AGATHA CHRISTIE
DILKII ORIENT EXPRESS
TURJUME: SULADAAN CALI ADAM AMEERIKO
CUTUBKA KOOWAAD
SOCDAALE MUHIIM AH OO SARAAN TAURUS EXPRESS
Tareenka weyn ee Taurus express ee ka koobnaa qayb hurdo, laba qayb oo gudaha dalka ah, qayb jiko ah iyo qaybta makhaayada ayaa goor hore oo shantii aroornimo ah wuxuu taagnaa halka tareenadu ka baxaan ee magaalaa Xalab ee Suuriya, waxayna ahayd aroor jiilaal oo aad qaboow.
Halka laga galo qaybta hurdada waxaa taagnaa nin dhallin yaro ah oo ah laba xiddigle ka tirsan ciidanka Fransiiska, waxaa la taagnaa nin bar yar oo tan iyo dhagahu u dadan yihiin oo caaradda sankiisa cas iyo shaaribadiisa kor u miiqan uun ka muuqdaan.
Qabow aad u adag ayaa jiray, shaqadaan ah sii sagootinta martiga aad u sharaf iyo qadarin badan ma hayn mid howl yar, balse laba xiddigle Dubosc si wacan ayuu uga soo baxay qaybtiisa, erayo wanaagsan oo faransiis xalan ah ayaa af kiisa uun ka soo baxayay, mana ahayn mid war ka hayo waxa socda, balse nux nux in jnaraalka caradiisii ay caro dhaafta oo Biljamkaan la yaabka lihi uu Ingriiska ka yimid, waa sida muuqataye.
Hal toddobaad oo jaha wareer iyo ogaasho raadis ah ayuu ahaa, oo arrini ay dhacday, taa oo ahayd sarkaal ciidanka faransiiska ah ayaa is miidaamiyay, mid kale shaqadii ayuu iska casilay, foolal badan oo war war ka muuqday waa dhaafay war warkii, taxadar ciidan oo jiray waa dabcay, janaraalka oo ah janaraalkii Dubosc xukumay wuxuu u muuqda mid toban sano soo yaraaday.
Dubosc waxaa dhagahiisa soo gaaray sheekada janaraalka iyo ninka la yaabka leh,
“Wad na badbaadisay, mon cher” ayaa janaraalkii si xamaasad ku jirto u yiri ayada shaaribadiisa weyn ee cad ay dhaq dhaqaaqayeen markii uu hadlayay, “waxaad badbaadisay sharaftii ciidanka faransiiska, waxaad baajisay dhiig daadan lahaa, sida aad wax noola qabatay, si aan uga mahad celiyo ma garanayo, fogaanta aad nooga timid……”
Ninkii la yaabka lahaa oo loogu yeeryay M. Hercule Poirot, hadal celin u qalanta ayuu bixiyay oo ay ka mid ahayd,
“dabcan, sow ma xasuusto adiguba in aad naftayda mar badbaadisya?”
Janraalkiina erayo kale oo ayaguna u qalma kuwaas ayuu yiri, iyo guushii sharafta mudnayd ee Faransa iyo Biljam, erayo naxariis leh ka dib hab ayay isa siiyee, sheekadiina halkaas ku dhamaatay.
Balse waxa arrintaan oo dhan ay ku saabsanayd laba xiddigle Dubosd warmoog ayuu ka yahay tan iyo hadda, asaga waxay u ahayd in uu gudanayo xilkiisa ah in uu sii sagootiyo M Poirot oo raacaya tareenka Taurus express.
“maanta waa Axad” ayaa laba xiddiglihii yiri “berri, Isniinta fiidkii waxaad joogtaa Istanbuul”
“sidaas ayay u muuqataa” ayaa Poirot yiri
“maalmo in aad ku hakatid Istanbuul miyaad ku tala jirtaa?”
“haa, Istanbuu waligay ma booqan, marka waa wax laga xumaado haddii aanan arag” oo inta fara jaawiyay yiri Poirot,”wax diidaya ma leh in aan dhowr maalmood ku joogo dalxiis”
“Waa ra’yi wanaagasn” ayaa laba xiddigle Ducosc oo aan waligii istabuul tagin yiri
Dabayl qaboow ayaa foorinaysay goobta tareenka laga raaco, labada ninna qabow ayay la gariirayeen, Dubosc saacadiisa ayuu eegay, shanti oo shan la’, shan daqiiqaa ayaa haratay.
Asaga oo dareemay in ninka kale arkay in uu saacada eegayay ayuu hadalkii bilaabay, oo asga oo kor u eegaya dariishadaha qaybta jiifka ee ka koreeya yiri.
“Xilligaan oo kale sannadka dad badan ma socdaalaan”
“Waan kugu raacsanahay” ayaa Poirot yiri
“Inaan baraf Taurus ku dagin Ayaan rajaynaa’
‘Sidaas ma dhacdaa?” Poirot yiri
“Waa ay dhacday, balse gugaan weli ma dhicin”
“In aysan dhicin aan rajayno, saadaasha hawada ee yurub aad ayay u xuntahay’
“Aad iyo aad, siiba Balkaanka oo baraf badan laga sheegayo”
“Jarmalkuna waa sidaas oo kale Ayaan maqlay”
Sheekdii oo istaagtay markuu arkay ayaa Dubosc yiri
“waa hagaag, barri fiidkii toddobada iyo affartan daqiiqo waxaad joogtaa Constantinople [istanbuul”
“haa, waxaan maqlay in ay aad u wanaagsan tahay’ Poirot yiri
“heer sare in ay tahay Ayaan rumaysnahay”
Korkooda qaybta jiifka ayaa daah dhinac loo weeciyay waxaana banaanaka soo eegtay gabar dhallinyaro ah.
Mary Debenham, sidii ay khamiistii hore Baqdaad uga soo kicitintay hurdadeedu waa yarayd oo hurdo kufilan ma helin, tareenkii Kirkuuk iyo hotel kii Mowsil ba iyo tareenkii xalayba si fiican uma seexan, jajabka hurda la’aanta iyo qaybta jiifka oo aad loo diiriyay ayay kacday oo banaanka soo eegtay,
Halkani waa Xalab ayay is tiri, wax laga arkana maleh, halka tareenka la raaco oo dheer oo aan iftiin fiican lahayn, buuq meel kasta af Carabi lagu hadlayo, laba nin oo dariishadeeda hoos taagan oo Faransiis ku hadlaya, mid uu yahay sarkaal Faransiis ah, kan kalaena shaaribo weyn leeyahay.
Waa ay dhoola caddeysay, waligeed ma aysan arag qof sidaan oo kale u qafilan, macnuhu qaboow xun ayaa banaanka ka dhacaya, waana waxay aad ugu kululeeyeen tareenka, ayay is tiri, dariishada in ay hoos u sii dajiso ayay isku dayday bale waa u dagi weyday.
Kormeerihii ayaa u yimid labadii nin oo ku yiri, tareenku waa dhaqaaqi rabaa.
“En voiture, Monsieur, soo kor Mudane” ayaa kormeerihii yiri
Si ka laalaabasho leh ayaa Poirot u koray tareenkii, kormerihiina waa ka daba koray ka dib markii Poirot uu u gacan haatiyay sarkaalkii, laba xiddigle Dubosc na salaam ayuu u saaray, tareenkiina inta is dhuftay ayuu horay u dhaqaaqay.
“Ugu danbayn” ayaa si hoose uu u yiri poirot
“Haye, Mudane” ayaa kormeerihii yiri, asaga oo Poirot u tilmaamaya quruxda qolka iyo sida wanaagsan ee boorsoonyika u habeeyay, “boorsadii yaraydna Mudane, halkaas Ayaan dhigay”
Gacan xasuusin ah ayuu soo taagay, Poirot na lacag xaashiya oo isku laaban ayuu ku dhex riday gacantii.
“Mahadsanid, Mudane” mar qudha ayuu isku rogay karmeerihii sidii uu ku jiro howl ganacsi oo yiri.
“Tikidhadii anigaa haya, baasboorka na anaa haynaya Mudane, socdaalkaagu Istanbuul ayuu ku egyahay sidaan filayo?”
“Socdaalayaal badan ma jiraan Ayaan filayaa?”
“Maya, Mudane, laba kale uun, labaduna waa Ingriis, gaashaanle Hindiya ka yimid, iyo marwo Baqdaad ka timid, wax kale miyaad u baahan tahay Mudane’
Dhala yaroo biya ah u ayuu dalbaday mudanihii.
Xilli qaab daran ayay ahayd in shantii tareen la raaco, weli laba saac ayaa ka dhiman waa barigii, oo aan urdo ku filnayn, M Poirot se waa uu ku guulaystay in uu meel gees isku duubo oo hurdo, markii uu hurdada ka kacay sagaalkii iyo barkii wuxuu horay ka aaday qaybtii makhaayada asaga oo baadi goob ugu jira qaxwo.
Hal qof oo kale ayaa joogay, waxaana muuqatay in ay tahay marwadii uu kormeeruhu u sheegay, marwo dheer oo caato ah, dhici karto in ay tahay da’da labaatan iyo siddeed, sida ay quraacdeeda u cunaysay waxaa ka muuqatay in ay tahay socdaale isku kalsoon, siday adeegaha qaxwada kale uga codstay ayaa cadayn u ahayd qof socdaalo badan galay in ay tahay, ifkana wax ka taqaan, aad ayuu ula dhacay Poirot foolkeeda caadiga ah, timaheeda modoow iyo indhaheda boorka ah, naag aad qurxoon, ayuu laabta iska yiri.
Waxay xidhnayd saako madoow oo ka samaysan dun loogu tala galay cimilada tareenka ee kulul, Poirot oo aan shaqo kale ka dhicinna wuxuu ku mashuulay eegida naagta, waxayna ahayd sida uu is yiri, dumarka sida wanaagsan naftooda u dhowra meel kasta oo ay joogt, wuxuu jeclaaday qaabkeeda dhismo iyo duubkeeka jilicsan, wuxuuka helay madaxeeda tinta madoow ee qurxoon ka buuxdo, indhaheeda qaboow ee boorka ah, waxuuna go’aansaday in ay wanaagsanaan lahay in mageecdu ahaado, oo loogu yeero, naag qurxoon.
Waxaa soo galay isla markaas qaybta makhaayada nin dheer oo caato ah, oo da’ ahaan ah inta u dhaxeeysa affartan iyo konton, timo cirro leh iyo sar qorraxdu maariin ka dhigtay, gabadhii ayuu la hadlay, dhawaaqiisa codna wuxuu ahaa Ingriis, waa gaashaanlihii Hindiya ka yimid, ayaa Poirot laabta iska yiri.
“Arooryo wanaagsan, marwo Debenham”
“Arooryo wanaagsan, gaashaanle Arbuthnot” ayay ugu war celisay
“Ma kula fariisan karaa?”
“Waa caadi, soo dhawoow” si habsami ahna ugu dhoola cadaysay.
Waa uu fariistay oo quraac dalbaday, eegmo ayuu ku xaday Poirot, shaaribadiisa waayen ee qaroofan iyo madaxiisa aan caaadiga ahayn ee qaabka ukunta u eg, “Nin qalaad oo fildaran” ayuu laabta iska yiri
Lamaanihii Ingriiska ahaa, sheeka yar ayay quraacdii ku dul qabsadeen, xilligii qadadana waa ay wada fariisteen, ninku wuxuu ka sheekaynayay noloshiisii ciidan markii uu Hindiya joogay, mar marna gabadha ayuu weydiinayay weydiimo ku saabsan Baqdaad, halkaas oo ay ka shaqaynaysay, markii ay ogaadeen in ay leeyihiin saaxiibo labadoodu ay wadaagaan, si fiican yahay u sii saaxiibeen ayagii.
“Istanbuul miyaad ku hakanaysaa?” ayaa ninkii weydiiyay
“Maya, qumaati ayaan u sii baxayaa, laba gu’ ka hor markaan Baqdaad u socday ayaan arkay wax walba oo Istanbuul ku saabsan”
“Taas waan ku faraxsanahay marka, oo aniguba toos Ayaan u sii socon” foolkiisana guduud yar ayu isku rogay
“Taas waa fiican tahay” ayaa marwo Debenham, tiri ayada oo wax dareen ah ka muuqan.
Tareenkii wuxuu istaagay magaalada Konyo, labadii Ingriis ee socdaalayay si ay u luga baxsadaan, u soo hawa qaataan banaanka ayay u baxeen, Poirot asaguna wuxuu go’aansaday in uu soo hawa qaato, wuxuuna ku socod bilaabay aaga dakadii tareenku joogsaday, qoboow xunna waa uu jiray.
Dhinac mugdiya ayaa wuxuu ka maqlay laba cod, Arbuthnot ayaa hadlayay.
“Mary–”
Cod naageed ayaa ka dhex galay.
“Hadda maahan, hadda maahan, markii waxa dhan dhamaadaan, markaan waxa dhan gadaal iska dhigno, markaas ayaa—–”
Si shanqar yari ah ayuu uga weecday dhinacii uu u socday,
“yaab” ayuu iskula hadlay, wuxuu ahaa codkii marwo Debenham, balse aad ayuu uga gadisnaa codkeedii daganaa ee qaboobaa ee uu tareenka ku dhex maqlay.
Galabtii ku xigtay, tareenka ayaa loo joojiyay si lama filaan ah. Poirot ayaa weydiiyay kormeeraha haddii ay jirto dhibaato, marwo Debenham oo ka dambeysay isaga Ayaan tiri:
“Waa maxay arrintu?’ ayay af Faransiis ku waydiisatay Poirot. “Maxaan u joogsanay?”
“Dab ayaa qabsaday hoosta qaybta makhaayadda” ayuu yiri, “balse way hagaajinayaan wixii dhacay wax halis ah maahn.”
Waxay u muuqatay mid aad u dagdagsan..
“Laakiin wakhti! Tani way na daahin doontaa.”
‘Waa suurtagal – haa,’ ayuu yiri Poirot.
“Ma awoodno inaan dib u dhacno! Haddii aan dib u dhacno wax ka badan saacad, waxaan gafaynaa tareenka Orient Express.”
gacmaheeduna waa ay gariirayeen. Waxay ahayd mid aad u xanaaq badan.
ayaan wanaag, welwelkeediiba waa la iloobay oo toban daqiiqo ka dib ayaa tareenkii mar kale socodkii bilaabay, socdaalkii tan iyo Istanbul aad ayuu u wanaagsanaa. Markii istanbuul la tagay M. Poirot wuxuu si toos ah u abaaray hotelka Tokatlian. Wuxuu doonayay in uu maalmo yar uu joogo Istanbul, ka dibna socdaalkiisa sii wato.
Hoteelkii markii uu yimid ayuu weydiiyay haddii ay u hayaan wax fariin ah. Saddex warqadood ayaa u taalay, iyo farriin degdeg ah. farriintu waxay ahayd mid uu la yaabay.
“Isbeddel lama filaan ah ayaa ku yimida rrintii Kassne. Fadlan si dhaqsa ah u soo noqo, “ ayay lahayd farriintu.
“Dhib badanaa” ayuu naftiisa ku yidhi. Wuxuuna fiiriyey goorsheegtada.
“Waa inaan ka baxaa caawa Istanbul,” ayuu u sheegay ninkii soo dhaweynta hotelka joogay, “Ma ka heli karaa qol qaybta koowaad ah tareenka caawa u baxaya London”
“Haa , Monsieur“Mudane”. Tareenku wuu madhan yahay xilliga jiilaalka oo dad badan ma socdaalaan,Wuxuuna baxayaa sagaalka.” ayaa soo dhaweeyihii hotelku yiri
‘Mahadsanid,’ ayuu yiri M. Poirot. Waxa uu haystay wakhti ku filan oo uu wax ku cuno.
Markii uu ka dalbaday cuntadii makhaayadda hotelka, ayuu dareemay gacan garabka ka taabatay.
“M. Poirot! Waa maxay farxadaan lama filaanka ah! “ ayaa cod gadaashiisa ka yimid yiri, qofka hadlayayna wuxuu ahaa nin gaaban oo buuran oo da’da kontomeeyada ku jira.
“Mudane Bouc! “ayuu kor ugu qayliyay Poirot.
- Bouc wuxuu ahaa Belgium, wuxuuna meel sare ka joogay shirkada uu u shaqaynayay ee Compagnie Internationale des Wagons Lits. Labada nin waxay ahaayeen jaallayaal gu’yaal badan, tan iyo maalmihii uu Poirot uu ahaa dhalinyaro, ahaana dambi baare ka tirsan ciidamada booliiska ee Belgium.
“Aad baad uga soo fog tahay gurigii, saaxiibkay,”ayuu yiri M. Bouc.
“Haa. Dan yar Ayaan ka lahaa Suuriya. Balse caawa Ayaan ku laaban dalkii, waxaan doonayaa inaan caawa raaco tareenka Orient Express, haddii aan meel ka helo”
“Arrin fiican! Waxaan raacayaa anna isla tareenkaas, hadhoow ayaad iiga sheegi doontaa dhammaan wararkaaga iyo xaaladaada. Hadda waxaad noqotay danbi baare caan ah, waan maqlay.”
Dhoolla cadayn diirran ka dib, M. Bouc waa uu tagay.
- Poirot ayaa ku soo laabtay shaqadii ahayd inuu shaaribadiisa ka ilaaliyo qoyaanka maraq uu cabayo. Inkast oo dareenkiisii ay jiiteen labo nin oo wada fadhiya miis aan isaga ka fogeyn. Labada nin kan yar wuxuu ahaa nin bashaash ah, oo da’da soddomeeyada ah, hubaalna wuxuu ahaa Maraykan, Midka kale wuxuu ku jiray da’da lixdameeyada, wuxuuna u muuqday markii ugu hore nin wanaagsan balse markii indhihiisii yar yaraa ay qabteen kuwii Poirot, danbi baarihii aragti kale ayuu ka qaatay, wuxuu dareemay in ninku yahay mid halis ah, dugaag ku dhex dhuumanaya jir dad, oo aduunka ku eegaya indho shari ka muuqato.
- Poirot iyo saaxiibkiis M. Bouc meel u dhow miiska soo dhaweynta hotelka ayay ku sheekaysanyeen, sheekadii ay wateen waxaa kala gooyey shaqaalihii hoteelka ee qabanqaabiyey tikitka tareenka ee M. Poirot.
“Waa wax yaab leh, Monsieur. Dhammaan qeybaha darajada koowaad waa buuxaan – iyo darajada labaad xataa. “
“Waa maxay?’ ayaa M. Bouc. weydiiyay ‘Xilligaan oo kalaa?waa ayaan darro! “
“balse waa dhacday” ayaa ninkii ugu warceliyay. “Waan ka xumahay.”
“waa hagaag” M. Bouc ayaa ku yiri Poirot, “ha walwalin. Waxaanu qalqaalin doonaa kormeeraha”
Waxa uu eegay goorsheegtada. “ina mari” ayuu yiri, “waa xilligii la tagi lahaaye.”
Markii goobtii tareenka ay tageen, M Bouc wuxuu dhinac ula baxay kormeerihii oo ku yiri;
“Waa in aan ka helnaa boos darajada koowaad, ninkaan waa saaxiibkey”
“Laakiin waa buuxsamay tareenkii, Monsieur. Waana wax aan caadi ahayn. ‘
“sug”’ ayuu yiri M. Bouc, “berrito waxaa jiri doona qaybo kale oo lagu xiri doonotareenka marka aan gaarno magaalada Belgrade. Dhibaatadu waxay tahay caawa uun. “ in yar ayuu aamusa, “Qof kasta ma yimid?”
Kor meerihii wuxuu eegay liiskiisa.
“Nambarka 7aad – darajada labaad. – Mr Harris – weli ma imaan, waana sagaalkii oo affar daqiiqo la’.”
“Marka, M. Poirot sii lambar toddobo” ayuu yiri M. Bouc. “Haddii Mr Harris uu yimaado, waxaan u sheegi doonaa inuu goor dambe yimid oo uu soo daahay.”
Ereyo mahadnaqa asga oo M. Bouc ku daldlaya ayaa Poirot wuxuu u raacay boorsadiisii qolka toddobaad, wxaana uu ugu tagay qolkii nin dhalinyaro ah oo Maraykan ah oo la wadaagaya qolka, waa kii uu ku arkay hotelka.
Ma uusan ku faraxsanayn ninka dhallin yarada ahi aragtida Poirot oo soo galay qolka.
“Waan ka xumahay,” ayuu ku yiri af Faransiis, ‘Waxaan u maleynayaa inaad soo qaladanteen.”
“Ma jiraan sariiro kale oo ka banaan tareenka, M. MacQueen,’ ayaa kormeerihii si raali galin ku jirto u yiri, ‘Waa lagu qasbaan yahay in ninka odaga ah halkan la keeno”
Poirot wuxuu la yaabay in kormeeruhu uu u muuqday mid xanaaqsan sida ninkan Mareykanka ah., Waxaa laga yaabaa in loo soo bandhigay lacag si uu sariirta kale u ahaato mid madhan, ayuu laabta iska yiri Poirot.
Markii uu kormeeruhii uu tagay, Macqueen caradiisii si kadis ah ayay u miriqday oo u baaba’day,
‘Tareenku si la yaab leh ayuu u buuxsamay,’ ayuu ku yiri asaga oo dhoolacadaynaya.
Tareenkii ayaa bilaabay inuu dhaqaaqo. Socdaalkoodii yurub ee saddexda maalmood qaadanayay ayaa bilowday.
Hrurdo fiican oo uu habeenkaas seexday ka dib, Poirot aroornimadii kaligiis ayuu qolka joogay, wuxuuna kor marayay oo fiir fiirniyay kiiska dardiis dib loogu yeeray,oo sida deg degta ah loogu sheegay in uu dib ugu soo laabto London.
Waxay wada qadeeyeen, M. Bouc. Markii ay dhamaysteen cunadii ayay eegid ugu dhaqaaqeen agagaarkooda iyo makhaayada dadkii fadhiyay.
“Haddii aan qoraa ahaan lahaa, waan adeegsan lahaa muuqaalkaan,” ayuu yiri M. Bouc. ‘Dhamaan nagu wareegsan, waa dadka dhamaan kala duwan, kala heer ah, kala dhalasha duwan, da’ walba leh, Saddex maalmood oo soo socotana hal saqaf hoostiis wad seexanaya, wax ku wada cunaya, midna uusan mid ka weecan Karin am ka qarsoomi Karin, saddexda maalmood markay dhamaatana qof walba meel aadayo oo aysan waligood danbe is arkayn.”
Waxaa ku sugnaa makhaayadda saddex iyo toban qof,, M. Bouc waa runtiis, waxay ahaayeen dad aad isugu qasan oo kala jaad ah.
Nin weyn oo talyaani ah oo timo badan wuxuu la fadhiyay nin Ingriis ah oo caato ah, oo malaha shaqaale ah, iyo nin Maraykan ah oo jaakad midaba badan xiran. Talyaaniga iyo Ingriisku waxay is weydaarsanyeen talooyin ku saabasan ganacsiga, ninka Ingriiska ah waxaa ka muuqatay in uusan wax dana ka lahayn waxay ka hadlayaan oo uusan u riyaaqsanayn.
Miiska ku xiga waxaa fadhiyay islaan aad u fool xun, oo dharkeeda aad arkaysid in laga soo gaday dukaamada u qaalisan Baariis iyo dahabka ku raran ba aysan waxba ka badalin muuqaalkeeda,
“Taas waa Amiirad Dragomiroff’,” ayuu yiri M. Bouc. ‘Waa Ruush, ninkeedu wuxuu hantidiisii kala soo baxay raashiya intii aan shuuciyadu qabsan dalka, foolxumo, balse dabeecad ayay leedahay”
Miis kale, Mary Debenham waxay la fadhiday qof dumar ah oo dhex-dhexaad ah oo leh timo quruxsan iyo fool idaad, iyagana waxaa oo la fadhiyay haweenay weyn, oo Maraykan ah oo marnaba aan u muuqan in ay hadalka joojinayso.
Gaashaanle Arbuthnot wuxuu fadhiyay miiska ku xiga, Dhinaca derbiga waxaa fadhiyay gabadh dhexdhexaad ah oo xiran dhar wada madow, in ay tahay shaqaale qof ayuu Poirotk u qiyaasay.
Ka xaga waxaa fadhiyay nin da’da soddon ka ku jira iyo gabar aad u qurux badan. Dharka ay xiran tahayna uu ahaa kii u danbeeyay ee moodada cusub, waxay lahayd maqaar cawl ah iyo indhaha bunka u eg oo waaweyn. Poirotna waa ka sii jeesan wayay.
“Diblomaasi Hangeeri ah iyo xaaskiisa, Ayaan rumaysanahay in ay yihiin,”ayuu yiri M. Bouc, isaga oo arkay xiisaha saaxiibkii naagtu galisay ayuu yiri. ‘Lamaane aad u soo jiidasho leh, sow maahan?
Waxaa kale oo joogay MacQueen iyo madaxiisii, ninkii lahaa foolka dabacsan iyo indhaha sharta ah ee yaryaraa.
- Bouc wuxuu ku laabtay qolkiisii, M. Poirot wuxuu ku haray dhamaysiga qaxwadiisa.
“Gabadhaydu waxay igu tiri wax dhib ah ha kaga qabin tikidhadda cuntada,’ ayuu maqlay Poirot, haweeneydii Maraykan ah ayaa Miss Debenham u sheegaysay. “balse waxaa jira ayay tiri lacag loogu talagalay adeegaha, iyo dhalada biyaha ah. Biyo aad u xun. Ma hayaan miyaa biyaha Evian?,” Waxay fiirisay lacag qadaadiic ah oo adeegihii uu miiska u saaray “Fiiri qashinkaan uu adeeguhu i siiyay. Dinar ama wax. Gabadhayda ayaa tiri -”
Markay halkaas maraysay ayaa miss Debenham si reer magaalnima leh uga cudur daaraty oo kacday, gashaanle Arbuthnot asana waa uu istaagay oo daba galay, wax yar ka dib makhaayidii cidla ayay noqotay aan ka ahayn Poirot iyo ninkii Macqueen u shaqeeyo.
La yaabka danbi baaraha, ninkii inta soo istaagay ayuu la soo fariistay asagii,
“Galab wanaagsan” ayuu si qaboow ugu yiri cod guuxa, “’Magacaygu waa Ratchettt. Waxaan u maleynayaa in aan ku faraxsanahay inaan la hadlayo Mr. Hercule Poirot. Ma sax baa? “
“Xogtaadu waa sax, Monsieur” ayaa baariihii yiri“
waxaan rabaa in aad shaqo ii qabato” ayaa Rachett yiri.
Poirot oo la yaabay ayaa yiri;
“Waxaan ka baqaya, inaan shaqooyin kooban kaliay aan qabto”
“Dabcan, balse lacag ayaa ku jirta tan, lacag aad u badan ayaa ku jirta, Mudane Poirot”
Poirot intuu cabbaar aamusay ayuu yiri:
“Maxaad kuu qabanayaa munade, eeee, Ratchett”
“Mr Poirot, waxaan ahay nin hodan ah – nin aad u hodan ah. Ragga booskayga oo kale jooga waxay leeyihiin nacab. Handadaad ayaa la iila yimid ah in la i dilayo. Anigu waxaan isku deyi karaa naftayda inaan si fiican u ilaaliyo”. Waxa uu si dhakhso ah uu u tusay Poirot bastoolad jeebka uu ku watay, ‘balse waxaan jeclahay in aan si gaar ah u taxadaro. Xasuusnoow, waxaan ka hadlaynaa waa lacag badan, MrPoirot. ‘
Poirot daqiiqado yar ayuu fakaray. Ugu dambeyna wuxuu yiri,
“Waan ka xumahay, Monsieur, balse waxba kuuma qaban karo.”
Ninkii kale ayaa dhoola cadeeyay oo yiri.
“Xitaa haddii aan ku siiyo labaatan kun oo doolar?”
“Maya, Monsieur.”
‘Laakiin maxaa sabab u ah? Maxaad kiiskan aadan u daneyneyn?”
Poirot wuu istaagay. Oo yiri:
“Iaga raali noqo waa arrin qof ahaaneed taasi oo iigaar ah, balse ma aanan jeclaysan foolkaaga, M. Ratchettt,’
Orient Express waxuu yimid Belgrade sagaalkii oo rubuc la’ ee fiidnimo, M. Bouc waxaa loo wareejiyay qayb ku soo biirtay tareenka oo Athens ka timid, Poirot na waxaa la siiyey maqsinkii M. Bouc, lambar 1. Sagaalkii iyo rubuc oo baraf xoog leh ka dhacayay dibada, ayaa tareenkii mar kale dhaqaajiyay.
Dadkii kala qaloonayay shalay saaxiibo ayay noqdeen, gaashaanle Arbuthnot wuxuu taagnaa illinka qolkiisa oo la sheekaysanayay MacQueen.
Laba illin ka gadaal qolka cusub ee Poirot, haweeneydii Maraykan ee duqda ahayd, Mrs Hubbard, waxay la sheekaysanaysay islaantii foolka idaha lahayd.
“Oh, cimiladan qaboow aad ayay u xuntahay! Waxaan rajeynayaa in madaxu kuu fiicnaan doono aroortii, . Ma haysata asbiriin? Ma hubtaa? Wax badan ayaan haystaa aniguye. Waa hagaag, habeen wanaagsan, qaali”.
Durbadiiba waxay ku jeesatay Poirot,markii islaantii ka tagaty
“waa naag miskiin ah, waa iswiidhish. Bare weeye, waa qof wanaagsan, balse ingiriis fiican ma taqaan, aad ayay u xiisaysaa in ay maqasho sheekada gabadhayda markaan ka sheekaynayo.”.
sida qof kasta oo tareenkasaarnaa, Poirot waa ka dharagsanaa sheekada gabadha Mr Hubbard, in ay bare ka tahay kollej weyn oo Maraykan ah oo turkiya ku yaal, waxaa kale oo ay ka dharagsanaayeen, ra’yiga Mr Hubbard ay ka qabto turkida, oo ay kuu sheegatay, caadooyinkooda caajisnimada ah iyo xaaladda xun ee wadooyinkooda.
Illinkii xigay ayaa la furay waxaana ka soo baxay adeege caata ah, intaan illinku xirmin Poirot wuxuu arkay Mr.Rachett oo sariirta dul fadhiya., Mr Hubbard waxay u dhawaatay Poirot.
‘“waan ka baqay ninkaas,” ayay si hoos ah u tiri. “ adeegaha maahan ee waa ninka kale, waxaan dareemayaa inuu halis yahay. Illinka igu xiga ayuuna dagan yahay, mana jeclaysan taas, mana la yaabeen haddii la yiraahdo waa dilaa”
Gaashaanle Arbuthnot iyo MacQueen marinka dhexe ayay soo maryeen oo xagooda u soo socdeen,.
“qolky kaalay,” ayaa MacQueen lahaa, “aan sheekadeena sii wadanee, marka ma waxaad u maleyneysaa in Hindiya British ay—“
Maqalkii codkiina waa dhamaaday markii labadii nin ay qolkii MacQueen galeen.
“Waan seexanayaa,” ayaa Mrs Hubbard ku tiri Poirot.
‘Habeen wanaagsan’.
Poirot wuxuu galay qolkiisii gaarka u ahaa, oo ahaa kan ku dhagan qaybta Ratchett, muddo saacad barkeeda ayuu sariirta ku dul akhristay buug ka dibna nalka iska damiyay,
Wuxuu ku kacay hal saac dabadeed qaylo u ekayad oohin xanuun, oo meel aan ka fogayn ka imaanaysay, waxaana qaylada daba socday shanqar koor [kambaleel] la garaacay.
Poirot hurdadii ayuu ka kacay oo nalkii shiday, wuxuuna dareemay in tareenku istaagan yahay oo uusan socon, asaga oo xasuusan in Rachett oo daganaa qolka ku dhagan kiiisa, ayuu sariirtii ka dagay oo illinkii furay, kormeerihiina wuxuu si dhaqso leh ugu soo socday marinka dhexe, illinkii Rachett ayuu garaacay, wax jawaaba kama soo bixin, koor kale ayaa ka dhawaaqday dhinaca kale ee marinka, nalna waa ka shidnaa, qof ayaa markaas afka farnsiiska ku yiri,
“Ce n’est rien. Je me suis trompe.” waxba maahan, waan qaldamay,
“waa hagaag , , Monsieur” ayaa kormeerihii yiri, oo aaday dhinaca illinka nalku ka shidnaa, Poirot sariirtiisii ayuu ku laabtay, goorsheegtada ayuu eegay, waxay ahayd kowdii oo labaatan iyo saddex daqiiqo dhiman.
Hurdo ayaa ka soo dhici weyday, buuqa tareenka ka dhex yeeraya wuxuu u muuqday mid badan, wuxuu maqlayay dhaq dhaqaaqa Rachett ee qolka ku xiga dagan, iyo dhabbaha dhexe oo shanqar saan ka socoto.
Harraad ayuu dareemay Poirot, wuxuu iloobay in uu mar hore kormeeraha weydiisto dhaladii biyaha ahayd sidii caadada u ahayd, wuxuu ku fakarayay in uu koorta garaaco si karmeeruhu ugu yimaado oo uu biyo u weydiisto, balse meel kale ayaa koor laga garacay, ting….ting…..ting.
Poirot waa uu iska sugay waayo laba meel hal mar kormeeruhu ma wada tagi karo.
Koortii waa dhawaaqday oo haddana dhawaaqay, sida muuqata qof ayaa samirku ku yaraa, ugu danbayn kor meerihii waa uu u tagay wuxuuna maqlayay Poirot asaga oo raali galin bixinaya, cod haween ayuu maqlay, Mrs Hubbard, in doora ayay hadlaysay, kormeeruhuna mar mar ayuu haddal ku dhex darsanayay, ka dib kormeerihii wuxuu ku yiri habeen wanaagsan, illinkiina waa la xiray.
Poirot koortii ayuu yeeriyay waxaana u yimid kormeerihii oo caro ka muuqato, wuxuuna yiri,
“Wa Mr. Hubbard, waxay ku leedahay qolkeeda nin baa ku jira, adba malee, qol intaan la eg xagee ayuu kaga dhuuman karaa? Waan u sheegay waxaas wax dhici Kara maahan, warse waa iga maqli diiday, awalbaa dhib nagu filan na haystay oo barfkaan—”
“baraf?”
“haa, Monsieur. Baraf aad u badan ayaa jidka yaal, waa tan tareenka loo joojiyay, in aan maalmo halkaan ku xayirnaano ayaa dhici karta”
Biyihii inta u keenay Poirot ayuu habeen wanaagsan ku yiri
Poirot biyihii ayuu cabay waana uu seexday, balse durbaba waa kacay, wuxuu dareemay in shanqar weyn ay ka yeertay qaybta ku dhagan, ma waxbaa irida ku dhacay? Sariirtii ayuu ka booday oo banaanka eegay, waxba ma jiraan, kaliaya wuxuu marinka dhiniciisa shishe ku arkay naag dharka jiifka oo guduudan xiran, iyo kormeerihii oo waraaqo eegaya, xaalku waa daggan yahay.
“War warkaan waa in aan joojiya” ayuu naftiisa u sheegay, sariirtiina dib ugu laabtay tan iyo aroortiina hurday.
CUTUBKA LABAAD
NIN NAXARIIS DARAN OO HALIS AH
Kolkii Poirot uu hurdada ka kacay, treenkii weli waa uu istaagnaa, baraf aad u badan Ayaana ku hareeraysnaa, qof kasta oo makhaayada joogaynaya wuxuu ka cabanayay daahida,
“Immisaan halkaan sii joogaynaa?” Mary Debenham ayaa weydiisay “qof yaqaan ma leh miyaa?”
Codkeeda waxaa ka muuqday Samir yari, sida ay hadda u dhibsanayso daahniinkaan, uma aysan dhibsanayan daahniinkii intaan la soo gaarin istanbuul.
Mrs Hubbard ayaa u jawaabtay,
“Tareenkaan asaga oo dhhan ba cid wax ka garaynaysa maleh, cid isku dayaysa in ay wax ka qabatana ma jirto, haddii ay Maraykanka ahaan lahayd, dadku wuxuu isku dayi lahaa in ay wax uun qabtaan, gabadhaydaa waxay tiraahdaa……”
Aroortiina sidaas ayay ku socotay, Poirot wax badan ayuu ka ogaaday gabadha Mrs Hubbard, iyo Mr Hubbard ba, kaas oo mar aan fogayn dhintay.
Poirot dhinac ayuu isku babcay wuxuuna suxulkiisa agtiisa ka arkay kormeerihii, kormeerihii xalay maaha, waa mid kale oo weyn, wuxuuna ku yiri Poirot,
“Raali iga ahoow, Monsieur, M Bouc, waa uu ku farxi lahaa haddii aad u tagi kartid dhowr daqiiqo”
Poirot dumarkii ayuu u cudur daartay oo kormeerihii u daba galay qaybtii kale.
M Bouc wuxuu la fadhiyay nin bar yar oo aan aad u cadayn, oo unifoom buluug ah xiran, -maamulihii tareenka- kormeerihii xalayna wuxuu istgaagnaa daaqada agteeda.
“Saaxiibkaygii wacnaa, waxaan u baahanahay kaalmadaada” ayaa M Bouc si kor ah u yiri
M Bouc waxaa ka muuqday war war, Poirotna durbadiiba waa gartay in arrintu dhab tahay.
“Maxaa dhacay?” ayuu weydiiyay
“Waa hagaag, markii hore barafkaan dhibka badan iyo daahniinkaan, haddana.”
Haddalkii ayuu joogiyay
“Haddana maxaa?”
“Haddana qof rakaabka ka mid ah ayaa gogoshiisii lagu dilay oo dul saran”
“Waa kuma kaas?”
“Mid Maryakan ah, oo la yiraahdo-oo la yiraahdo” M Bouc wuxuu eegay waraaqo uu gcanta ku hayay “Ratchett, waa musiibo, dil kaligiis baa wareer ahaa, balse tareenkii xataa ma dhaqaaqi karo, dhowr maalmood in aan halkaan joogno ayaa laga yaabaa, booliis la socda tareenkana ma leh, Dr Constantine na wuxxu u malaynayaa in qofkii wax dilay uu nagu dhex jiro”
Ninkii barta yaraa ayaa hadlay markaas.
“Daaqda qolka Rachett ayada oo ballaqan ayaa loo tagay, balse wax raad ah kuma yaalaan barafka dushiisa, qof tareenka dhinacaas ka aaday am ka kaga dagay majiro”
“Immisadii ayaa dilku dhacay?” ayaa danbi baarihii weydiiyay
“Xilli go’an in la sheego waa ay adagtahay”, ayaa daqtarkii ugu war celiyay, “balse waxay u dhaxayn kartaa saqdii dhexe ilaa labadii aroortii”
“Goorma ayaa la ogaaday dhacdadan?”
M Bouc wuxuu ku jeestay Michel, kormeerihii dariishadda ag joogay oo ay ka muuqato baqdin.
“Adeegaha oo makhaayda ka yimid ayaa doonayay in uu ogaado haddii monsieur uu qado rabo” ayaa kormeerihii yiri, “illinka markii uu garaacay wax jawaab ah ma uusan helin, furahayga aayaan markaas ku furay illinkii, balse sil sildii ayaa gudaha kaga jirtay, waxaan u yeearay maamulaha tareenkanka, sil siladiina waan jarnay gudahana u galnay, wax baqdin leh ayay ahayd, baqdin,” calaacalahiisiina ku daboolay foolkiisa.
“Iridu hoostay ka xirnayd” ayaa Poirot si fakarsan u yiri, “in uu is miidaamiyay ayaa dhici karta”
“Qof ma ku dhacaa mana isku dili karaa in uu middi xabadkiisa ruubiyo laba iyo toban jeer?” aya dhqtarkii weydiiyay
Maamulihii tareenka ayaa markii u horeysay hadlay oo yiri,
“Naag ayaa dishay, kaliya naag uun baa sidaa wax u disha”
“Marka naag xoog badan ayay ahay, waayo meelaha qaarkoo mididu lafta ayay ka dhex baxday” ayaa dhaqratkii yiri
“Hadda maxaad iga rabtaan oo idiin qabto?” ayaa Poirot weydiiyay
“hogaanka adigu noo qabo, hadhow markii booliisku yimaado, waxaa dhacaya dhib iyo daahniin aan wanaagsnayn, waxay ku wanaagsnaan lahay in ay yimaadaan adoo arrintii xaliyay, qof kaaga wanaagsan howshaana ma leh, maydka baar, warayso socotada tareenka saaran, kolley sheekeeyinkooda ma hubin kartid, balse adigaa had ka hor yiri, si kiis uu u xalliyo waa in qofku kursi ku dhacdiidaa oo fakaraa, haddana sidaas yeel, waad ogaan qofkii diliye”
“Waa oglaaday in aan qaato kiiskaan,” ayaa baarihii yiri “waqti is dhaafin ayay ba ii noqon”
“Hagaag, annaguna intaan awoodno Ayaan ku kaalmayn” Bouc yiri
“Marka hore, waxaan rabaa in aan arko qolka falku ka dhacay, iyo magacyada dadka saran tareenka, iyo baasabooradooda iyo tigidhadooda”
“Michel ayaa intaas kuu qaban”
Karmeerihiina qolkii waa ka baxay.
“Waa ayo socdaalayaasha tareenka saran?”, ayaa Poirot weydiiyay
“Qaybtaan aniga iyo Dr Constantine ayaa ah socotada kaliya ee dagan, gadaal waxaa jira darajada saddexaad qaybta ah, balse markii la casheeyay waa la xiray qaybtaas, horay waxaa ku yaal qaybta makhaayada kaliya”
“Marka sida muuqata waxaa dhici karta in dilaagi hadda ku suganyahay tareenka” Poirot yiri
“Haa” waxaa ku racay Dr Constantine, “laba iyo tobankii iyo barkii xalay waxaa na celiyay baraf, qof tareenka ka dagayna ma jiro, ama ugu yaraan wax raad ah oo barafka ka dul muuqda maleh”
“Ugu horayn waa in aan la hadlaa ninka dhalinyarda ah, Macqueen”, ayaa Poirot yiri, “waxaa dhici karta in uu na siiyo war bixin faa’iido leh”
Maamulihii tareenka ayaa u yeeray Macqueen.
“Wax dhiba miyaa jira?” ayaa ninkii dhillinyarada ahaa ee Maraykanku si aan daganaansho ka muuqan u yiri, “wax miyaa dhacay?”
“Haa, monsieur,” ayaa baarihii ugu war celiayay “qarracan isku diyaari, ninkii aad u shaqaynaysay, Mr Rachett waa la dilay,”
Indhaha ayaa Macqueen banaanka yimid, balse wax qarracan iyo naxdin ah ma muujin, wuxuuna yiri
“Ugu danbayn waa ay heleen”
“Maxaad ula jeedaa hadlkaas Mr Macqueen?”
Maqueen inta aamusay xoogaa ayuu yiri:
“Adiguna–?”
“Danbi baare u shaqeeya, compagnie intenationale des wagons, magacayguna waa M hercule, hadda adoo raaliya, bal ii sheeg maxaad uga jeeday hadalkii eeeee, ugu danbayn waa ay heleen?”
“Waxaa loo soo diri jiray farriimo lagu handaad ah”
“Ma aragtay adigu xaashiyahaas?”
“Haa, waxaan ahay-ahaa xoghayntiisa, shaqadayda ayay ahayd in aan waraaqaha ka jawaabo, tii u horeysay waxay timid toddobaadkii hore, ma doonaysaa in aad aragtid?”
“Haa, kaalmo ayay noo noqonayaan” ayaa Poirot ugu war celiyay
Macqueen inta baxay ayuu si dhaqsa ah u soo noqday asaga oo waraaqo yar yar oo uskagaysan wada, Poirot si taxadar ku jiro ayuu u akhriyay xaashiyihii gacan ku qorka ahaa.
Ma waxaad u malaysay in aad na dhagri kartid, sidaas ayaad u malaysay sow maaha? Waan ku heli doonaa Ratchett!
“Farriimaha kalana ma isla sidaas ayay leeyihiin?” ayaa Poirot weydiiyay
“Haa, waa isku mid, Rachett markuu akhrinayo nin ku qoslaya ayuu iska dhigi jiray, balse waan dareemi jiray in uu war warsan yahay”
“Immisaad Rachett u shaqaynaysay?”
“hal gu’, aad ayuu u socdaal badnaa balse af aan ingiriiska ahayn ma uusan aqoon, turjume Ayaan u ahaa ka badan intaan xoghayn u ahaa”
“Hadda bal inta aad awoodo iiga sheeg nolosha ninkaad u shaqaynaysay”
“Ma fududa taas” nin isku ku buuqsan ayaa u ekaa markuu sidaan odhanayay
“Maraykan ayuu ahaa?”
“Haa”
“Maraykan ka xagee ayuu ka yimid?”
“Ma aqaan, wax sidaas ah kama aanan aqoon asaga, waligiis kama uusan hadlin naftiisa ama cidiisa ama noloshiisii Maraykanka “
“Maxaad u malayn taas marka?”
“Waxaan u malaynayaa in uu wax qarinayay, wax tagtadiisii ku saabasan, xataa ma hubo in Rachett uu ahaa magaciisa dhabta ah”
“Weydiintii u danbaysay, xariirka adiga iyo ninkaad u shaqayn jirtay ma wanaagsana?”
“Haa, qof ahaantiisa kama aanan helin, balse wax dhiba kuma qabin u shaqayntiisa”
“Kama aadan helin asaga, maxay ku dhacday taas?”
““Dhabtii ma sheegi karo,” inta yara aamusay ayuu haddalkii sii waday “wuxuu ahaa, mase hubee nin naxariis daran oo halis ah, ujeedo aan sidaas ugu maleeyayna ma hayo M Poirot, balse dareenkaas ayaa igu xoog badnaa”
“Waad ku mahadsan tahay daacadnimadaada, Mr Macqueen”
M Poirot iyo Dr Constantine waxay isku raaceen qolkii dilku ka dhacay, qolka gudihiisu aad ayuu u qaboobaa, dariishaduna hoos ay dagsanayd intii ay dagsnaan kartay.
“Dariishadda ma xirin,” ayaa dhaqtarkii yiri, “waxba lagama taaban qolka, aad ayaana uga taxadarayay in aanan nuuxin maydka markii aan baarayay”
“Si fiican” ayaa Poirot yiri,
Dariishadda ayuu sawir faro ka raadiyay, balse waxba kuma ool,
“Xilligaan danbe danbiilayaashu aad ayay isga ilaaliyaan faraha, waana runtaa Dr, wax raada kuma yaalaan barafka, qof dariishadda ka baxay ma jiro, in kasta oo dilaagu uu doonayay in aan u malayno in uu dariishadda ka baxay”
Poirot dariishaddii ayuu xiray wuxuuna usoo jeestay meydkii, Rachett dhabar dhabar ayuu u yaalay sariirta korkeeda, danabi baarihiina waa uu ku foorarasaday oo dhaawacii maydka ku yaalay fiiriyay.
“Immisa dhaawac ayaa ku taal” ayuu weydiiyay
“Laba iyo toban, Ayaan u malayn, qaarkood saas uma sii xuma, balse saddex ayaa ugu yaraan dhimasho gaysan garta, waxaase jira wax la yaab leh, labadaan dhaawac, kan iyo kaas” farta ayuu ku fiiqay,” waa dhaawacyo gudaha u fog haddana sidii caadiga ahayd uma dhiig bixin”
“Oo macnaheedu yahay —?”
“Ninkan muddo ayuu mayd ahaa markii dhaawacyadaan gaareen, balse waxaan dhici karin ayay u egtahay”
“Hubaal wax aan dhici karin weeye, haddii aan dilaagu ka war warin in shaqadii uusan si fiican u qaban oo soo laabtay si uu si fiican u hubiyo,” ayuu yiri Poirot, kuna daray, “nalalku ma daarnaayeen?”
“Maya” ayaa dhaqtarkii ugu war celiyay
Poirot in doora ayuu fakaray ka dibna yiri:
“marka sida muuqata laba dilaa ayaa jira, kii hore shaqadiishii ayuu qabsaday, markuu sii baxayayna nalka damiyay, kii labaad qolka oo mugdiya ayuu soo galay, mana uusan ogayn in shaqada uu u socday ama ay u socotay la qabtay, ka dibna maydkii middi ku mud muday, sidee kula muuqataa adiga?”
“Si fiican,” ayaa dhaqtarkii yiri, “taas waxay caddayn u tahay, sababta dhaawacayada qaar ay gudaha u galeen, balse kuwa kale meel kore yihiin”
“haa, balse laba dilaa oo isku habeen ah? Wax in ay dhacaan u badan maaha” Poirot intuu aamusay ayuu haddalkii sii watay, “ma dhici kartaa in dhaawaca gudaha sii jira ay naagi gaysatay?”
“waa dhici kartaa, balse kaliya hadday tahay mid xoog badan”
Poirot barkinta hoosteeda ayuu gacanta galiyay, wuxuu ka soo saaray bastooldii uu Rachett tusay maalin ka hor.
“Maraykan kaan muxuu isku difaaci waayay? Xabadihii waa dhan yihiin, arag”
Qolkii ayay eeg eegeen, dharkii Rachett si habsami ah ayuu u suran yahay iridka gadaashiisa, miis yarna waxaa saarnaa caagad yar oo biya ah, galaas maran, xaashiyo la gubay iyo tarraq.
Dhaqtarkii ayaa galaaskii qaaday oo uriyay.
“Wuxuu isku difaaci waayay Ratchettt waa maandooriye la siiyay”
Poirot jeebkii Rachett ayuu baaray wuxuuna ka soo saaray tarraq, wuxuu ku eegay taraqqii miiska saarnaa.
“Tarraqa miiska saran waa ka duwan yahay kan, ka gaaban kana ballaaran, laga yaabee in dilaagu leeyahay kan”
Danbi baarihii wuxuu sii waday baaritaankii qolka, ka dib asaga oo dhawaaqaya ayuu inta foorarsaday dhilka ka soo qaaday, masar ama fistileeti yar oo qurxoon.
“Maamulaha tareenku waa uu saxsan yahay,” ayuu yiri “arrintaan naag ayaa ku jirta, si habsami ah ayay raad raac noogu reebatay, waa sida ka dhacda filimada iyo buugta oo kale, oo waliba si ay howshu noogu sii fududaato erayga H fayaa ku qoran fistileetiga”
Poirot mar kale ayuu dhulka ku foorarsaday, markaan wuxuu soo qaaday baybka tubaakada lagu cabo kan lagu xalo ama nadiifiyo.
“Raad raac kale oo wanaagsan” dhoolla cadeeyay, “markaan waxay tilaamaysaa in uu nin yahay oo uusan naag ahayn”
Dhaqtarkii wuxuu baaray jeebka kore ee bijaamada Ratchett.
“Oooh” ayuu hiri “markii hore uma aanan fiirsan”
Wuxuuna tusay Poirot goorsheegto jeebeed dahab ah, dhaawac xun ayaa gaaray goorsheegtada balse carrabadeedu waxay tilmaamayeen, kowdii iyo shan iyo toban daqiiqo.
“Ma aragtaa”, ayaa Constantine yiri, “xilligii dilkiu dhacay ayay na siisay, waa sidii baaritaanka caafimaadku sheegay, in dilku dhacay, inta u dhaxaysa saqdii dhexe iyo labadii”
“Waa dhici kartaa, haa” ayaa baarihii cod aan xasillan ku yiri
Dib ayuu ugu laabtay miiskii yaraa oo baaray xaashiyahii gubanaa.
“Waxaan u baahnahay sanduuqa koofiyadaha dumar lagu rido” ayuu si dabacsan u yiri.
Intii aan dhaqtarku weydiin sababta uu ugu baahan yahay, Poirot wuxuu taagnaa marinka oo kormeeraha uu u yeerayay, kormeerihiina isla durbadii wuxuu keenay saduuq uu ka soo qaaday qof dumar ah oo tareenka la socotay.
“Qolkaan raad badan ayaa yaal,” ayaa Poirot u faahfaahiyey dhaqtarkii oo jaha wareersan. “Goorsheegtada, nadiifiyaha baybka, masarka, balse sidee ku ogaana is aysan ahay raad reeb anaga nala ku habaabinayo, oo meesha looga tagay si aan u jaha wareerno? Laba raad raac oo kaliya Ayaan hubaa anigu-kabriidka iyo xaashida guban, dilaagu ma rabin in aan akhrino waxa ku qornaa xaashida, waan arkaynaa”
Poirot sanduuqii ayaa ka soo baxshay halka koofidu ku fariistao, cad shabaq ah, si taxadar leh ayuuna xaashidii u saaray dushii shabaqa, ka dib cad kale oo shabaqa ayuu dusha ka saaray, kabriid ayuu shiday oo holacii ku qabtay shabaqii, dhaqtarku si danayn leh ayuu u fiirsanayay, aayar aayar, erayo ayaa soo muuqday, erayo dab ah, “-suuso Daisy Armstrong, yare”.
“Ah” ayaa Poirot kor u yiri, “Rachett ma ahayn magaciisa runtaa marka, magaciisa waa naqaan iyo sababata uu Maraykan uga soo tagay hadda”
“Ma naqaanaa?”
“Haa, soo bax Bouc aan aadno oo u sheegnee”
Labadii nin waxay u tageen Bouc oo qadadii aan dhamaysan oo qolkiisa jooga,
“Qadada ka dib, makhaayada Ayaan cidlaynaynaa oo u adeegsanaynaa goob waraysi”, ayaa Bouc yiri, “qadaan idin kugu dalabay halkaan”
Baarihii iyo dhaqtarkii dhaqso ayay qadadii u cuneen, M Boucna waa sugay intay bunkii ka cabaan, ka dibna weydiiyay,
“Haye?”
“Magaca runta ah ee ninka la dilay waan aqaan” ayaa Poirot yiri. “wuxuu ahaa Cassette, ma xasuusataa kiiskii Armstrong?”
“Haa, waan u malayn in aan xasuusto” ayaa Bouc ugu warceliyay, “arrin xun ayay ahayd, in kasta oo aan faahfaahintii xasuusan”
“Gaashaanle Armstrong wuxuu ahaa Ingriis, wuxuu guursday gabar ay dhashay naag jilaa caan ah oo Maraykan ah, linda Arden ayaa la oran jiray, Ameerika ayay ku noolaayeen markii gabadhooda oo saddex jir ah la af duubay, ka dib markii af duubayaashii ay la soo xariireen, waxay bixiyeen laba boqol oo kun oo dollar si gabdhoodii loogu soo celiyo, halkii soo celin gabadhii oo nool laga sugayay, waxaa la helay maydkeedii, marwo Armstrong uur ayay lahayd xilligaas, qaracankii ay ka qaaday dilkii gabadheeda fool dag dag ah ayaa qabatay, ayada iyo ilmihii yaraana waa dhinteen, wadna jabkii helayna ninkii miskiinka ahaa waa uu is toogtay”
“haa, hadda waan xasuustaa” ayaa Bouc yiri, “dhimasha kalana waa ay jirtay, sidaas sow ma ahayn?”
“Gabar Faransiis ama swiss ah oo u shaqaynaysay Armstrong, in kasta oo ayadu ay diiday haddana booliisku waxay rumaysnaayeen in ay af duubkii lug ku lahayd, ayaduna dariishad ayay iska tuurtay, mar danbe ayaase la ogaaday in aysan wax dlug ah ku lahayn af duubkii”
“Arrin naxdin leh!” ayaa dhaqtarkii yiri
“lix bilka dib dhacdadii, booliisku wuxuu qabtay, Cassette, oo ahaa hogaamiye koox burcad ah oo dad badan inaty af duubteen ka dibna dilay, tuhuna kuma jirin in uu ka danbeeyay af duubkii gabadha yar, balse Cassette aad ayuu hodan u ahaa oo hatidiisii ayuu u adeegsaday in uu ciqaabtii kaga fakado, maxkamadii ka dibna waa uu mirqay, haddase waan ognahay meeshuu aaday, magaciisa ayuu rogay oo socdal dibada u soo aaday”
“Dugaag dheh” ayaa M Bouc yiri, “wuuna istaahilaa waxa ku dhacay”
“Waan kugu raacsanahay” ayaa Poirot yiri,” balse qofka dilaya ma burcad kalaa mise waa qof la xariira Daisy Armstrong?”
“Ma dad reer Armstrong ah oo nool ayaa jira?”
“Ma aqaan, balse waxaa u malayn in aan xasuusto in ay jirtay gabadh marwo Armstrong walaasheed ah”
Illinka ayaa la soo garaacy,
“Qaybtii makhaayadu waa idiin diyaar monsieur” ayaa adeegihii ku yiri M Bouc.
Saddexdii nin waxay u dhaqaaqeen in ay waraysigii bilaabaan.
CUTUBKA SADDEXAAD
DHARKII JIIFKA EE CASAA IYO BADHANKII BIRTA AHAA
Qaybitii makhaayada wax walba diyaar ayay ku ahaayeen, raso baasabooro iyo tikidho ah, xaashidii ay ku qornayd dadka tareenka saraan, mid wax lagu qoro oo cad iyo qalin iyo khad.
“Waa hagaag,” Poirot yiri, “waraysiga u horeeya waxaan la yeelanaynaa kormeeraha, waa aad taqaan dadnimadiisa ayaan u malyn M Bouc. Cadaymihiisa ma rumaysan karnaa.?”
“Hubaal,” ayaa M Bouc ugu soo warceliyay, “Pierre Michel shan iyo toban gu’ ayuu shirkada u shaqaynayay, waa nin faransiis ah, aadna daacad u ah”
Michel ayaa soo galay, wuxuuna u muuqday in uu sidii hore ka dagann yahay, balse weli fiigtaal ayaa ku jiray.
“Michel” ayaa Poirot yiri, “waxaan rabnaa in aan wax kaa weydiino arrintii xalay dhacday, Mr Rachett immisadii ayuu sariirta galay.?”
“Durbadii uu casheeyayba, monsieur-intii aynaan Belgrade ka tagin”
“ma aragtay qof qolkiisa galaya markaas ka dib?”
“Ninkii adeegaha u ahaa, monsieur, iyo xoghayntiisa, qof kale ma galin”
“Ma waxyna ahayd markii kuugu danbaysa ee aad aragtid ama maqashid asaga?”
“Maya, monsieur, koorta ayuu yeeriyay kowdii oo labaatan dhimman, illinkii Ayaan ku garaacay asaga oo aan furin ayuu yiri, Ce n’est rieti. Je me suis trompe. “waba maahan, waan qaldamay”
“Halkee ayaad ku sugnayd kowdii iyo shan iyo toban daqiiqo adigu?”
“Inta badan waxaan ku fadhiyay kursigayga marinka gasadiisa danbe yaal, mase garan karo xilligii ay ahayd oo dhab ah, waxaan aaday qaybta kale oo kormeerayaal aan ka wada haddalnay barafka, ka dib waxaa soo garaacday Mrs Hubbard, oo la hadlay…”
“Ka dibna?”
“Abaaraha labadii markay ahayd Mr Macqueen ayaa I weydiistay in aan sariirta u goglo, waxaa la joogay gaashaanlaha Ingriiska ah ee lambar 15 dagan, markii aan sariirtii u goglayna waxaan ku laabtay fadhigaygii tan iyo intii waagu ka baryayey”
“Ma seexatay?”
“U malayn mayo, monsieur.”
“Cid rakaab ah ma ku aragatay marinka dhexe?”
Indoora ayuu fakaray kormeerihii.
Mid ka mid ah dumarka ayaa musqusha aaday.”
“Waa tuma?”
“Ma aqaan, balse waxay qabtay dharka jiifka oo casaan ah, dhabarkana waxaa uga sawirnaa farshaxan shiinays ah”
“Markaas ka dibna.”
“Adiga ayaa qolkaaga furay oo banaanka soo eegay il bilisqi”
“Hagaag” Poirot yiri, “waxaan is weydiinayay in aad midaas xasuusan kartay, hadda, haddii dilaagu tareenka soo fuulay xalay……”
“Cid dibada ka timid oo soo galeeti ah ma saaranayn tareenka xalay, monsieur. Illinka qaybta nagu xigta hoostay ka xirnayd, anaa illinka dhinaca ah furay markii aan joogsanay Vincovci, laba iyo tonakii iyo labaatan daqiiqo, balse aniga xilligaas oo dhan joogay, cid soo gudubtay ma jirin”
“Illinka dhinaca ah ee qaybta maqaayadana?”
“Xilliga habeenkii markasta hoosta ayuu ka xiran yahay.”
“Hadda ma xirna?”
Ninkii in yar wuxuu u muuqday qof yaabay.
“Laga yaabee mid ka mid ah socotada in uu furay oo barafka eegayay,” ayuu yiri ugu danbayn, oo ku daray “monsieur, ma aniga i eedaynaysaa?”
Poirot si naxariis leh ayuu u dholla cadeeyay oo yiri:
“Maya saxiibkeeyoow, waydiin kalaan ku weydiin, markii aad Mr Rachett iridiisa aad garacaysay koor kale ayaa dhawaaqday, kumuu ahaa qofkaas?”
“Amiirada Dragomiroff, Monsieur, waxay doonaysay shaqaalaheedii.”
“Ma ugu yeertay shaqaalaheedii?”
“Haa, monsieur”
“Waa inoo intaas marka, aad ayaad ugu mahadsan tahay kaalmadaada”
Kormeerihii waa baxay, Poirotna waraysi kale ayuu ugu yeeray Mr Macqueen.
Markii Macqueen uu ogaaday in ninkii u shaqaynayay uu ahaa burcadkii Cassette, aad ayuu u xanaaqay.
“Xumaan badanaa sidaan u kaalmeeyay ninkaas sharta ah” ayuu kor ugu dhawaaqay.
“Mr Macqueen, waxay u muuqataa in aad uga kacsantay arrinta”
“haa, waan ka xumahay, aabahay wuxuu ka mid ahaa qareenadii arrintii Armstrong, waan uu ogaa in Cassette uu danbiila yahay, balse maxkamadii ayaa si wax noqdeen oo danbigiisii lagu cadayn waayay, waan ku faraxsanahay in uu dhintay, in kasta oo aanan anugu dilin, waad i garataan u malayn.”
“Dabcan, dabcan, hadda, waan in aan ogaada dhaqdhaqaaqii qof kasta oo tareenka saaran, cashaddii ka dib, maxaad qabatay adigu xalay?”
“Waxaan la sheekaystay qaar ka mid ah socotada, ka dib tobankii ayaan aaday Mr Rachett qolkiisa, ka dib wuxuu i weydiistay in aan waraaqo u qoro, ka dib waxaan sheeko dheer yeelanay gaashaanle Arbuthnot”
“Xilligii aad seexatay ma garanaysaa?”
“Abbaaraha labadii Ayaan u malayn.”
“Tareenka marna ma ka gadtay?”
“Aniga iyo Arbuthnot, ayaa kaga dagnaya ee… meeshaas magaceedii muxuu ahaa? –Vincovci, balse qaboow xun ayaa dhacayay dhaqasaan ugu soo laabnay markaas,”
“Illinkee ayaad ka baxdeen?”
“Kan ku xiga qaybta makhaayada.”
“Maxasuusan kartaa in uu xirnaa iyo in kale?”
Mr Macqueen fakar ka dib wuxuu yiri:
“Haa, sidaas ayan rumaysnhy”
“Ma xirteen markaad tareenka ku soo laabateen.?”
“Anaa danbeeyey, maya, u malayn maayo in aan xiray.”
“Markii aad la joogtay gaashaanle Arbuthnot” ayaa baarihii yiri, siina watay haddalkii ”illinka qolkaagu waa uu furnaa Ayaan u malayn, ii sheeg bal, ayaa maray marinka dhexe ka dib markii aan ka soo dhaqaaqnay Vincovci?”
“Karmeeraha iyo naag u sii socotay makhaayada”
“Naagtee?”
“Ma aqaan, waxaan xasuuntaa oo kaliya in aan arkay in ay xirnayd dharka jiifka oo casaan ah, in ay musqusha u socotayna waa dhici kartaa”
“Ma soo laabatay marka?”
“Maya, u malayn maayo in aan arkay markaas ka dib”
“Weydiin kale, baybka ma dhuuqdaa?”
“Maya, ma dhuuqo” ayaa Macqueen ugu war celiyay
“Waxaan filayaa waraysigii intaas in uu ku egyahay, waad ku mahadsan tahay waqtigaaga, haddana waxaan rabaa in aan la hadlo adeegihii Mr Ratchettt”
Maraynkagii waa baxay, Ingriis caata ah ayaa soo galay, Poirot baasaboorkii ninka ayuu qaaday.
“Waxaa thay adeegihii Mr Ratchett-edward henry Masterman, soddon iyo sagaal jir, dhalasho Ingiriis ah, “
“Haa, Mudane.”
Ninkaad u shaqaynaysay in la dilay ma maqashay?
“Haa, Mudane. Dil laga naxo”
“Goorma ayaa kuugu danbaysay aad aragtid.?”
“Abbaaraha sagaalkii fiidnimo xalay, markuu seexan rabay ayaa kaalmeeyay”
“Xaaladiisu markaas side ahayd?”
“Mid fiican ma ahayn, Mudane. Waraaq ayuu akhriyay waxaana filayaa in waraaqdii uu ka xumaaday, wax walba oo aan sameeyo wax ayuu ka sheegayay”
“Taas wax caadiya miyay u ahayd?”
“Maya, si fudud ayuu u xanaaqayay xalay”
“M. Ratchettt ma qaadan jiray daawo uu ku hurdo markuu seexanayo?”
Dr, Constantine horey ayuu u soo durkay si uu u maqlo jawaabta,
“Mar kasta oo uu socdaalayo waa qaadan jiray, la’aanteed ma seexan karo ayuu odhan jiray”
“Xalay ma qaatay?”
“Haa Mudane. Anaa galaas ugu shubay”
“Maka heshay ninka aad u shaqaynaysay?”
Foolkii adeegaha wax dareen ah Kama muuqan.
“Mushaar fiican ayuu i siin jiray, balse dadka Maraykanka ah kama heli.”
“Waligaa Maraykanka ma tagatay?”
“Maya, Mudane.”
“Markaad Mr. Rachett ka soo tagtay xalay, maxaad samaysay?”
“Mr, Macqueen Ayaan u sheegay in uu u baahan yahay, ka dib qolkaygaan tagay oo akhris galay”
“Qolkaagu waa lambar 4 “
“Haa, Mudane. Talyaani weynan badan ayaan wada galnaa qolka”
“Kan talyaaniga ah afIngriis ma ku hadlaa?”
“Xoogaa, ameerika ayuu tagay-chicago, saas uma wada haddalno, in aan wax akhriyo Ayaan door bidaa”
“Immisadii ayaad seexatay?”
“Abbaarha tobankii iyo bar Ayaan gogosha tagay, balse ma seexan, ilig ayaa i xanuunayay”
“Gabi ahaanba ma seexan miyaa?”
“Haa, tan iyo affartii aroornimo”
“Qolkaaga marna ma ka baxaday habeenimadaas?”
“Maya, Mudane.”
“Talyaaniga na?”
“Maya Mudane. Habeenkii oo dhan waa uu jiifay”
“Weydiintii u danbaysay, baybka ma dhuuqdaa?”
“Maya, sigaarka kaliya Ayaan dhuuqaa”
“Waad mahadsan tahay Mr. Masterman, intaas ayay noogu egtahay”
“Raaliga iga ahoow Mudane, balse islaanta Maraykanka ah, Mrs. Hubbard waxay tiri, wixii dilkaas ku saabsan waa ay ogtahay, aad ayay u murugaysan tahay”
“Waxay ila tahay in aan ayada ka dhigno qofka xiga ee aan la kulmayno” ayaa Poirot yiri
Mrs Hubbard oo dhoolla cadaynaysa ayaa soo gashay qaybtii makhaayada si qiira lehna u hadlaysa.
“Yaa halkan ka mas’uul ah, war aad u muhiim ah ayaan hayaaye”
“Soo dhawoww marwo. Fariiso,” ayaa Poirot yiri, “arrinta oo dhan ii sheeg”
“Hagaag, waxaan idiin sheegayaa, xalay dil ayaa ka dhacay tareenka, kii wax dilayna qolkayga ayuu ku jiray”
“Ma hubtaa, marwo.”?
“Dabcan, waan hubaa! Waan jiifay kadibna si kasid ah ayaan u kacay, mugdi ayay ahayd, waana dareemayay in nin qolka ku jiro, waan baqay ma qaylin Karin, waxaan is iri caawa ayaa lagu dilaya, naxdin ayay ahayd-tareenkaan qurunka ah ee waxa laga naxo ay ka dhex dhacayaan, ka dib waxaan is iri, dahabkayga ma qaadan karo, waayo barkinta hoosteeda Ayaan ku xaseeysna, iga rumayso wax laga war waro weeye, haddase taas muhiim maahan baan u malaynayaaye, xaggee ayaan marayay?”
“Waxaa dareentay in nin qolka ku jiro”
“haa, gogoshaan iska dul aalay indhahayguna in doora ayay isku qabsanaayeen, ka dib koortii ayaa gacanta ku dareemay oo riixay si aan kormeeraha ugu yeero, waan garaacay oo garaacay, balse waxba isma badalin, malaha dadkii tareenka saarnaa oo dhan waa ay dileen Ayaan is iri, ugu danbayn kormeerihii ayaa soo galay, nalkii ayaan daaray, balse qof meesha joogay ma jirin”
Sida ay u hadlayso, waxay isku malaysaa in erayadeedu ay yihiin kuwa ugu xiisaha badan sheekadaan oo dhan.
“ka dib maxaad dhacay?”
“Hagaag, kormeeraha ayaan u sheegay wixii dhacay, balse uma ekayn mid haddalkayga rumaystay, waa ay caddayd in ninkii baxsay, balse kormeeruhu wuxuu isku dayay oo kaliya in uu aniga i dajiyo, balse aniga waxaa war war igu haysay oo ku fakarayay in ninku uu ka yimid qolka I xiga, kormeerihii ayaan ku iri eeg illinka labada qol u dhaxeeya, dabcan ma uusan xirnayan, durbadiiba anaa xiray boorsadaydiina ku tiiriyay”
“Ma waxaad u u malayn in ninku uu ka tagay qolkaaga oo tagay qolka Rachett ama marrinka?”
“Side ku ogaan karay anigu? Indhaha waan isku haystay, oh, haddii gabadhaydu ogaan lahayd saan u baqay”
“Waxaa laga yaabaa in aadan qolkaaga shanqar qof aadan ka maqlin balse aad ka maqashay qolka qolka ninka la dilay”
“Ma dhici karto, caddayn ayaana hayaa”
Boorsadeedii ayay ka soo bixisay badhan bir ka samaysan.
“Kan ma aragtaa? Aroortaan Ayaan qolkayga ka dhex helay” miiskana dul saaratay badhankii.
- Bouc ayaa kor u yiri.
“Badhankaan yunifoom kormeere ayuu ka yimid”
“Waxaa laga yaabaa in uu ka go’ay yunifoomka Michel markii xalay uu kaalmeeynayay Mrs Hubbard” ayaa Poirot yiri
“Maxaa dad yahow aad ii rumaysan la’dihiin?” ayaa islaantii Maraykanka ahay ku qaylisay “xalay markaan seexan rabay buug ayaan akhrisanayay, markii aan nalka damiyayna buuggii waxaan dhigay dhulka dariishadda agteeda ah, xalay markii ninku qolkayga ku jiray kormeeruhu dariishadda iyo meel u dhow ma tagin, balse aroortii badhanku wuxuu dul saarnaa buuggii, taasna maxaad ka leedihiin?”
“waxaan ka dhihi lahaa taas waa caddayn, marwo” Poirot ugu war celiyay, “hadda, dhowr weydiimood ma ku weydiin karaa?”
“Haa, maxaa dhacay, i weydii”
“Ninkaan Ratchettt wer wer ayaad ka qabtay, marka maxaadan xilli hore aadan u xirin illinka labada qol u dhaxeeya?”
“Waan xiray, ama ugu yaraan waxaan weydiiyay naagta Iswedhish ka ah in illinku xiran yahay, waana xiran yahay ayay igu tiri”
“Maxaad adigu u hubin weyday?”
“Sariirtaan ku jiray, boorsadayduna waxay ka laalaaday qataarka illinka”
“Immisadii ayay ahayd?”
“Abbaaraha tobankii iyo bar Ayaan u malaynayaa, naagta Iswedhish ka ah ayaa ii timid oo aspirin I weydiisatay”
“Ma xasuusata arrintii afduubkii Armstrong?”
“Dabcan haa, anigu qof ahaan uma aqoon reer Armstrong oo bulsho iga saraysa ayay ku jireen, balse mar kasta waan maqli jiray in ay lamaane wanaagsan ahaayeen, oh, ibliiskaas Cassette-”
“Rachett wuxuu ahaa Cassette” ayaa Poirot yiri
“Cassette, tareenkaan saran! Waa in aan gabdhayda u sheegaa”
“Hadda, marwo, hal wax oo kale, ma leedahay dhar hurdo oo casaan ah?”
“Weydiin ku qaad daranidaa, maya, malihi”
Poiro dhinaca illinka ayuu usii raacay islaantii, markii ugu danbaysay ayuu yiri.
“Fistileetigii ayaa kaa dhacay, marwo,”
Waxay eegtay marada uu gacanta ku hayo ee uu u soo taagayo,
“Kan anigu malihi, aad ayuu u yar yahay, kaygu kan xoogaa ka weyn.
CUTUBKA AFRAAD
ILLIN FURAN
Markii ay ka tagtay Mrs Hubbard, M Bouc si wal wal ku jiro ayuu u yiri:
“Waxaan rajaynayaa in badhankan macnihiisu uusan ahayn in Michel uu yahay dilaaga”
“Badhanku waa wax danayn mudan,” Poirot yiri, “balse marka hore inta aynaan ka hadlin asaga aan waraysano marwda swedhishka ah”
Baasabooradii ayuu baaray,
“Waa tan, Greta Ohlsson, 49 jira aha”
- Bouc adeegihii ayuu ka codsaday in uu u yeero, waana soo gashay naagtii wajiga idaha lahays iyo tinta cad.
“Xalay wixii dhacay ma ka war haysaa?”
“Haa, wax laga naxo ayay ahayd”
“Waad garan gartaa ayaan filayaa, waa igu qasab in aan qof kasta weydiiyo dhaqdhaqaaqiisii xalay cashadda ka dib”
“Dabcan, hagaag, intii badnayd fiidkii waxaan joogay qolkayga, balse waan u tagay Mrs Huddard, aspirin ayayna i siisay”
“Ma ku weydiisay in aad hubiso in illinka qaybteeda iyo tan Mr. Rachett u dhxeeya uu xiran yahay?”
“Haa, waana uu xidhnaa”
“Ka dibna?”
“Gogoshaydii ayaan ku laabatay oo aspirin liqay waana seexday”
“Qolkaagu waa kan miyaa?” wuxuu tilmamay naqshaddii hor taalay
“Haa, waan u malayn, waxan wada wadaagnaa gabadh dhalin yaro ah oo Ingiriis ah, aadna u wanaagsan, waxay ka timid Baqdaad”
“Qolka miyay ka baxaday habeenkaas?”
“Maya, waan hubaa in aysan ka bixin”
“Sidee ayaad u hubtaa haddii aad hurday?”
“Waan hurda fududahay, gogosha iga koreysa ayay jiiftay”
“Adigu ma ka baxday?”
“May tan iyo aroortaan”
“dhar jiif oo casaan ah ma leedahay?”
“maya, ma lihi, kaygu waa huruud”
“Waligaa Maraykanka ma tagtay?”
“Anoo ka xun, maya, dadka Maraykanka ah waan ka helaa, dhaqaale badan ayay ugu deeqaan dugsiyada iyo bukaan jiifyada turkiga, maxaadse ii weydiisay?”
Poirot wuxuu u faahfaahiyaya arrintii Armstrong, Greta Ohlsson waxay baxday ayada oo madaxa ruxaysa oo oynaysa oo leh;
“Sidee aduunka shar intaan la eg u jiraa?”
Poirot in doora ayuu xasuusyo qortay,
“Kormeeruhu wuxuu yiri Mrs Hubbard waxay koorta garaacday mar ka danbaysay 1dii”
“Sida muuqata waxaa hubaal ah, in dilku dhacay 1:15” ayaa M Bouc yiri, “taas waxay ku jaan go’maysaa caddaynta saacada, iyo warka kormeeraha iyo Mrs Hubbard, waxaana u malaynayaa in aan malayn karo dilaaga, waa talyaaniga weynanka badan, talyaanigu inta badan middi ayay wax ku dilaan, asaguna Maraykanka ayuu ku noolaa, asaga iyo Rachett af duubkii ayay shirka ku ahaayeen, ka dib Rachett ayaa khiyaamay, talyaaniguna aar gosasho ayuu rabay, asaga ayaa soo diray warqaha handadaada ah ka bibna dilay, aad ayay u fududahay arrintu”
“Waa fudayd, balse shaqaalaha gowsku xanunayay oo yiri talyaanigu qolka kama bixin ka waran?”
“Haa, taas ayaa dhib ah, balse wax maan gal ah waa loo heli donaa taas”
Poirot madaxa ayuu ruxay,
“Maya, sidaas in aysan u fududayn ayaa ka baqayaa, balse aan maqalno wuxuu Pierre Michel ka yiraahdo badhanka”
Kormeerihii ayaa loo yeeray oo badhankii la tusay.
“Waxay u muuqataa oo dhab ah,” ayaa M. Bouc yiri “in dilaagu uu ku tuuray badhanka qolka Mrs Hubbard”
Michel waa carooday
“Ma lihi badhakaan anigu, monsieur, unifoormkaygu wax badhan ka maqan maleh, danbigaan lug kuma lihi anigu”
“Xagee ayaad joogtay markii Mrs Hubbard koorta garaacday?”
“qaybta kale, jaallahay ayaa la haasaawayay’,
Jallihiisii uu la joogay ayaa loo yeeray, haddalkii Michel sheegay ayuu asna ku raacay, badhamadii kormeerayaasha oo dhan ayaa la hubiyay, mid uu badhan ka maqan yahay ma jirin.
“Monsieur, hadda ma argtaa? Danbi ma lihi anigu”, ayaa Michel ku qayliyay.
“Is daji Michel,” ayaa M. Bouc yiri, “xasuuso xalay, markii Mrs Hubbard koorta garaacday, marinka cidna ma ku aragtay?”
“Maya monsieur”
“La yaab ma leh marka, Mrs Hubbard, markiii ay dareentay in qolka lagu jiro, in badan ayay indhaha isku haystay, qofkii markaas in uu baxay ayaa dhici kaarta, haddii dilaagu ahaa mid ka mid ah socotada, intaan Michel imaan ayuu qolkiisa ku laabatay”
“Waxaa noo haray siddeed socota ah in aan warsano,” ayaa m. Bouc yiri, “ma u yeernaa talyaaniga”
“Talyaaniga ayay adiga kaaga dhagan tahay,” ayaa poirod oo qoslaya yiri, “maya, Amiirada ayaa ka horeysa, Michel, ma u sheegi kartaa in ay timaado”
Amiirad dragomirrof, waxay u muuqatay in ay sidii shalay ka sii fool xun tahay, balse garaad iyo firfircooni ayaa ka soo birqayay indhaheeda yar yaree madoow.
- Bouc oo uga cudur daaranaya dhibka ay soo dhibeen, ayay inta haddal kii ka dhex gashay cod weyn oo nadiif ah ku tiri,
“Dil waa arrin aan dheel gali monsieur, waaan ku faraxsanahay in aan idiin kaalmeeyo si kasta oo aan awoodo”
“Mahadsanid marwo, “ayaa Poirot yiri,” waxaa tahay Amiirad Natalia Dragomirrof, oo u socota dagaankeeda oo ah Baariis.”
“Haa, gabadha ii adeegtana waa ila socotaa”
“Fadlan ma ii sheegi kartaa, dhaqdhaqaaqii xalay cashadda ka dib?”
“Aniga oo waliba ku faraxsan, markii aan casheeyay qumaati Ayaan gogosha u aaday, tan iyo kow iyo tobankii ayaan wax akhristay, xanuun inta badan lugta iga qabta ayaan la seexan waayay, abbaaraha kowdii oo rubuc la’ ayaan u yeeray gabaha ii adeegta, buugii ayayna ii akhrisa tan iyo intaan ka hurday, ma hubo xilli ay iga tagatay, waa dhici kartaa saacad barked ka dib”
“Weli Ameerika ma tagatay?”
Mowdiicii laga hadlayay oo hal mar is rogay ayaa kadis ku noqday islaanta.
“Marar badan”
“Marna ma la kulantaya qoys la oranayay, Armstrong?”
Cod yara garrir ku jiro ayay ku tiri.
“Haddi aad ka wadid Sonia iyo Robert Armstrong, haa, Sonia waxay ahayd, gabdhii aan soo gardaadshay, hooyadeed qalanjo Linda Arden ayaa saxiibo isku dhow ahayn”
“Linda Arden ma nooshahay hadda?”
“Waa ay nooshahay, balse cid isma arkaan, caafimaadkeedaa liita”
“Waxaan filayaa in ay gabar kale oo walaal ah lahayd?”
“Haa, oo aad uga yar marwo Armstrong,”
Islaantii ayada oo yaaban ayay tiri.
“Waa maxay xariirka ka dhaxeeya weydiimahaan iyo dilka tareenka ka dhex dhacay?”
“Ninka la dilay wuxuu ahaa ninkii ka mas’uulka ahaa dilkii cunugtii marwo Armstrong?”
“Ah!” Amiirad Dragomirrof tiri ayada oo si qumaatiya fadhigii isku toosisay, “marka dilkaani waa mid aad u farxad leh, raallina ka ahaada aragtiga adag ee aan arrinta ka qabo”
“Dabcan, marwo, aan ku laabano weydiimeheenii horee, aaway hadda gabadhii ka yarayd ee Linda Arden?
“Daacadii kuuma sheegi karo, monsieur, wada xiriirkeeni mar hore ayuu go’ay, waxaan rumaysnahay in ay Nin Ingriis ah guursatay gu’yaal ka hor, balse magaciisii ma xasuustao”, intay yara aamustay ayay tiri, “wax kale oo aad iiga baahan tihiin miyaa jira, mudanayaal?”
“Hal wax kaliya, midabka dharkaaga jiifka”
“Waxaan filayaa in ay jirto sabab wanaagsan oo aad ii weydiisay, waa buluug”
“Waan naga intaas, aad ayaana ugu mahadsan tahay sidaad noo kaalmaysay”
Waxaa loo yeeray markii xigatay, marwo iyo Mudane Andrenyi, balse mudanuhu kaligiis ayaa makhaayadii soo galay, nin qurxoon ayuu ahaa, dheer, oo dhisan jir ahaan, isku joog Ingriis ah oo qaaliyana xiran.
“Haye, mudanayaal,” ayuu yiri, “maxaan idiin qaban karaa?”
“Sida aad ogathay, dil ayaa dhacay xalay, anna waa in aan weydiimo gaar ah aan weydiiyo socotada tareenka saran”
“Dabcan, in kasta oo aan filayo in aniga iyo xaaskaygu aan xilligaas hurudnay oo aynaan waxba maqlin haba yaraatee”
“Qofka la dilay ma taqaan?”
“Sidaan u garatay waa qof Maraykan ah oo oo bulshada sare ah”
“Haa, waaa la oran jiray, Cassetti, wax yeelooyin xun xuna ka gaystay Ameerika”
Wax dareen ah ma muujin mudanihii.
“Taas ayaaba faah faahin ugu filan dilkiisa, sidaan u malaynayo” ayuu yiri
“Weli Ameerika ma tagatay, monsieur?”
“hal gu’ Ayaan Washington joogay”
“Ma taqaanay qosyaka reer Armstrong?”
“Armstrong, Armstrong, waa adagatahay in in aan xasuusto, magacyo badan ayaa isoo maray,” waa uu dhoolla cadeeyay, “dilkii aan ku laabanee, maxaan idinka kaalmayn karaa?”
“Immisadi ayaad xalay seexataya?”
“Abbaarha kow iyo tobankii, labadeenuba, tan iyo aroortii, waxna na ma aynaan dareemin, waan ka xumay in aan sina wax kaalmo ah idinkugu noqon karin”
“Mahadsanid monsieur”
“Uma baahnidin in aad xaaskayga la haddashaan ayaan filayaa, intaan idiin sheegay ka badan idiin sheegi mayso”
in yar ayaa muqaalkii Poirot is rogay wuxuuna yiri.
“Waan hubaa waa runtaa, balse waa in aan marwado wax yar la hadlo”
“Looma baahan” ayaa mudanihii yiri
“Waxaan u malayn in ay muhiim u tahay war bixinta aan gubin doono, waad garan kartaaye”
“Sidaad jeceshahay” ayuu yiri oo inta baxay u yeeray xaaskiisa
Poirot wuxuu eegay baasaboorkii ninka, xaaskiisa ayaa kula socdaalaysay, korna u yiri:
“Magaca, Elena Maria Andrenyi, guurka ka horna magaca cidaydu wuxuu ahaa, Goldenberg, da’da 20 jir”
Khad ayaa dhinac kaga daadsanayd bogga, oo malaha qof taxadar xun oo xafiiska joggay ay kaga daadatay.
Marwo Andrenyi ayaa soo gashay oo tiri:
“Ma in aad i aragtaan ayaad doonayseen, mudanayaal?”
“Aad ayaa u mahadsan tahay,” ayaa Poirot yiri, “waxaan doonayay oo kaliya in aan ku weydiiyo, wax aan caadi ahayn ma arkatay mise maqashay xalay?”
“Maya, waxba, daawo aan ku seexdo Ayaan qaatay”
“Ninkaaga Ameerika ma u raacday?”
“Maya, monsieur, markaas isma aynaan qabin, hal gu’ kaliya Ayaan is qabnaa,” xishood ayay la dhoola cadaysay, indhaheeda waaweyn ee madoow iyo dibnaheeda dhalaaya, aad ayay u qurub badnayeen, “maxaad ii weydiisayna” ayay ku dartay.
“Danbi baarayaashu waa weydiimo badan yihiin, tusaale ahaan, dharkaaga hurdadu waa midabkee?”
“Midabka labeenta, ma kuu muhiim baa taas?”
“Aad iyo aad, ninkaagu bayb ma dhuuqaa?”
“sigaar, balse bayb maya”
“English ma ku haddashaa?”
“In yar”, ku dhawaaqeeda English kuna waa cuslaa, balse qurxoonaa,
“Waa in taas uun” ayaa barihii yiri, “sow ma aadan arag, wax dhib leh maahayn”
Waa ay dhoolla cadaysay oo baxday.
“Ma faa’iido badnayn tani,” ayaa M Bouc yiri, “ hadda talyaaniga ma aragnaa”
Poirot xoogaa ayuu aamusnaa oo uma war celin, wuxuu eegayay khadda ku taal baasaboorka Hangeriyanka ka ah, ugu danbayn inta M. Bouc eegay ayuu yiri:
“Talyaaniga noogu kaadi hadda saaxiib, ee waxaan warsanaynaa ninka qurxoon ee English ka ah, gaashaanle Arbuthnot”
Gaashaanlihii markii uu soo galay, ayaa Poirot ku yiri:
“Waxaadka timid Hindiya una socotaa Biritan sidaan filayo, ee maxaad doon u soo qaadan weyday?”
“Dhulka in aan soo maro Ayaan go’aansaday, sababa aniga ii gaara dartood”
“Hagaag, qumaati miyaad uga timid Hindiya?”
“Saddex maalmood ayaan ku hakaday Baqdaad si aan wadey ama saxiib hore ugu soo booqdo”
“Gabadh dhallinyaro ah oo English ah ma kula kulantay Baqdaad-miss Debenham?”
“Maya, lama kulmin, markii u horesay miss Debenham tareenka ayaa kula kulmay”
“Waxaan u malaynaynaa in Mr Rachett la dilay kowdii iyo rubuc xalay, xilligaas maxaad samaynaysay adigu?”
“Waxaan la sheekaysanyay ninka dhalinyarada ah e Maraykanka ah, ninka dhintay xoghayntiisa, qolkiisa ayaan joognay”
“Socdaalkaan ka hor, Macqueen ma taqaanay?”
“Maya, shalay Ayaan bilownay in aan sheekaysano, waana is fahanay, sida badan ma jecli Maraykanka, balse waan ka helay Macqueen, mudo dheer ayaan ka haddalnay, Hindiya, Maraykan, iyo guud ahaan aduunka, kadis ayay igu noqotay markaan goorsheegtada eegay oo aan arkay in ay tahay labadii oo rubuc la’”
“Xilligaas ayaad sheekadii joojiseen?”
“Haa”
“Ka dib maxaad samayasay?”
“Qolkaygaan aaday waana seexday”
“Gaashaanle waxaan kaa doonayaa in aad gadaal uga fakartid sheekadii aad la yeelatay Macqueen, tareenka waxaad kaga dagtay sow maaha Vincovci?”
“Haa, balse hal daqiiqo ayay ahayd, baraf ayaa dhacayay”
“Markaas dib ayaad u soo laabatay oo aad fariisatay, sigaar baad dhuuqday ama bayb”
Aniga waa bayb, Macqueen ayaa sigaarka cabayay”
“Tareenkii waa dhaqaaqay haddana, cid illinka gudubtay ma jirtay?”
“Cid aan kormeeraha ka ahayn ma xasuusto, sug, naag na waa ay martay, waxaan u malayn in ay wax guduudan xirnayd”
“Waad mahadsan tahay, weli ma tagtay Ameerika, gaashaanle?”
“Maya waligay ma tagin, wax dana oo iga jirta halkaas maleh”
“Aqoon ma u lahayd gaashaanle, Mr Armstrong?”
“Armstrong, Armstromg, laba ama saddex Armstrong ayaan aqiinay, ma waxaad u jeedaa Selby Armstrong? Mise Tommy”
“Waxaan ula jeedaa, Robert Armstrong, oo naag Maraykan ah qabay oo ilmihiisii yaraa la af duubay oo la dilay”
“Ah, waan xasuustaa in aan wargaysyada ka akhriyay, balse aqoon uma lahayn”
“Ninka la dilay waa ninkii af duubkaas gaystay”
“Oo dhab ah? Marka waa uu istaahilaa in uu dhinto, in kasta oo aysan wanaagsanayn si aan sharci ahayn in lagu dilo, maxkamad la marsiiyo, dabcan, dadka la iskama dilo karo aargoosasho darteed, sida Corsicans ka”
Poirot gaashaanlihii ayuu eegay oo yiri:
“Wax weydiimo kala ah ma hayo, haddii ayna jirin wax aan caadi ahayn oo aad xalay dareentay?”
“Maya,” ayuu yir, “waxba, haddiise–” waan aamusay
“Hee?” ayaa baarihii yiri
“Wax sidaas u sii weyn maahan, markii aan qolkyga ku labanayay ayaa dareemay illinka qolka gadaale–”
“Lambar 1?”
“Haa, illinku si fiican uma xirnayn ninkii ku dhex jiray si tuhun ku jiro ayuu banaanka qoorta ugu soo taagay, durbadiina illinka xiratay, wax aan caadi ahayn ayay iila ekaatay”
“Haa,” ayaa Poirot yiri
Markii gaashaanlihii tagay, Poirot in cabbaar ah ayuu meel maran ku dhaygagay, ka dibna yiri:
“Gaashaanle Arbuthnot bayb ayuu dhuuqaa, qolka Mr Rachett waxaan ka dhex helay bayb nadiifiye”
“Ma u malaynaysaa—?”
“Asaga iyo Armstrong na isku ciidan ayay aheeyeen, mana aqaan ayuu yiri, waxaa dhici karta in uu been sheegayay”
“Waxaa dhici kara marka in—-?”
Poirot si xanaaq leh ayuu madaxa u ruxay.
“Maya, wax dhici kara maahan in ninkaan engriishka ah oo garsoorka iyo kala danbaynta sidaan u rumaysan, in uu qof nacabkiis ah uu laba iyo toban jeer midi galiyo”
CUTUBKA SHANAAD
NINKII CODKA DHUUBNAA
Baarihii markaan wuxuu u soo jeedstay waraysigii xigay,
“Maraykanka qolka 16,”
Maraykankiina durbadiiba waa soo galay, wuxuuna xirnaa isku joog midab dhalaalaya ah, shaati casuur ah, fool ballaaran oo bashaash ahna wuu lahaa,
“Subax wanaagsan mudanayaal,” ayuu yiri, “maxaan idiin qaban karaa?”
“Dilka waad maqashay Mr. Eeeeee, Hardman?”
“Haa”
“Dadka socotada ah oo idil Ayaan warsaysi la yeelanayna, adigu waxaa tahay,” Poirot wuxuu eegay baasaboorkii hor yaalay, “affartan iyo kow jir, gada qalabka xafiisyada?”
“Haa, waa aniga kaas”
“Socdaalkaagu arrimo ganacsi ayuu la xariiraa?”
“Sax”
“Wax uun ma iiga sheegi kartaa wixii xalay dhacay?”
“Waan ka xumahay, waxba kama sheegi karo”
“Ah, ayaan darro, MrHardman, bal noo sheeg dhab ahaan cashaddii ka gadaal xalay maxaad samaysay?”
Hardman in doora ayuu aamusay ka dibna yiri
“Idinka oo iga raaliya, adigu maxaad ahayd?”
“Anigu waxaan ahay Hercule Poirot, Compagnie Internationale des Wagons Lits, ayaa ii shaqaalaysiisay in aan dilkaan xalliyo”
“horay ayaan kuu maqlay,” Mr Hardman yiri, oo inta yara aamusay ku daray “waxaan filayaa marka waa in aan daacad ahaado”
“Marka waa in aad noo sheegtaa waxa aad ogtahay oo idil”
Maraykankii markaan cod kii hore ka gadisan ayuu ku hadlay, dhabtiina qof kale ayuu u muuqdayba asagii oo dhan,
“Hagaag, sidii aan horay u iriba wax aan ogahay ma leh, balse aniga ayay tahay in aan wax ogaado”
“Fadlan, faahfaahi Mr Hardman”
“War bixinada ku qoran baasaborkayga qaar ayaa been abuur ah, dhabtii anigu waxaan ahay waa tan”
Kaar ayuu jeebkiisa ka soo saaray.
Mr CYRUS B. HARDMAN
Baare madax banan ee shirkada McNeil
New York
Piorot waa uu yaqiinay shirkadda, waxayna ayahyd mid sumcad fiican leh
“Istanbuul ayaan u daba galay laba danbiile oo aan dhacdadaan shaqo ku lahayn, waxaana qorshaynayay in aan ku laabto New York markii aan warqadaan helay”
Warqdii ayuu dhinaca Poirot u soo riixay.
“Mudane gacaliye,
Waxaan u gartay in aad tahay baare madax banana, fadlan iigu kaalay qolkay affarta galabnimo.’
Waxay fariintu ku qornayd xaashi yar oo laga leeyahay hotelka Tokatlian ee Istanbul, waxaan ku saxiixnaa ‘S.E. Ratchettt.
“Waan u tagay Ratchettt wuxuuna i tusay waraaqo loo soo diray oo loogu goodinyo, wuxuuna ii shaqalaysiiyay in aan ilaaliyo inta socdaalka lagu jiro, ilaaladaydiina wax ma tarin, sow maaha?”
“Side ayaad qorshaynaysay in aad u ilaalisid?”
“Waxaan qorshaynayay in aan dago qolka ku xiga balse waa la qaatay, lambar 16 meel haboon ayuu ku yaal, oo qof u gudbi kara Mr Ratchettt ma jiro asaga oo aan kayga soo hormarin”
“Waxaan u malaynayaa in wax fikrada aadan ka haysan, qofka weerarka gaystay cid uu yahay?”
“Sida uu u egyahay waan aqaan oo Mr Rachett ayaa tilaamantiisa ii sheegay”
“Yaa?”
Saddexdii qof ee warkiisa dhagaysanaysay in ay fadhiga ka kacaan ayay ku dhawaadeen, Hardman haddalkii ayuu sii watay.
“Nin bar yar, aan aad u cadayn, oo cod dhuuban leh”
“War ma ka haysay in Rachett uu ahaa Cassette, kii dilay Armstrong.”
Hardman filan waa ayaa ka muuqatay
“Maya, humaagyo [sawiro] laga qaaday waan ku arkay wargaysyada, saan filayo, balse sawiro caynkaas ah hooyaday xataa kuma aqoonsadeen”
“Fadlan, Mr Hardman, noo wad warka”
“wax badan oo aan sheego ma leh, maalintii oo dhan waa jiifay habeenkii oo dhanna waaan soo jeeday oo marinka ayaa isha ku hayay, wax dhacayna ma jirin habeen kii koowaad, kii labaadna sidaas iyo si la’eg, cid soo martay ma jirin”
“Ma hubtaa taas Mr Hardman?”
“Haa, waan hubaa”
“Waxaan filayaa in waraysigii intaas noogu egyahay,” ayaa Poirot yiri, “baybka ma dhuuqdaa?”
“Maya, kulan wanaagsan MrPoirot” xabbad sigaar ah intuu la soo baxay ayuu dhaqaaqay
Saddexdii nin waa ay is eegeen
“Nin bar yar, oo aan caddaan badnayn, oo cod dhuuban leh sidii dumarka” ayaa M Bouc yiri asaga oo fakaraya
“Waa tilmaan aan ku salaysnayn qof tareenkaan saaran” ayaa Poirot yiri, in yar markii uu aamusnaa ayuu yiri,
“Hadda aan ka farxino M Bouc oo u yeerno Talyaanigii”
Nin aan caddaan badnayn oo bashaash ah ayaa u yimid.
“Magacaagu waa Antonio Fascarelli, Talyaani ah?”
“Haa, monsieur, balse dhalasha Maraykan ayaa qaatay, ganacsigayga ayay u wanaagsan tahay” waana uu dhoola cadeeyay
“Waxaad iibisaa baabuurta Fordka ah?”
“Haa, yacni—”
Waxay dhagaysteen faafaahin dheer oo habka ganacsiga Foscarelli, ka dib ayaa Poirot haddalkii sii watay oo weydiiyay.
“Maraykanka waxaad ku noolayd toban gu’ sow maaha?”
“Haa, Monsieur, waxaan xasuustaa maalintii aan u anbaba baxayay, hooyaday–”
Poirot ayaa ka dhax galay oo yiri
“Waligaa Rachett ma kula kulantay Ameeriko?”
“Maya, balse dad badan ayaan la kulmay oo muqaalka kore dad wanaagasan oo xaragoonaya ah, balse gudaha shar ka ah, ani ahaan, Mr Rachett waa danbiile”
“Maladaadu waa sax, Rachett wuxuu ahaa Cassette, Af duubihi”
“Maxaan idiin sheegay anigu? Aad Ayaan ugu wanaagsanahay akhrinta foolasha dadka, shaqadayda ayay muhiim u tahay”
“Dhacdadii Armstrong xasuusataa?”
“Si fiican uma xasuusto, gabar yar ayay ku saabsanayd sow maaha? Dhacda fool xun bay ahayd, balse waxaas oo kale waa ay ka dhacaan dal weyn sida Ameeriko oo kale”
“Weli ma la kulantay xubno ka tirsan qoyska Armstrong?”
“U malayn maayo, waa adagtahay in aan la kulamay, oo gu’gii tagay waxaan iibiyay baabuur —”
Poirot ayaa ka dhex galay oo yiri.
“Monsieur, fadlan noo sheeg xalay waxaad samaysay cashaddii ka dib”
“Waliba aniga oo ku faraxsan Ayaan idiin sheegayaa, qolkayga ayaan ku laabtay, nin adeege English ah ayaa qolka ila dagan balse waa uu maqnaa, markii uu yimidna ma uusan danaynay sheekaysi, maya, haa, haa, kaliya, nin fur furan ma ahayn, buugiisa ayuu akhrisanayay ana kayga, xabbad ama laba sigaar ah ayaan cabay, ilig ayaa xanuunayay oo uu aad uga cabaadayay, waan seexday, dhowr jeer oo aan soo kacay weli iliggii ayuu ka cabaadayay”
“Xalay oo idil marna qolka miyuu ka baxay?”
“U malayn mayo, illinka qolka markii la furo nalka marinka oo iftiin badan ayaa ku qaban oo ku kicin, marka waan kici lahaa hadduu baxay”
Mahad celin ka dib Poirot waa xiray wareysigii Talyaaniga oo ka baxay qaybii makhaayada.
“Haye, wax badan ayuu Ameerika joogay,” ayaa M Bouc yiri, “waa Talyaani, Talyaanigu waa been loowyaal, midiyahana waa jecelyihiin in ay adeegsadaan, Talyaaniga kama helo anigu”
“War cad weeye” ayaa Poirot yiri, “balse wax caddayn ah kuma hayno ninka, haa, talyaanigu midiyahay adeegsadaan waana jecel yihiin, balse markii ay xanaaqsan yihiin weeye, dilkaanse mid si fiican looga soo baaraan dagay weeye oo la soo qorsheeyay”
Labadii baasaboor oo u danbeeyay ayuu eegay,
“Markaan waxaan arkaynaa Miss Mary Debenham”
Miss Debenham oo isku joog madoow xidhan oo daganaansho ka muuqato ayaa soo gashay oo farisatay ka soo horjeedka Poirot.
“Magacaagu waa Mary Hermione Debenham, da’da labaatan iyo lix jir, Ingriis ah?”
“Ha”
“Miss Miss Debenham maxaad nooga sheegi kartaa dhacdadii xalay?”
“Waxba ayaan u malayn, oo waan jiifay”
Poirot asaga oo fakaraya ayuu fiiriyay oo yiri
“Waxaad ka timid Baqdaad, waxaana u socotaa London, sidaan filayo?”
“Haa”
“Baqdaad maxaa ka samaynaysay?”
“Laba caruur ah ayaa ku hayay oo shaqadaydu ahayd”
“Ameerika waligaa ma tagtay?”
“Ameerika? Maya, waligeey”
“Marwada kula dagan qolka side u argtaa?”
“Qof wanaagsan ayay u muuqataa in ay tahay,”
“Dharkaaga jiifku waa midabkee?”
ayada oo weydiintii la yaabtay ayay tii
“Waa bunni”
“Istanbuul markaan jooganay ayaan isha mar ku dhuftay dharkaaga hurdada, waa casaan xigeen sidaan filayo”
“Haa, waa sax”
“Ma dhar kale oo hurdada ayaad leedahay, Miss Debenham? Sida mid casaan ah?”
“Maya, kaas anigu ma lihi”
Baarihii inta si fudud u dhaqaaqay sidii mukulaal jiir ku boodaysa ayuu yiri.
“Kaagii maaha? Marka dharka guduudan qof kale ayaa iska leh, waa kuma qofkaas?”
Waa ay is gashay gabadhii oo tiri.
“Ma aqaan, xalay ayaan marinka ku arkay qof xiran, balse foolkeed ma arag”
“Ma dheerayd mise waa gaabnayd? Ma caddayd mise casayd?
“Koofi ayay xirnayd oo tinteeda ma arki Karin, balse waa ay dheerayd oo dhuubnayd, dharka jiifka ee habka shiinaha ayuu ahaa”
“Haa, sax, shiinaha,” in doora ayuu aamusnaa, ka dib asaga oo isla hadlaya yiri,
“Ma garan karo, waxaan oo dhan wax macna samayanaya maahan” oo inta gabadhii kor u fiirshay yiri,
“Baahi danbe kuuma qabno miss Miss Debenham, waad bixi kartaa”
Markii ay baxday foolka saaxiibkiis wax ka muuqday isku wareer wuxuuna yiri
“Ma u malaynsaysa in ay ayadu dishay? Balse waayo? Qof wanaagsan ayay u egtahay, qofka ifka ugu danbeeya oo in uu wax dilo loomalayn karo.”
“Waan kugu raacsanahay” ayaa Dr Constantine yiri,
“Qof dagan weeye, nacabkeeda ma aysan disheen ee maxkamad ayay gayn lahayd”
“Garaad sare oo aan beer jileec lahayn ayaa dilkaan ka danbeeya, Miss Debenham na tilmaantaas waa leedahay” ayaa Poirot yiri
M Bouc madaxa ayuu ruxay oo yiri,
“Waad qaldantahay saxiibkeey, gabadhaas danbiile ma ahan”
“Sabab kale ayaa jirta oo aan si taxadar leh aan uga fakaray ayada, weli kuuma sheegin wixii aan maqlay markii aan Istanbuul u soo soconay”
Wuxuu u sheegay labada nin haddalkii ay Miss Debenham ay ku tiri gaashaanle Arbuthnot markii la joogay goobta tareenka ee konya, M Bouc hadaladii loo sheegay ayuu ku celiya asag oo leh,
“Hadda maya, markay waxa dhan dhamaadaan, markii ay na gudubto, dhab ahaantii waa wax lala yaabo, waxay tilaamaysa in ayada iyo gaashaanle Arbuthnotay mas’uul ka yihiin wixii dhacay”
“Haa, balse dad kale ayaa jira oo noo sheegay in aysan ahayn kuwa dil gaystay ama gaysan kara, sida sheekada naagta Iswedhish ka ah iyo Mr Macqueen waxay cadaynaysa in labaduba aysan danbi lahayn, maya, hadalkaasna mid shaqaynaya maahan, waa hagaag” ayaa baarihii yiri asaga oo baasaboor soo qabtay, “markaan aan aragno qofkii ugu danbeeyay, shaqalaha jarmal ka ah ee Amiirada Dragomiroff, Hildegrad Schmidt”
Markii ay soo gashay shaqaalihii si dabacsan ayaa Poirot u weydiiyay dhaq dhaqaaqeedii xalay.
“Wax aan ogahay ma jirto, Monsieur” ayay tiri
“Qofta aad u shaqayso xalay cid bay kuu soo dirtay, xilligii ma xasuusataa?”
“Maya, Monsieur, waan hurday markii kormeeruhu ii dhawaaqay”
“Sida badan ma aadaa habeenkii qolka qoftaad u shaqaysid?”
“Waa wax caadiya Monsieur, oo si fiican uma seexato”
“Markii aad qolkeeda aadaysay dharkaaga jiifka miyaad xiratay?”
“Taas wax wanaagsan uma eka, dharka aan maalintii xirto Ayaan gashtay”
“Waxaan umalayn dharkaga jiifku waa wanaagsan yahay, casaan in uu yahay baan filayaa/”
Intay eegatay ayay tiri
“Waa buluug tikh ah”
“Ah, waan gafay, markaas qolka Amiirada ayaad aaday, maxaad samaysay markaad qolka tagtay?”
“Buug Ayaan u akhriyay, ka dib qolkaygaan imid si aan buste dheeraya ugu geeyo, ugu dabnayna waan seexday”
“Xilligu intuu ahaa ma taqaan?”
“Maya, Monsieur,”
“Marinka cidna kulama kulmin miyaa?”
“Maya, Monsieur, qof joogay ma jirin kormeeraha maahane, waa la wada hurday”
“Waad aragtay kormeeraha sow maaha, muxuu samaynayay?”
“Qolalka mid ka mid ah ayuu ka soo baxayay”
M Bouc inta horay u kuursaday ayuu si dag dag ah u yiri
“Qolkee?”
Naagtii oo baqday aya tiri
“Mid ka mid ah kuwa dhexe, laba ama saddex illin ka xiga kan Amiirada”
“Miskiin kormeerha, habeenkiisii oo dhan mashquul ayuu ahaa, mar aduu ku soo kiciyay, haddana koorta ayaa qaylisay”
“Maahayn kormeeraha qofka i kacshay, Monsieur, qof kale ayuu ahaa”
“Qof kale? Haddaad aragto ma aqoonsan kartaa?”
“Waan u malayn, Monsieur”
Poirto dhagta ayuu wax ugu sheegay M Bouc, asana illinka ayuu aaday si uu amar u soo bixiyo
“Waligaa Ameerika ma tagtay?”
“Maya, Monsieur, waase meel wanagsan baan u malayn”
Fistileeti ayuu jeebka ka soo saaray oo yiri.
“Kan adiga miyaa leh?”
Intay aamustay oo indoora fiir fiirisay aya tiri
“Maya, anigu ma lihi”
“Waxaa ku yaala erayga H, ma aragtaa— Hildegrade ayay u taagan tahay”
“Runtii anigu malihi, Monsieur, waa fistileeti qaali ah, waa kuwa naagaha lacagta leh qaataan”
“Nagtaas lacagta leh ma taqaan?”
Poirot wuxuu dareemay hakad ay samaysay intii aysan jawaabin,
“Maya, Monsieur”
M Bouc dhagta ayuu Poirot wax ugu sheegay, asna wuxuu yiri
“Saddexdii kormeere waa soo galayaan, fadlan ma aqoonsan kartaa kii xalay ku kiciyay?”
Saddexdii markay soo galeen Hildegrad Schmidt waa ay fiirisay durbadiina madaxa ruxday,
“Maya, Monsieur, saddexdaan midna ma ahayn kaan xalay arkay, kuwaan waa rag dhaadheer oo waaweyn, kaan xalay arkay nin bar yar oo aan aad u cadayn oo shaaribo yar leh ayuu ahaa, iga raali ahoow ayuu I yiri, cod dabacsan sida codka dumarka ayuu lahaa, si fiican ayaan u xasuustaa”
CUTUBKA LIXAAD
BOORSADII YARAD
“Nin bar yar oo cod dhuuban” ayuu yiri M Bouc markii kormeerayaashii iyo Hildegrade Schmidt ay qolka ka baxeen, “kaasi waa qofkii nacabka u ahaa ee Ratchett uu sheegay, balse aaway hadda? Tareenka kama dagin, haddana ma saarna tareenka”
“Sidaada oo kale aniguba waan ku wareeray” Poirot yiri, “xaaladdaan, oo waxaa wanaagsan in aan dib ugu laabano xaqiiqaha aan hubino, xaqiiqda koowaad:
Rachett ama Cassette sariirtiisa ayaa lagu dul dilay xalay, oo laba iyo toban toorreey xabadka laga galiyay, xaqiiqda labaad:
goorsheegtadiisu waxay ku joogsatay kowdii iyo rubuc ayada oo tilmaamaysa–”
“Taas waxay na siinaysaa xiligii dilku dhacay oo huban” ayaa M Bouc yiri
“Qasab maahan,” ayaa baarihii yiri, “waxaa dhici karta in dilku xilligaas ka hor dhacay am ka dib, oo dilaagu uu noogu tala galay in aan raad beena raacno, tan kale warbixintii Dr Constantine waxay sheegaysaa in laba tooray ay ku dhacday asaga oo mayd ah”
“Ninka kormeeraha dharkiisa qabana ka waran? Asna waa xaqiiqda saddexaad”
“Ha dag dagin jaalle, waa in an marka hore cadaynta baarnaa, Hardman, kan baaraha ah, ninkaan waa uu sheegay, marka ma rumaysanaa? Waan u malayn rumaysano waayo warka uu noo sheegay oo ahaa in Rachett shaqaalaysiiyay, tasna waxaa ku filan in aan ku ogaano telefoon aan u dirno shirkada Mcneil ee New York, cadayn kalana waan haynaa in warkiisu run yahay, Hildegrade na waa sheegtay, sida ay u tilmaanta ninka dharka kormeeraha xiran ayuu asna u tilmaamay, waxaa kale oo jira badhanka laga helay qolka Mrs. Hubbard, markaas waxaan haysana saddex caddaymood oo kala gooniya oo ku saabsan ninkaan codka dumarka leh”
“Haa, haa, “ayaa si Samir darro ah u yiri M Bouc, “intaan oo dhan in ay jiraan wann isla oggolnahay, balse aaway asagii?”
“Waxaa dhici karta in uu laba qof yahay, yacni uu hal qof isku yahay, ninka barta yar ee Rachett handaday iyo qof tareenka saaran oo muuqaalka is ragay oo aan isku ekayn, sidaasna Rachett ku aqoonsan waayay”
“Balse ragga tareenka saran oo dhan waa dhaadheeryihiin, marka laga reebo adeegaha ninka madaxda ah, asaguna uma eka mid wax dili kara” ayaa M Bouc yiri
“Waxaa dhici karta ninka la sheegayaba in uu naag tahay” Poirot yiri, “taas oo cadaynaysa codka naagta”
“Balse taas ma cadaynayso dhaawaca aan dhiiga lahayn” Dr Constantine yiri, “taas waa in aynaan illoobin”
“Waxba ma illowsani Datoore, balse wali ma anaan helin xalkii aan raadinayay, laga yaabee in naagta dharka guduudan xirnayd ee aan aniguba arkay in ay tahay dilaaga labaad, mid gaystay dhaawacyadaas, Datoore, haddii aan isla ogolaano qof dumar ah oo tareenka saaran oo dhar jiif oo cas leh ayaa jirta, aaway hadda? aawayse yunifoomkii kormeeraha ee badhanku ka maqnaa?
“Ah,” ayaa M Bouc yiri istagayna, “boorsooyinka dadka socdaalaya oo dhan ayaan baaraynaa”
Poirotna waa sara kacay oo yiri.
“Waan malayn karaa halka aan yunifoonka ka helayno, waxaanse hubaa in aadan ka heli doonin qolka Hildegrade Schmidt”
“Sideeya” haddalkiina waxaa ka kala jaray M Bouc, qaylo ka yeertay marinka iyo illinkii oo furmay iyo Mrs Hubbard orod ku soo gahsay.
“Waa musiibo,” ayay ku qalisay, “boorsadayda yar gudaheeda, boorsadayda yar! Middi dhiig leh”
Si kadis ah ayay horay ugu dhacday oo M Bouc gacmihiisa ku dhex dhacday, asna kursi ayuu ku friisiyay madaxana miiska u saaray, banaankana u daba galay Poirot.
Dr Constantine wuxu u yeeray adeegihii kuna yiri
“Sidaas madaxeeda ku hay” labadii baxadayna kadaba orday
Qolka Mrs Hubbard hortiisa ayaa la xoonsanaa ayada oo qayladu meesha ay ka timid la raadinayo, Michel illinkii ayuu u faray danbi baarihii iyo labadii la socotay.
“Middidii waa taas Monsieur, ma aanan taaban” ayuu yiri
Illinka qolka ku dhagan waxaa ka laaladay boorsadii yarayd, hoosteeda dhulka ahna waxaa yaalay middi af badan oo dhiig qalalay ku yaal, Poirot na si taxadar leh ayuu u soo qaaday.
“Maxaad u malayn Datoore? Middidii Rachett dishay miyaa?
Constantine middidii ayuu eeg eeagy, waqti badana kuma qaadan in uu yiraahdo.
“Haa, dhaawacyada ku yaal Rachett oo dhan middidaan ayaa gaystay”
“Marka ninku qolkaan ayuu dhex maray markii oo marinka u socday, boorsadaan ayuu arkay oo middidii ku qariyay, mana uusan dareemin in uu Mrs Hubbard kiciyay, dhaqsana u baxay”
“Haa, shaki la’aan” Poirot yiri, balse balse maankiisu meel kale ayuu ku maqnaa oo wuxuu eegayay qataarka illinka oo dhowr senti mitir ka koreeya gacanka iilinka ee boorsadu surnayd.
Waxaa ka kala jaray fikirkii uu ku jiray soo laabashaddii Mrs Hubbard,
“Qolkaan habeen kale jiifan mayo” ayay tiri, “seexan mahayo mar kale halkaan haddii xataa milayan dollar la i siiyo, way oo way, hadday gabadhaydu ogaan lahayd–”
Poirot ayaa si kor ah u yiri
“Haddaa lagu wareejinyaa, boorsooyinka laguu qaadayaa”
Mrs Hubbard oohintii ayay joojisay.
“Walle? Nafis Ayaan ba dareemay mar hore, qof cidla ka cararta ma ahi, balse meyd qolka kugu dhaxan ag seexo waa dhib” ayay tiri
Poirot wuxuu u sheegay Michel in uu boorsooyinka u geeyo qolka 12 ee qaybta kale, danbi barihii asga ayaa waday Mrs Hubbard oo tusay qolkeeda cusub, ayadana farxad ayaa ka muuqatay
“Qolkan waa wanaagsan yahay” ayay tiri, “dhinaca kale na waa u sii jeedaa saas ayuu kaga gadisan yahay qolkii hore, oh, weli waxaan rumaysnahay in dilaagii uu qolka soo galay”
“Qataarka qolka ayaa weli wareer igu haya, sariirta markaad jiiftid ma arki kartay?”
“Sax, waayo boorsadaa surnayd”
Poirot boorsadii ayuu qaaday oo suray gacanta illinka laga furo oo yiri,
“Haa, qataarku gacanka hoostiisa ayuu ku yaal marka boorsadaa qarinaysa”
“Sax. Balse naagta Iswedhish ku waxay tiri waa xiran yahay”
“In ay gaftay ayaan u malayn” Poirot yiri
“Ka fiirsaso la’aan ayay ka ahyd baan u malayn”
Mrs Hubbard waxay bilowday in ay ka war washo daahida tareenka,
“Sidaan doonta ayaan ku gafayaa oo iga tagaysa, dhib badanaa–”
Poirot ayaa hadlkii ka dhex galay oo intaysan mar kale ilmayn yiri.
“Qarracan ayaa ku helay, Madam, waxaa ila wanaagsan in aan qaxwo doonano”
“Sidaas ayaa wanaagsan, mahadsanid”
Qaxwdii ayaa loo keenay Mrs Hubbard, Poirot na wuxuu weydiiyay in uu boorsadeeda baari karo waana ay ogolaatay, balse wax la daneeyo kuma jirin, baritaankii qolka Mr Hardman sidoo kale mira dhal malayn, balse boorsadii gaashanle Arbuthnot waxaa laga helay sanduuq yar oo ay ku jiraan bayb nadiifiyaal la mid ah kii laga helay goobtii dilka.
Poirot wuxuu ku xijiyay qolkii Mudane iyo Marwo Andrenyi, markii uu galay poirot qolka, Mudanuhu wuxuu fadhiyay illinka agtiisa oo wargays ku akhrisanayay, xaaskiisu kursi ayay ku kuusnayd dariishadda u dhow, in ay hurudana waa u muuqatay.
Baartitaan ka dibna Poirot wuxuu yiri asaga oo boorsa buluug ah kor u qaaday.
“Xaashida sumada boorsadaadu waa qoyan tahay, Madame”
Kursigeedii ayay ku kuusnayd uma jawaabin, wax danayn ah oo ku saabsan dadkaan u yimidna kama muuqan.
Waxaa ku xigay qolka ay wdaagaan Miss Mary Debenham iyo Greta Ohlsson, Poirotna wuxuu u faah faahiyay ujeedkiisa.
“Miss Ohlsson, boorsadaada ayaan baaryaa ee adigu u utag Mrs Hubbard, waxaan u wareejinay qaybta kale, aad ayay u calool xuntay qof la hadla waa iska rabi lahayde”
Ayaduna inta boorsadii u furtay Poirot si uu u baro ayay Mrs Hubbard aaday, si dhaqso ah ayuu u baaray oo ku jeestay miss Miss Debenham oo asaga eegaysay.
“Maxaad u dirtay miss Ohlsson?”
“Sida ay islaanta Maraykanka ah u kaalmayso”
“Mar marsiyo wanaagsan, balse waa mar marsiyo,” intay dhoola cadaysay,”in aad kaligay ila hadashid ayaad doonaysay, sow maaha?”
“Sida aad u malaysid uma qorsho fiicnid Miss Debenham”
“Fadlan, doqon ma ahi, si baad u go’aansatay in aan anigu mas’uul ka ahay danbigaan xun”
“Adiga ayaa sidaas is ka dhaadhiciyay”
“May, iskama dhaadhicin, waqti asaga oo aan naga dhumin, waxaad odhan lahayd dheh”
“Sidaad jeceshahay, Mademoiselle, Suuriya markaan ka nimid waxaan istagnay Konyo, anoo luga baxsnaya ayaan maqlay adiga oo ku leh gaashaanle Arbuthnot “hadda maya, markii ay dhamaato, oo aan ka gudubno” maxaad ula jeeday erayadaas?”
Si aayar ah ayay u tiri.
“Ma in aan anigu dilaagii ahay ayaad umalayn?”
“Waxaad ula jeeday Ayaan ku weydiiyay”
In doora ayay aamustay oo fakaraysay ka dibna tiri
“Eraydaas ujeedo aanan kuu sheegi Karin ayay leeyihiin, Monsieur, balse waxaan kuu ballan qaadi karaa in ninkaan Rachett aanan arakin tareenkaan ka hor”
“Waa diiday in aad erayadaas ah faah faahisid sow maaha?”
“Waxaa jiray wax in aan sameeyo ay hayd –”
“Haddana waad samaysay?”
“Maxaad ula jeedaa?”
“Daahniin ayaa jiray intii aynaan istanbuul soo gaarin, aad ayaana u war warsanayd adigu, adigii mar kasta daganaa, balse daganaanshii waa kaa luma markaas”
“In aan gafo ma rabin tareenka kale een ku wareegayo”
“Tareenka dheereeya ee orient maalin kasta oo toddobaadka ah waa uu ka baxaa Istanbuul, haddii aad gaftid, waa uun 24 saac kaliya waxaad dib u dhacdaa, tareenkaan xataa dhaahniin ayaa nagu dhacay waliba mid xun haddana dulqaad ayaad u leedahay oo waa aad dagantahay”
Miss Debenham foolkeedii waa guduutay, dhoolla cadayskiina waa joojisay.
“Maxaad iigu jawaabi weyday, Mademoiselle?”
“Waan ka xumay, maxaan kuu sheegaa?”
Waamarkii u horeysay ee daganaansho la’aan ay ka muuqatay
“Ii sheeg dhaqamadaadaas kala duwan”
“Wax aan kuu sheegi karo maleh, wax la faah faahiyana meesha ma jiraan”
“Wax dhiba maleh” ayuu yiri,” anaa iskay u ogaan doona”
Waana uu ka baxay qolkii.
Qolkii ku xigay Hildegrade Schmidt waana ay dhawraysay imaatinkooda, markii boorsooyinkeeda la baaray, Poirot wuxuu ku jeestay M Bouc oo yiri:
“Ma xasuusataa eraygaan ku iri, eeg halkan”
Waxaa kamuuqday yunifoom kormeere oo bunni ah oo si habaysan u dhex yaalay boorsada naagta shaqaalaha.
Baqdin ayaa duraba ka muuqatay naagtii.
“Anigu ma lihi” ayay ku dhawaaqday, “sidaan Istanbuul uga soo tagnay boorsadaan maba fiirin”
Poirot si naxariis leh ayuu gacata uga taabtay oo yiri:
“Ha war warin, waan ku rumaysanaynaa ninkii unifoomkan lahaa in aan la arkin ayuu doonayay, markii uu marinka ku soo cararay ayuu u baahday meel uu ku qariyo, qolkaaga oo furan ayuuna arkay, si dhaqso ah ayuu iskaga bixiyay oo boorsadaada ku tuuray”
Jaakadii ayuu kor u qaaday, badhanka saddexaadna waa uu maqnaa, jeebkana waxaa ku jiray fure kormeere.
“Furahaas asaga oo haysta illinkii uu rabo ayuu furi karaa ama xiri karaa” ayaa M Bouc ku dhawaaqay.
“Hadda waa in aan helnaa maaradii jiifka ee casayd” Poirotyiri
Qolka ku xiga wuxuu ahaa kii Mr Macqueen, kan ka danbeeyana qolkii Masterman, ka dibna kii talyaaniga, wax muhiim ahna lagama helin boorsooyinkoodii, qolal danbe oo la baarana ma jirin.
“Maxaan samaynaa hadda?” ayaa M Bouc wediiyay
“Wixii cadaymo ah oo aan awoodnay waan soo helnay, waxaan tagaynaa qaybta makhaayada si aan u fakarno, blasé sigaar in aan cabbo ayaan u baahnahay, anaa xagga kuugu imaan wax yar ka dib ee sii soco”
Poirot wuxuu ku laabtay qolkiisii si uu boorsadiisa sigaar ugala soo baxo, markii uu boorsadii furayna yaab iyo eegmo ayaa ka soo haray oo uu la fariistay, si wanaagsan ayada oo loo laalabay ayuu alaabtiisa ku dhex jiray dharkii jiifka ee casaa ee dhabarka ku lahaa sawirka shiinaha.
CURUBKA TODDOBAAD
MIDKEE?
M Bouc iyo Dr Constantine oo makhaayada ku sheekaysnaya ayuu u soo galay.
“Haye” ayaa M Bouc yiri, “kiiskaan wax macnaha ma samayn”
“Waan kugu raacsanahay” ayaa Dr Kii yiri
“Balse cadaymaha socotadu kaalmo wanaagsan ayay ahaayeen” ayaa Poirot yiri asaga oo sigaar shidanaya
“Waxaan u malaynayay in aysan waxba noo kordhine, maxaa iga hoos baxday oo aan gafay?”
“Tusaale u soo qaado Macqueen, wuxuu noo sheegay in ninka uu u shaqaynayay, Mr Rachett uusan af Ingriiska maahane uusan af kale aqoon, kormeeruhuna waxuu sheegay in xalay qolka MrRatchettt qofka yiri, Ce n’est rien. Je me suis, qofkaasi ma hayn Mr Rachett t”
“Dilaagii ayuu ahaa qofkaas hadlayay” ayuu M Bouc ku soo gabagabeeyay.
“Waad dheereynaysaa jaallahaygoow, wax cadayn ah ma hayno in xilligaas uu Mr Rachett uu mayd ahaa”
“Qayladii adiga ku kicisayna?”
“Haa, waa sax”
“Si haddii lo eego ogaanshadda taas wax badan badali mayso, xilligaan u malaynaynay nus saac ka hor ayaa danbiilihi dilay Ratchettt, qolka ayuuna intaas ku dhex jiray, carrabada goor sheegtada ayuu ka dhigay kowdii iyo rubuc, kadibna baxay” ayaa M Bouc yiri
“Ka soo qaad in aad adigu dilaagii tahay,” ayaa Poirotku yiri, “sow saacada kama aaadan dhigteen xilli joogitaankaaga qolka Rachett an lagu soo qaban Karin, carrabada saacada kuma aadan aadiseen xilligii aad qolka ka baxaysay”
“Sax” ayaa Dr Constantine wax iskaga qasan yihiin yiri
“Waxaa dhici kara in dilaagii labaad uu goorsheegtada badalay, naagtii dharka cas xirnayd” ayaa M Bouc yiri
“Aad ayay mugdi u ahayd in ay aragto in ninku mayd yahay, isla markaasna in ay jeebkiisa surweelka hurdada baarto oo ay awooday in saacada ka soo saarto oo ayada oo aan wax arkayn waqtigii saacada badasho” poirot yiri asaga oo in aysan wax la rumaysan karo in aysan ahayn muujinaya
M Bouc inta kuuray Poirot ayuu ku yiri
“Adigu maxaad ku sharrixi lahayd marka?”
“Hadda wax macna samaynaya ma hayo, balse aan indhaha isku qabsano oo aan ka fakarno, mid ama laba socotada ah ayaa dilay Ratchett, waase kuma?” oo raggii la joogay inta ku jeestay yiri, “wax ra’yi ah ma haysaan?”
“Haa, balse wax fii’iido leh maahan” ayaa Datoorkii yiri
M Boucna waa uu ku raacay.
“Aniga qudhaydu markaan wixii dhamaan aan dul maray fikrado waa igu soo dhaceen, walise ma hubo tan sax san, balse dhaqso waan u heli doonaa, inta ka horaysna aan bal dul joogsano ariima muhiim ah, sida khadda ku taal baasaboorka Hangari ga”
M Bouc baasaboor kii Mudane iyo marwo Andrenyi ayuu eegay oo yiri:
“Tan miyaa taad ka hadlaysid?”
“Haa, waxay u muuqataa khad cusub, u fiirso halka ay ku tal”
“Bilowga magaca marwada, balse maxaa?”
“Markaan ka fakarno fistileetiga, aad ayuu qaali u yahay, waa gacan ku samays Baariis lagu sameeyay, erayga H ayaa ku qoran, nooca ay Mrs Hubbard gadan lahayd maahan, hubaalna Hildegrade ma leh, naagta shaqaalaha ah, laba dumar ah kaliya ayaa yeelan kara fistileeti sidaan oo kale ah, waana Amiirada Dragomiroff —–”
M Bouc ayaa ka dhex galay.
“Oo magaceeda hore uu yahay Natalia,”
“Waxaan la yaabanahay khaddaan, waa dhici kartaa in ay shil dhacay tahay, waana dhici kartaa in eray lagu qarinayay, laga yaabee in magaca Marwadu uusan ahay Elena ee uu yahay Helena”
“Helena” ayaa M Bouc kor ugu dhawaaqay, “waa fikard fiican taasi”
“Wax kale oo fikradaan garab siinaya aya ajira, xaashiyaha sumada ee boorsooyinka Marwada mid ayaa in yar qoyanayd, laga yaabee in magac badalid ay tahay”
“Markaan in aan ku rumaysto ayaan bilaabay” aya M Bouc yiri, “balse marwo Andrenyi waa dilaa? Waa wax aan dhici Karin”
“Markaanna aan ka soo qaadno xalay baraf jidka ma oollin, maxaa dhici kari lahaa? Dilka waxaa la ogaaday markii tareenku talyaaniga gali rabay. Ninka dharka kormeeraha qabana kowdii ka hor ayaa la arkay. Badhanka waxaan ka helnay qolka Mrs Hubbard, unifoomkana musqusha. Waraaqihii handadaada ee Macqueen keenayna waan akhrinay. Waxaan isla meel dhignay in dilku ka dhacay Brod, halkii tareenku istaagay 00:58”
“Ma waxaad ka wadaa–?
“Waxaan ka wadaa dilka waxaa loo qorsheeyay in uu u muuqdo sidii qof dibadaka yimid uu gaystay, oo aan socotada ka mid ahayn, balse barafkii ayaa wax walba badalay, waxaan dhici karin weeye in la rumaysto in dilaagii tareenka ka dagay”
“Fistileetiga maxaa ka galay marka?”
“Dul qaado yeelo jaalle, markan aan u lexano xaashidii la gubay oo erayga Daisy Armstrong qayb ka haa, Dilaagu ma uusan doonayn in aan akhrino waraaqda. Waayo? Hal sabab uun baa jiri karta, qof tareenkaan saran ayaa xariir dhow la leh qoyska Armstrong, xaashiduna qofkaas danbiile ayay ka dhigi lahayd, qofkaasna waxaan u malaynayaa in ay tahay Marwo Andrenyi”
“Balse, waa maxay xariirka kala dhaxayn kara reer Armstrong? waxay sheegtay in aysan waligeed Ameerika tagine” ayaa M Bouc yiri
“Haa, Ingriis aan badnayn na waa ay ku haddashaa, muuqaalkeeduna qof ajnabi ah ayuu u egyahay, balse waxaa dhici karta in ay jilid tahay, waxaan u malaynaya in ay tahay gabadhii yarayd ee Linda Arden walaasheed ahayd, ayna la kulantay oo guursatay Mudane Andrenyi xilligii uu ka shaqaynayay Washington”
“Balse Amiiradu waxay tiri, gabadhaas waxay guursatay nin Ingriis ah”
“Amiirad Dragmiroff waxay sheegtay in aysan xasuusan kari magaca ninka gabadha guursaday, ma dhici kartaa xilligaas in Amiirada iyo qalanjadu aad isugu dhawaayeen?”
Adeegayaashii mid ka mid ah ayaa haddalkii ka dheex galay oo yiri
“Raali iga ahoow Monsieur Poirot, xilligii qadada ayaa la joogaa”
M Bouc wuxuu eegay Poirot oo asna yiri
“Qado, waa soo dhaweynaynaa bay ila tahay”
Socoto kalena waxay ka hadleen qadada, Poirot wuxuu maqlayay Mrs Hubbard oo leh,
“Inaan wax cuni karo u malayn mayo”
Wuxuuna arkayay ayada oo wixii loo keenay oo dhan isku daysay.
Poirot wuxuu adeegihii waydiistay in Mudane iyo marwo Andrenyi uu ugu danbaysiiyo marku cunada dadka u gaynayo, miisaskii kale waa la faarqiyay, ayaguna markii ay dhamaysteen oo ay sara joogsadeen ayaa Poirot dhinacooda u soo dhaqaaqay.
“Fistileeti ayaa kaa dhacay, Madam” ayuu yiri una dhiibay marwadii, inta ka qabatay oo eegtay oo asagii dib ugu dhiibtay ayay tiri
“Waad qaldantay, Monsieur, anigu ma lihi fistileetigaan”
“Balse erayga H ayaa ku yaal, erayga macagaagu ka biloowdo”
Si dagan ayay u tiri markaa
“Magacaygu waa Elena, wuxuuna ka bilowdaa erayga E”
“U malayn mayo” ayaa Poirot yiri, “magacaagu waa Helena ee maahan Elena, waxaa tahay Elena Goldenberg, marwo Armstrong walaasheed”,
Daqiiqad iyo laba oo kale ayaa la aamusnaa, Mudane iyo marwo Andrenyi fiiro ayaa ka soo hartay, Poirot ayaa hadalki sii watay oo si dabacnsan u yiri, “ma dafiri kartaan, waa ognahay”
“Waa runtaa, Monsieur” ayaa marwdii tiri, codkeediina waa is rogay, markaan waa Maraykan, sidii Maaraykan ayay ugu hadashay ingriiskii.
“Saaka maxaadan iigu sheegin sidaan? Magaca baasaboor kase maxad u badashay?”
“Xaaskaygu ma badalin, magaca anaa rogay, waxaan maqalnay in fistileeti leh erayga H laga helay goobtii dilku ka dhacay” ayaa duqeedii yiri
Helena ayaa cod hiyi la kac ah ku tiri markaas.
“Ninka la dilay wuxuu dilay gabadhaan habaryata u ahaa, wuxuu dilay walaashay iyo dumaashigay, saddexdii qof ee aan aduunka ugu jeclaa, sabab aan ku dilo waa i hortaalay”
“Madame, ma dishay?”
“Waan ku dhaaran, ma dilin”
“Run weeye” ayaa ninkii yiri, “Helena qolka kama bixin xalay oo dhan” intuu yara aamusay ayuu sii waday haddalkii, “aniguna ma doonayn naagtayda oo aan danbi lahayn oo aan ogahay in saldhiga loo kaxeeyo, waxa la weydiiyo, laga yaabo in danbiile laga dhigo xabsi loo dhaadhiciyo”
“Waan idin rumaysanyaa balse waa in aad i kaalmaysaan”
“Ku kaalamayno?”
“Haa, dilkaan wuxuu ku lug leeyahay tagto hore, dilkii gabadhii walaashaa iyo qoyskeeda, iiga waran xilliyadii hore si aan uga helo xariir wax walba cadayn kara”
“Maxaan kuu sheegaa? Ayagii oo dhan waa dhinteen, Robert, Sonia, Daisy yariisay”
“Iyo Susanne, dhalashadeedu maxay ahayd, Madame?”
“Miskiin Susanne, Faransiis ayay ahayd”
“Magaceeduna Susanne?”
“Wax murug leh ayaa dhacay, ma xasuusan karo balse dhamaanteen waxaan ugu yeeri jirnay Susanne, gabar qurxoon oo bashaash ah, Daisy ayaa aad u jeclahyd, naagta Daisy haysayna waa la kaalmayn jirtay”
“Tumay ahayd naagtaas?”
“Magaceedu wuxuu ahaa Stengelberg, Daisy na waa jeclayd”
“Adiga qudhaaadu gabar yar baad ahayd xilligaa, ee ma lahayd naag ku haysa?”
“Haa, naag laga baqo, Ingriis ayay ahayd-maya Scottish, naag weyn oo tima cad, da’da afartameeyad”
“Magaceedu muxuu ahaa?”
“Miss Freeman”
“Cid kale oo idin la noolayd miyaa jiratay?”
“Shaqaalha uun”
“Madame, hadda waxaan kaa rabaa in aad si fiican uga fakartid weydiintaan inta aadan ka jawaabin, tan iyo intaad tareenka saarnayd cid aad aqoonsato ma ku aragtay?”
Intay eegtay Poirotayay tiri.
“May, qofna kuma arag”
‘“Amiirada Dragomiroff ka waran?”
“Oh, waan aqaan, ee waxaan u maleeyay inaad ka wadid-yacni qof waagaas hore ah”
“Sidaas Ayaan ka waday Madam, gu’yaal badan ayaa laga soo gudbay, xasuuso. Qofku in uu si kale u egyahay hadda ayaa dhici karta”
Waa ay fakartay xoogaa.
“Maya, waa hubaa, qofna ma saarna”
Markii ninkii iyo xaakiisii baxeen ayaa M Bouc ku qayliyay.
“Shaqa wanaagsan, jaalle, marna iguma soo dhicin in mudanahaan iyo marwadaan ay wax dileen”
“Marka hadda ma hubtaa in ay eedaysanayaasha yihiin?”
“Haa, fistileetigaa caddaynaya” ayaa M Bouc si kalsoni ku jirto u yiri, “ma hubo anigu cid kale oo fitileetiga lahaan karta, xasuuso —”
Mar qudha ayuu haddalkii joojiyay markii Amiirad Dragomiroff makhaayada soo gashay, waxayna u tagtay Poirot oo ay ku tiri.
“Monsieur, waxaan u malayn in fistileetigaan uu kayga yahay”
“Madme, ma sidaas ayaad u malayn?” wuxuuna tusay kii laga helay qolka Ratchett.
“Waa asaga, erayga N ee geeska ku yaal, waa magacayga Natalia,”
“Madame, eraygu waa H ee maahan N” ayaa M Bouc yiri
Inta si fiican u kuurtay M Bouc ayay tiri
“Fistileetiyadayda erayada ku qoran markasta waa af Ruush, H af Ruushka waxaa weeye N”
Habartii si uusan garanayn asagu ayay dabaal ugu ekaysiisay M Bouc.
“Aroortii markii aan ku warsanaynay, nooma aadan sheegin in uu yahay fistileetigaagii” ayuu yiri
“Ima aadan weydiin” ayay tiri, “weydiintaada soo socotana waxaan filayaa in ay tahay, maxaa fistileetigaaga ag dhigay ninka maydka ah? War celin tayduna, waa ma aqaan”
“Raali adiga oo iga ah, Madame, side kuu rumaysanaa hadda? horay ayaad been noogu sheegtay markaan ku weydiinay Mrs Armstrong walaasheed”
“Haddana waan ku leeyahay, hooyadeed waxay ahayd saaxiibtay, anigu waan rumaysnahay in daacad loo ahaado saaxiibada, cidda, waxaas oo dhan”
“Arrintaan fistileetigana waxaa dhici karta in aad saaxiibtaa gabadheeda aad ku dhowraysid”
“Ma waxaad u malayn in fistileetiga ay Helena leedahay?” si ciil ku jiro inta u dhoolla cadaysay ayay tiri, “in aan anigu leeyahay si fudud Ayaan kuugu cadayn karaa, waxaan ku siin cinwaanka Baariis dadkii ii sameeyay”
“Aroortaan markii aan gabdha shaqaalaha ah kuu ah aan tusanay, waa ay garatay”
“Sax, waa ay aragatay mana hadlin? Ayaduna qof daacada weeye marka” waana istagtay oo baxday.
“Amiiradu dilaaga ma noqon karto, xoogaas ay middida meel fog ku gaarsiiso maleh, gacmaheedu waa daciif” ayaa Dr Constantine yiri
“Dhaawacayada yar yarna?”
“Haa, waa dhici kartaa in kuwaas ay ayada yihiin”
M Bouc madaxa ayuu ruxay oo yri.
“been iyo been kale, waxaaba iga daadagi la’ inta been naloo sheegay aroortaan”
“Beeno kale oo in la soo qufo u baahan ayaa jira,” Poirot yiri, “waxaa u baahnay in aan mala awaal kale sameeyo”
CUTUBKA SIDDEEDAAD
LABA XAL
Gaashaanle Arbuthnot ayaa mar kale makhaayadii loogu yeeray, asaga oo ay ka muuqato in uu dhibsanayo ayuu soo galay oo yiri.
“Haye?”
“Ugu horrayn waxaan rabaa in aan ku tuso cad tir tire bayb ah,” Poirot inta taagay, “kan ma adaa leh?”
“Ma aqaan, sumad ii gaaran ma saarto anigu”
“Qofka kaliya ee bayb dhuuqa ee tareenkaan saran waa adiga, tirtirahaana waxaa laga helay meydka agtiisa, ma noo sheegi kartaa gaashaanle sidee tir tiruhu halkaas ku tagay?”
Hadalkii in uu la yaab ku noqday gaashaalaha ayaa ka muuqatay.
“Ma aqaan, kaliya waxaan idiin sheegi karaa in uusan iga dhicin aniga”
“Mr Ratchettt ma adaa dilay?
“Waligay xataa lama hadlin, haddiise aan dili lahaa idiin ma sheegeen, miyaan idiin sheegi lahaa?”
“Taasi dhib maleh, waxaanse u rabay in aan ku arko waa arrin kale, eeee Miss Debenham ma kuu sheegtay in aan sheekadiina maqlay markaan joognay konya?
Arbuthnot uma war celin, Poirot ayaa sii watay haddalkii.
“Waxay tiri ‘hadda maahan, markii waxa dhan dhamaadaan, markay na dhaafto” ma taqaan earaydaas waxay uga jeeday?”
“Ma doonayo in aan ka jawaabo weydiintaan”
“Sirta gabadha ma sheegasyid miyaa?”
“Waa sidaas”
“Xataa haddii laga yaabo in ay dilaa tahay?”
“Waxa kan waa waalli, Miss Debenham maaha dilaa”
“Miss Debenham wayax u shaqynaysay Armstrong markii Daisy la af duubtay” Poirot yiri
Amusnaan yar ka dib ayaa Poirot yiri.
“Fiiri, intaad u malaynaysid ka badan Ayaan ognahay, haddi Miss Debenham aysan danbi lahayn, maxay u tiri waligeed Ameerika ma tagin?”
“In aad gafsantahay ayaa dhici karta” ayaa gaashaanlihii yiri asaga oo qufacaya
“Maya, ma qaldani, maxay Miss Debeham beenta iigu sheegtay?”
“Waxaan soo jeedin lahaa in aad ayada weydiiso, in aad wali qaldan tahay Ayaan u malayn”
Poirot adeegayaashii mid ka mid ah ayuu u yeeray ooo ku yiri.
“Fadlan, iigu yeer marwada English ka ee qolka lambar 11”
Intii Miss Debenham ka imaanaysay affarta nin aamusnaan ayay ku fadhiyeen, aad ayay u qurux badnayd Miss Debenham, in yar ayay eegtay Arbuthnot, wax yar, ka dibna Poirot ku tiri.
“Ma in aad I aragit ayaad doonaysay?”
“In aan wax ku weydiiyaan doonayay, maxaad noogu tiri waligaa Maraykanka ma tagin? waxaan hadda oganahay in aad ku noolayd aqalka Armstrong xilllii Daisy la af duubay”
Mar qudha ayaa foolkeedii is rogay, haddana sidiisii ku soo laabatay.
“Sababata aan beenta idin kugu sheegay waa fududahay,” ayay tiri, “waxaan u baahnahay in aan shaqaysto, waana ogtahay dhibka lagu helo laguna haysto shaqada maamule guri, haddii magacyga lagu xusi lahaa dhacdadaas oo sawiradayda lagu soo saari lahaa wargaysyada Ingriiska, sumcadaydu waa bur buri lahayd waligayna shaqo ma heleen mar kale”
“Balse haddii aadan wax danbiya lahayn, wax dhibaata ah maleh”
“Dadku waxay xasuustaan oo kaliya foolasha iyo magacyada, balse ma xasuustaan yaa danbiile ah iyo yaan ahayn”
“Mademoiselle, markasta in runta la sheego ayaa wanaagsan, waxaad kale oo aad qarisay in marwo Andrenyi ay tahay marwo Armstrong walaasheedii yarayd”
“Marwo Adnrenyi? Oo dhab ah?” madaxay ruxday, “waa dhici kartaa in aysan maan gal idinla muuqan, balse daacadii in aanan aqoonsan, saddex gu’ ka hor ayaa igu danbaysay, dugsi ayay dhiganaysay, si kale ayay u egtahay, been maahan markii aan arkay qof aan arki jiray waa iila muuqatay, balse waan soo dhifan waayay qofka ay tahay, markaas ka dibna danba kama galin ayada oo anaa taydu I haystay”
“Sirtaada ma ii sheegaysaa?” Poirot yiri
“Ma awoodo in aan kuu sheego, ma awoodo”
Si lama filaan ah ayay sacabada foolka ugu qarisay, waa ay oynaysay, qof qalbi jabsan ayay u ekayd.
Gaashaanlihii inta soo booday ayuu dhinaceeda istaagay si uu naxariis ugu dhawaaday oo ku qayliyay Poirot, yirina.
“Laf kasta oo kugu taal ayaan ku jabin”
“Monsieur” ayaa M Bouc ku qayliyay, balse Arbuthnot wuxuu la hadlayay gabadhii.
“Mary, waan ku baryayaa—”
Intay sare joogsatay ayay tiri.
“Waxba maahan, wax kale miyaad iiga baahan tahay M Poirot? Haddaad iiga baahato waad i soo raadin kartaa, oh, doqon baan u ekaaday”
Si dhaqso ah ayay goobtii uga baxday, Arbuthnot na waa daba joogay
“Haye jaalle, mala kale oo wanaagsan” M Bouc oo dhoolla cadaynayaa yiri
“Side ku ogaatay?” ayaa Dr kii weydiiyay asaga oo qiimaynaya
“Waa ay fududayd, marwo Miss Debenham ayaan ka ogaaday”
“Sidee?”
“markii aan weydiiyay, naagta aqalka maamulaysay magaceeda, waxay tiri Freebody, in ay daan aqoon ayaa dhici karta mudanayaal, balse dukaan waxaa ku oolli jiray London la oran jiray, Miss Debenham and Freebody, maskaxdeeda ayada oo ku haysay magaca Miss Debenham, magaca Freebody ayuu ahaa kan kaliya ee ay dhaqso u soo dhifan kartay, durbadiiba waan gartay markaas”
“Wax danbe oo aan la yaabayo maleh,”M Bouc yiri, “qof kasta oo tareenka saaran waxaa cadaatay in uu saxiib la ahaa reer Armstrong”
“Been maaha, waa kiis yaab leh,” ayaa Dr Constantine yiri.
“Markaana bal aan talyaanigaagii aragno, M Bouc” Poirot yiri
Talyaanigii weynaana durbadiiba waa yimid asga oo dagaansho aysan ka muqan oo yiri,
“Maxaad rabtaan? Waxaan ogaa oo dhan waan idiin sheegaye”
“Hadda waxaan rabnaa sheekada runteedii,” Poirot yiri, “mar hore ayaan ogaanay, balse waxaa wanaagsan in aad adigu noo sheegto?”
“Sida booliiskii Maraykanka ayaaba u hadlaysaaye,” asaga oo xanaaqsan yiri,” “runta sheeg ayay yiraahdaan daniilayaasha, qaaligu waa kuu naxariisanayaaye”
“Ah, marka waad soo aragtay booliiska New York?”
“Maya, maya waligay, waxba waa igu cadayn waayeen si kasta oo ay isugu dayeen”
“Dhacdadii Armstrong ayay ahayd taas, sow maaha?” ayaa si dagan Poirot u yiri, asaga oo indhaha ka eegaya Talyaanigii “baabuurtaad ku wadi jirtay, darawal ayaad u ahayd?”
“Haddii aabad ogtahay maxaad iga weydiin?” Talyaanigii yiri
“Saaka maxaad beenta u sheegtay?”
“Arrimo ganacsi la xariira, waayo ma doonayan in ay wax i weydiinyaan booliiska Yugoslav ku, Talyaaniga waa necbyihiin, xabsi ayay iskaga kay tuuri lahaayeen”
“Laga yaabee in aad xabsi istaahishid”
“May, may, anigu ninkaas ma dilin, ninka Ingriiska ah ee foolka dhuuban ayaaba idiin sheegi kara in aanan dilin”
“War fiican, waad bixi kartaa” Poirot yiri
“Ninkaas doofaar ayuu ahaa” ayaa Talyaanihii Foscarelli kor u yiri, indhihiisana ilama ayaa ku soo joogsatay, “Daisy yaray, waa ay wanaagsanayd, Fatuurdayada ayay ku ciyaari jirtay, shaqaalaha dhan waxay odhan jireen waa gabar wanaagsan”
Poirot wuxuu u yeeray, Ohlsson, ayada oo ilamynasa ayay timid oo kursi danbi baaraha ka soo horjeeda sal sal iskugu tuurtay
“Ha warwarin, Mademoiselle,” Poirot si naxriis leh u yiri, “waxaad ahayd kalkaalisadii Daisy Armstrong”
Ayada oo oynaysa ayay tiri.
“Waa runtaa, aah, wax macaan ayay ahayd, gabar yar oo naxariis badan” in ay hadalka sii wadi karto uma muuqan, “waan qaldanaa saaka, cabsi ayaa igu jirtay, baqdin, aad Ayaan ugu farxsanaa in ninkaas shaydaanka ah uu dhintay, si uusan caruur kale u dilin”
Poiro si naxariis leh ayuu garabka uga taabay, yirina.
“Waan gartay, waan gartay wax walba, wax danbana ku weydiin mayo”
Naagtii Swedish ka ahay si aayar ah ayay uga baxaday makhaayadii ayada oo illin wax la arki la’, irridka waxay kaga hor tagtay nin soo galaya, wuxuu ahaa madaxa adeegayaasha, Masterman
“Iga raali ahoow Mudane,” ayuu ku yiri cod aan wax dareen ah ka muuqan, “waxaan ila qumanaatay in aan haddaba kuu sheego in aan u shaqayn jiray Mr Armstrong xilligii dagaalka iyo ka dib New York, waan ka xumahay in aanan horey kuugu sheegin”
“Ma intaas uun baa waxaa doonaysay in aad ii sheegto?” ayaa Poirot yiri asaga oo ninkii eegaya
“Haa, Mudane,”
Markii Poirot hadli waayay ayaa ninkii sii jeestay oo baxay
“Tani waxay la mid tahay sidii buugta sheekooyinka dilka qarsoon” Dr yiri
M Boucna waa uu ku raacay oo yiri
“Laba iyo toban socoto ah oo sagaal kamid ah xariir la leeyihiin kiiskii Armstrong”
“Laga yaabee in aan gabigood ku dari karno kooxda” ayaa Poirot oo dhoolla cadaynayaa yiri, “waxaa dhickara in ay joogaan-ma aqaane-jardiin hayhii, guri hayihii, iyo kariyihii Armstrong”
“In la rumaysto taasi waa ka badan tahay, dhamaantood xiriir ma wada lahan karaan” M Bouc yiri
“Ma aadan garan, dhammaantiin ma Aydan garan” Poirot yiri
“Adigu ma garaty?”M Bouc ku yiri, “adigu ma ogaatay yaa dilay Ratchettt?”
“Oh, haa,” Poirot yiri, “in muddo ah waan ogaa” inta xoogaa amusay ayuu ku yiri M Bouc
“Fadlan, isugu yeer dhammantood halkan, laba xal ayay lahaan doontaa arrintaaniye, in aan idiin faah faahiyaan rabaa dhammaantiine”
Socotadii waxay iska soo buuxiyeen makhaayadi oo fariisteen, waxaana ka muuqday war war, kormere Michle wuxuu weydiisatay Poirot in uu gob joog ahaan karo
“Dabcan, Michle” ayuuna ugu war celiyay.
Markii uu istaagay iyo qufac yar ka dib wuxuu yiri
“Mudanayaal iyo Marwooyin, halkaan waxaan iskugu nimid in aan helno qofkii dilay, Samuel Edward Ratchettt-sdioo kalana loo yaqaan Cassette, laba xal ayayna yeelan kartaa dhacdadaan, waana idiin faah faahin doonaa labada xal, M Bouc iyo Dr Constantine na waxay go’aamin doonaan xalkii sax ah.
“MrRatchettt wuxuu dhintay xalay abbaaraha intuuu dhaxaysay, laba iyo tobankii tan, nusa saaco markii la gudbay saqdii dhexe tareenku wuxuu la istaagay baraf dartiis, xilligaasna wax dhici kara ma ahayn in qof tareenkaka dago.
“xalkayga koowaad wuxuu yahay, qof nacab u ah Ratchettt ayaa tareenka ka soo koray magaalada Belgrade, wuxuuna xirnaa dharka kormeeraha wuxuuna watay fure kormeere, oo uu ku furay qolka Ratchetttee xirnaa ka dibna midiyeeyey oo dilay, ka diba aaday qolka Mrs Hubbard”
“Waa run taas” Mrs Hubbard tiri
“Middidii wuxuu ku dhex riday boorsada Mrs Hubbard, asaga oo aan war ka hayna waxaa ka go’ay jaakadiisii badhan, ka dib wuxuuaaday marinka, yuniforkiina uu ku tuuray qol maran oo dharkiisii cadiga ahaa xirdhay, tareenkana wuxuu ka dagay markii la yimid Vincovci asga oo adeegsaday illinka makhaayada u dhow”
“Faah faahintaas ma soconayso,” ayaa M Bouc yiri, “aaway codkii laga maqlay qolkiisa kowdii oo labaatan iyo saddex daqiiqa la’”
“Kaas Ratchettt na ma ahayn dilaagana ma ahayn, laga yaabee in uu ahaa qof doonayay in uu la hadlo Ratchettt kana dul dhacay asaga oo mayd ah, ka dibna koorta garaacay si uu kormeeraha ugu sheego, markii danbana is rogay asaga oo ka baqaya in dadku u maleeyaan in uu asagu dilay”
Amiirad Dragomiroff si la yaab leh ayay u eegaysay Poirot, waxayna tiri
“Caddayntii shaqaalahaygu arkayna, oo ay aragtay nin yunifoomka xirnaa kowdii iyo rubuc, taas sidee u faah faahin?”
“Taas waa fudayad, fistileetigaaga ayay aragtay, sheekadaan ayay alifatay si ay adiga kuu badbaadiso”
“Wax walba waa aad ka fakaraty” ayaa Amiiradii tiri
Waa la wada aamusay, ka dib qof kasta wuxuu ku soo baraarugay Dr Constantine oo miiska calaacasha ku dhuftay.
“Maya maya, oo haddana maya, faah faahintaas siyaabo badan dartood mid shaqaynaysa maahan. Adna waad ogtahay sidaas Poirot” ayuu yiri
“Marka xalkii labaad ayaan sheegayaa, balse kii hore ha illoobin in aad hadhoow igu raacdid ayaa dhici kartee”
Poirot dadkii ayuu eegay intii uusan haddalkii sii wadin.
“Durbadiiba waxaa ii cadaatay in intiina badan aad been sheegayseen, Mr Hardman, ama qolkiisa seexo ama qol kale oo aad ka arki kartay illinkiisa joog, waxaad ii sheegtay wax macna ah ma samaynayaan, kaliya waxay markhaati u noqonaysaa in qof tareenkaan saran uusan dilin Ratchett
“MissMiss Debenham iyo gaashaanle Arbuthnot, Konya markii la joogay wuxuu ugu yeerayay Mary, dhaqanka Ingriiska nin darajada gaashaanle leh sidiisa oo kale dumarka uguma yeero magacooda koowaad, gaar ahaan markii ay xilligaas is barteen, waxaa cadayd marka in ay been sheegayeen oo ay xariir lahaayeen.
“Mrs Hubbard qudheedu gaf ayay samaysay, waxay tiri boorsadeedu waxay surnayd gacanka illinkeeda ayada iyo Ratchettt u dhaxeeya, qataarkana qarisay, taasna wax dhici kara maahan waayo qolalaka 2, 4, 12, tusaale ahaan, iyo qolalka lambarka dhabanka ah oo dhan, qataarku waa ka hooseeyaa gacanta iilinka, balse qolkeeda lambar 13 qataarku wax badan ayuu kor ka jiraa gacanta illinka, mana ku qarsoomi karo boors la suray, waxaa cadayd in Mrs Hubbard ay sheekadaas ayadu samaysay”.
“goorsheegtada jeebka surweelka jiifka ee Ratchettt ku jirtay ayaduna wax kale ayay ahayd, meel goor sheegto la galiyaa badan ee ciriirigaas qof isgalinaya!! waan hubay in taasna ay ahayd raad been ah, Ratchett, marka ma xilli hore ayaa la dilay, markii qayladu qolkiisa ka soo baxaysay?
“Maya, ayaan u malayn, si aad ah ayuu u maandoorsanaa Ratchettt sidaa darteed isma difaaci Karin, ma qaylin Karin, waxaan qabaa in qayladii kowdii oo labaatan iyo saddex daqiiqa la’ iyo weedhihii af ka Faransiiska ahaa ay ahaayeen qorshe la ii dagay si la ii wareeriyo, Macqueen wuxuu ii sheegay in Ratchett uusan aqoon Faransiiska, waxaa loola jeeday in aan ku fakaro in dilku xilligaas dhacay.
“Xilliga dhabta ah ee dilku dhacayana? Waxaan u malayn in uu ahaa labadii meelahaas, qofka dilayna?”
Waa uu aamusay asaga oo fiirinaya dadkii, shib ayaana is qabsatay goobtii.
Hadalkii ayuu sii wata.
“Qof kasta danbi la’aantiisa waxaa cadeeyay oo markhaati u ahaa qof kale oo idin ka mid ah, inta badan, mid aan horay saxiib ula ahayn, Macqueen, Arbuthnot, kan Inigriiska ah ee madaxa adeegayaasha ah, Talyaaniga, marwada iswedhish ka ah, iyo aqal maamushadda Ingriiska ah, waa wax yaab le ayaan is iri, “ayaga oo dhan danbiilayaal ma noqon karaan”
“Mudane iyo marwooyin, waxaan odaagay ka dib, in ay dhammaan danbiilayaal yihiin, wax dhici kara maahayn in dad intaas tira la’eg oo dhamman xariir la lahaa Armstrong , ay si kadis ah hal tareen isugu yimaadaan, tan kaliya ay ku dhici karto in ay isgu yimaadaan waa in qorshe la soo dajiyay uu yahay, waxaa kale oo taas markhaati u ah tareenkaan cariiriga ah iyo xilliga lagu jiro oo aan caadi ahayn, laba iyo toban socoto ah ayaa ka danbeeyay dilkii Mr Ratchett, laba iyo toban tooray ayaa ku taalay jirka Ratchett, Ameerika, kiisas ka dilak waxaa go’aan ka gaara koox dad ah, oo laba iyo toban ka kooban.
“Rachett waa ka fakaday ciqaabtii iyo xukunkii maxkamada Maraykanka, in kasta oo aan caad cidna ka sarnayn in uu danbiile yahay, markii maxkamadii wax ka qaban weyday, ayaa koox laba iyo toban qof ka kooban go’aansadeen in ay si kale u ciqaabaan Ratchett, durbadii si cad ayaa kiiskii iigu muuqday markaas.
“wax walba waa la sharaxay, dhaawacyada yaabka leh ee aan dhiigin, warqadaha hanadaada beenta ah ay ku qornayd oo cadayn ahaan loo sameeyay, ninka codka naagta leh ee aan qof tareenka saran u ekayn iyo kormeeraba, waxaan rumaysnahay in qof walba uu galay qolka Ratchett, asaga oo u soo maray qolka Mrs Hubbard, markaasna hal mar ruubiyay tooreyda, cid ogaan kartana ma leh dhabtii qofkii oo gacan tiisa ku dhintay.
“Cadayn walba si faah faahsan ayaa loo qorsheeyay oo loo dajiyay, xalka kaliya ee muuqdayna wuxuu ah in dilaa soo koray tareenka, ninka dilay kadibna dagay isla habeenimadii, balse baraf ayaa yimid, ayaan darradii ugu horreysay,
Waxaan qiyaasayaa in shir dag dag ah la yeeshay, dhamaantoodna ay go’aanseen in qorshihii meeshiisa laga sii wado, waa cadayd markaas in danbiilaha la tuhmayo in uu yahay qof tareenka saraan, balse waxaa qofba kan kale ku difaacayay sheekadiisa, raadad dheeeraad ahana waa ku dareen si jaha wareer u yimaado, bayb tir tire, fistileeti naageed, dhar jiif oo dumar oo casaan ah, maradaasna waxaan u malaynayaa in ay lahayd marwo Andrenyi, waayo dhar jiif boorsadeeda kuma jirin”
“Macqueen wuxuu ogaaday in aan ku aragnay warqada la gubay magaca Armstrong, intiina kale ayuuna u sheegay, waxay ahayd taasna ayaan darradii labaad ee ay la kulmaan, war war ayaana ku yimid marwo Andrenyi, odageediina wuxuu badalay magaceedii baasaboorka.
“qorshahoodu marna ma guulaysteen haddii aysan gacan ka helin kormeere Michel, balse haddii uu kooxda ka mid ahaa, saddex iyo toban ayay ahaayeen, ma ahayn laba iyo toban, waxaanse qabaa marwo Andrenyi oo sabab fiican oo ay ku disho Cassette haystay, in ay tahay tan kaliya ee aan dilkiisa ka qayb qaadan, odageedu wuxuu noogu dhaartay in aysan habeenkaas qolkeeda ka bixin, ana waa ka rumaystay.
“Balse muxuu Michel kii dacada ahaa lugta ula galay waxaan? Waa nin wanaagsan tareenkana wax badan ka shaqaynayay, markaas waxaa soo xasuustay Susanne, ilma haysadii Armstrong, ee Faransiiska ahayd, waxaa dhici kara in gabdhaas ayaan darradu ku dhadday ay ahayd gabadhii Michel, kuwa kalana? Arbuthnot ciidanimadii ayuu saaxiib la ahaa Armstrong, Hildegrade, waa cunno kariyii cida, Hardman, baare ayuu ka ahaa kiiska ama waxaa dhici karta in uu jeclaa Susanne, Mrs, Hubbard shaqadii u adkayd ayaa ku timid, oo waa qolkeeda halka qof walaba uu uga gudbayay Ratchett, qof yiri waa uu la joogayna ma jirin, si qaybtaan adag loo jilo oo ah habar doqon ah, waxaa loo baahnaa qalajo dhab ah oo jili karta, marwo Armstrong hooyadeed, linda arden.
Waa uu joojiyay haddalkii.
Markaas ayay cod dabacsan oo aan ahayn kii ay ku hadlaysay intii socdaalka lagu jiray, Mrs Hubbard ku tiri.
“Waligayba waan jeclaa in aad jilo qaybta dadka yaabka leh, balse gafka boorsada ayaa doqonimo ahaa, howsha waxaan ka soo bilownay dhinaca bari, markaas waxaan ahaa qol lambar dhaban ah, saas ayaan filayaa”
Inta dhaqaaqday oo Poirot qumaati u eegtay ayay tiri.
“wax badan ayaad male ku soo saartay, M Poirot, balse ma qiyaasi kartid maalintii New York ee Hector Macqueen noo sheegay in maxkamadii ay sii daysay Cassette, murug iyo ciilkii aan la waashay, iyo shaqaaluhuba, gaashaanle Arbuthnot waa uu joogay, wuxuu ahaa Robert Armstrong saxiibkiisa koowaad.
“Noloshayda ayuu dab baadiyay” Arbuthnot yiri,
Mrs Hubbard warkii sii waday.
“Markaas ayaan go’aan sanay in aan marino ciqaabtii maxkamaddu ku guul daraysatay in ay mariso, malaha waan waalnayn, ma aqaan, laba iyo toban ayaan ku joognay-maya kow iyo toban, Susanne aabaheed faransa ayuu joogay, Mary ayaa qorshaha oo dhan la samaysay Hector.
“muddo ayay nagu qaadatay in aan qorshaha salka u dhigno, Hardman ayaa soo helay Ratchett, ka dib Master man iyo Hector ayay ahayd in ay shaqo ka helaan tareenka, asaga ayaana ka helay, shir ayaan la yeelanay Susanne aabaheed, gaashaanle Arbuthnot muhiim ayay u ahayd inaan ahaano laba iyo toban, qaabka ayay toosinaysaa, sidaas ayuu yiri, Michel waa naga ogolaaday, waan ogayn in Ratchett uu bari ka imaanayo oo tareenka bari ee dheereeya soo qaadanayo, waxayna noogu muuqatay in ay tahay fursadii ugu fiicnayd.
“Waxaan isku daynay in aan qaybta oo idil kiraysano, balse ayaan darro qol ayaa mar hore laga soo qabsatay shirkada tareenka,” waxay u dhoollacadaysay, M Bouc, “dabcan Mr Harris ayaan been abuurnay, ma ayanaan rabin qof soo galootiya in uu qaybtaan soo dago, balse ugu danbayn adaa yimid MPoirot”
Intay yara aamustay ayay tiri.
“Haye, hadda waad ogtihiin wax walba, maxaad ka qabanaysaan? haddii qof la ciqaabayo kaligay sow ima eedayn kartaan? danbiga kaligayd ima saari kartaan? Wax faa’iido ah maleh in dadkaan wanaagsan oo dhan dhib lugaha loo galiyee, miskiin michel, Mary iyo gaashaanle Arbuthnot waa is jecel yihiin aad iyo aad –”
Poirot wuxuu eegay saaxiibkiis oo ku yiri
“Maxaad ka leedahay M Bouc?”
M Bouc inta yara qufacay ayuu yiri
“Aniga wxay ila tahay, xalkii hore ayaa quman, muran la’aan, dilaagii tareenka wuxuu kaga dagay vincovni, waxaan soo jeedinayaa in xalkaan aan u sheegno booliiska Yugoslav ka, ma igu raacsan tahay Datoore?”
“Hubaal waan kugu raacsanahay,” Dr Constantine yiri, “waxaan u malaynayaa in aniga qudhaydu markii aan sameeynayay-eee- cadaymihii baaritaanka dhaqtarnimo aan gaf sameeyay, oo si aan sax ahayn aan wax u arkay”
“Marka” Poirot yiri, “kiiskii waan xallinay, howshaydiina waa ii dhamaatay”
DHAMMAAD
Leave a Reply