warfaa”.

“Waa wiilkii walaalkay, adeer waad weynaatay kuma garteen”. oo raaciyay “Soo dhawaada halkan ii soo fariiso adeer walaal aan jeclahaan kaa dugsane, Carrooy marti ayaa noo timide shaah bal dabka saar”.

 

Carro oo ah xaaska Diiriye oo maqasha xirxiridoodii gabadheeda Aragsan ku soo dhaaftay ayaa u timid, durbadiiba waxay garatay Hangool markaasay tiri:

“Hangool marti kama ahan gurigaane……”.

“Ina Warfaa ayaa la socda oo xamar ka yimid oo uu guriga soo marsiiyay”, ayaa Diiriye yiri inta warkii Carro ka dhex galay.

Carro intay u soo dhawaatay ayay tiri:

“Eedo see tahay?”.

“Waan fiicnahay eedo”.

“Kabaha iska siiba oo nasta, shaah ayaan idinla soo ordayaaye iyo caanee”.

 

Markay gadoontay ayaa Mahad isha la raacay, Carro waa dhirir xigeen caataa oo dabacsanaan iyo jiljileec meelna aysan ka soo galin, sidii gabar yar ayay saanta u qaaday oo durbadiiba aqalkii kale gashay.

Hangool ayaa yiri:

“Anigu waan sii dheelmanayaa xilli fiican inaan ciddii gaaraan raabye”.

“Horta shaah cab oo naso, dayaxii ayaaba mar dhow soo baxayee, tartiibtaada ayaad u sii socone, bal warka isii, aduun maxaad war ka haysaa kii xumaa oo aan dhagaysan jirayna waa iga dab beelee”.

Mahad aad ayuu ula yaaayay labadada nin midna asaga oo guri jooga ayuu habennimadaan waan sii socon leeyahay, adeerna waaba ka daran yahay oo waaba sii daahinayaa, in kasta oo miyiga fiid iyo sideed saac habeenimmo ay isku mid tahay, geesinnimmo waa dhammeeyeen ayuu uurka iska yiri, duurkaas cidlada ah oo bahalladu buuxaan dadka habeen iska socda, Kumaando iska daaye Mutun xataa geesinnimadaas maleh, ma ku dhaco inuu maro kaligii, xataa Ajeeyna haduu soo wato kuma dhacaan, tan kale waxa uu la yaabay, ninkaan aduunka uu ka war haayo waa maxay, tuuladaan ayuu gaaray kana soo laabtay, tuulada intii yarayd uu joogay maahine tan iyo xalay socod ayuu ku jiray iyo xoolo waraabis.

 

Waxaa galay Mahad welwel hor leh iyo baqdin iyo yaab isla socda, sidee loogu noolyahay duurkaan aan guri fiican lahayn, nal iyo biyo socda haba sheegin, bahalladu iska socdaan cid ay kaaga haybaysanayaan aysan jirin haday raabaan inay ku cunaan Eebe oo kaa cesha mooyee aan laga badbaadi Karin,, ciga xoolaha maahine sharqan kale maleh, xoolaha qudhooda ayaa wax laga baqo ah, bal day geelaan dhirirka badan hadduu maskaxdiisa ka maagoo inuu kugu durduriyo yaa kaa celin kara, mas kaaba ugu daran aan loo jeedin oo dhulka loo seexanayo, haduu sariir yar horey u soo qaadan lahaa maalintii dhulka waa iska fiirin lahaa, gabbalku markuu dhacana dushuu uga bixi lahaa sariirta, halkaas ayuu dadka uga sheekayn lahaa, talo iskuma kaa shegto, arigaaba ugu daran lagamaba seexan karo.

 

Waxaase uu ilaa hada ku qoslaa markuu soo xasuusto maalintii geela adeer rati ka dhumay oo uu arkay adeer oo isku diyaarinaya inuu baadi goobo, wal walna ka muuqdo markaas ayuu ku yiri:

“Adeer dhib maleh ha isku buuqin, waa la helayaa hadii la waayana hal rati lee waaye”.

“Xoolo beel xoolo muxuu ka yaqaan, hal rati lee waaye”, ayaa adeerkii yiri asagoo gafuurka tuuraya oo canjilaya.

“Walaahi adeer geelaan dhib ayaad ku qabtaa, hadda waa kanaa waa dhumayaa waad raadinaysaa, libaax ayaa cunaya hadduu rabo, dabaal weeye geel waa iska tagayaa, arigaa ka fiican meel dheer ma aadayo Walaahi arigu caadi maahan”.

“Magaalooy balaaya ku dagtay, saddex magac Ilaahay ratigaas dhumay ayaa reer magaalka garaad dhaama, war meesha ma moos inaan ku goobeeyo miyaad u malaysay, sow xoolo nool maahan waxaan hayaa”.

“Moos haddaad goobayn lahayd oo beer iska samaysan lahayd saan uma rafaadeen”.

“War iga leexo ha i daahine, xoolahaygaa cirka lagu maalayaaye aan meesha ka cararee”.

Mahad oo waxa uu dhagahiisa uu ku maqlay rumaysan la’ ayaa yiri:

“Cirkana xoolo miyaa kuu jira adeerkiis?”.

“Yaahuuu war iga leexo, iridka ii banee”, oo si uu uga sii yaabiyo Mahad yiri “haddaan xoolo ii jirin cirka, awr-ka cirka yaa leh hadaa” asaga oo arrini ka qasan tahayna meesha uga tagay, Mahad intuu sii fiirshay adeer ayuu yiri:

“Caadi maahan adeerkay, sawir ayuu ii maleeyay, wuxuu rabo ayuu ii sheegayaa”.

 

Wuxuu la yaabo miyiga, markii danbe waa uu bartay dhaqankii miyiga waana la qabsaday, neecaaw macaan oo udug leh oo ur xun aan la socon, caana hada la soo lisay oo xoor dhusha ka saaran tahay oo dhiil culan laga soo shuayay oo carfaya, hilib aan lagaba dhargayn macaankiisa, buuq la’aan, dhawaaq baaayuur oo dhagaha kaa dhiba maleh, dadka miyiga dagan oo kala fog fog haddana iska war haya, isku gurmada, is garab siiya, nolol adag oo haddana  ku  raali  galinaysa, caafimaad  aan magaalada lagu haysan, miyi waa hoy nolol fiican leh.

 

Aragsan xishoodkeeda wax uu u dhigo maba uu san arag, miyirka ay u hadasho, markuu wax ka qosliya uu u sheego say hoos u eegto oo u qososho, xasilloonida ay tallaabada u qaado, gacmaha garaaraha leh oo ay ku laafyooto markay soconayso, tinta tidcan ee dhabarka dhaaftay, jirkeeda aan saxar baruura lagu ogayn ee siman. Geela wax ka raacistiisa waa uu u diiday, waayo waxuu rabay in uu Aragsan ag joogo, ariga la raaco, la joogitaan keeda kamaba dhargo, see buuse uga dhargaa gabdhuhii uu  yaqaannay oo dhan mid la mid ah ama u dhow kuma jirtee, shukaansigii markuu ku yiri inaan ku guursadaan raabaa  ma aysan qaylin oo ma boodin, hayena horay kama dhihin ee garbasaarka intay hagoogatay ayay tiri, labadii calaf isku galo is gafi mayaan, talase aabe iyo hooyo ayay ka go’daa, asaguna talo maalintaas ayuu meel dhigtay in aysan dhaafin Aragsan ayaa taladiisi ku dhamaatay.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply