BASAASKII SIDNEY REILLY QAYTII 4AAD

 

 

qorshihiisu wuxuu ahaa mi yaab badan oo waxa uu afduubo in uu af duubo madaxda soofiyeetka, Lenin iyo Trotsky, ka bidna ayaga oo dharkooda hoose kaliya qaba uu jidadka ku wareejiyo si ay maad ugu noqdaan dadka, balse qorshihiisu wuxuu gaarsiisnaa in uu dowlad dhiso asagu ra’iisul wasaare ka yahay, balse shirkii looga tashan lahaa af duubka madaxda ayaa dib u dhacay, isla markaasna qolo kale oo dowlada ka soo horjeeday ayaa isku dayday inay dhisho Lenin, in kasta laba xabadood ku dhacday hadana waa bad baaday, waxaana bilowday qaqabasho dadkii dowlada ka soo horjeeday, ciidamada Chika waxay qabteen dad badan oo Sidney kooxdiisa ahaa, markii ciidama Chika ay weerareen qunsuliyada ingriiska ee Sidney galay, xabadihii lays weydaarsanayay na uu nin dhamme ah ku dhintay, Sidney wuxuu ka baxay dariishad oo fakaday, dowladiina waxay madaxiisa dul dhigtay 100 kun oo rubel, waa uu see ka badbaaday qabaso, markuu laba bilood dhex wareegayay Ruushka oo mar uu ahaa beeraleey Ruush ah, marna giriig socdaal ah, marna ganacsade turki ah, tan iyo intii uu ka fuulay markab ganacsi oo Hallandays ah.

 

Markii London yimid durbadiiba xaaskii uu markaas qabay Nadin oo joogta ayuu guursaday naag jilaa ah, taas waxay ka mid noqotay fal danbiyeedyadiisa uu naagaha isla guurasn jiray, in kasta oo markii danbe Nadin furay balse kuwa kale qabay.

Markale ayay ku soo dhacday in uu rido dowlada Soofiyeetka, wuxuuna wada shaqayn la bilaabay Boris Safinkof oo markii hore nin kacaan ah ahaa haddse noqday nacabka koowaad ee Lenin, waxay aad u daneeyeen labada nin urur ruushka ka unkamay oo ka soo horjeeda dowlada oo shuucinnimada diidan oo raba in la soo celiyo dimoqaraayadii waxaana hor boodayay rag awood ku leh ruushka, sidaas ayaa Boris ku aaday Ruushiya si uu wax uga soo ogaado ururkaan, hal gu’ ka dib na waxaa ka daba tagay Sidney, waana markii u danbaysay ee dowlad reer galbeed ah ay ragto Sidney.

.
markii hore waxaa loo haystay in lagu dilay soohdinta Finland asaga oo isku dayaya in uu ruusha galo, xaaskiisa cusubna ay wargaysyada ku qortay in ninkeedii lagu dilay meel u dhow Elikol 28 july, in kasta oo ay rumaysnayd in uu noolyhay hadana waxay uga dan lahayd in ay war bixin ama hubaal ka hesho dowlada Ingriiska ama dowlada Ruushka, balse labaduna shib ayay yidhaahdeen, shantii gu ee u danbaysay waxaa soo burqanayay qaxooti ka soo cararayey Ruushka oo u soo gudbaya galbeedka, qaarkoodna waxay sheegeen in ay ku arkeen Sidney isbtaalka xabsiga Botirisky, qaar waxay yiraahdeen jir dilkii ayaa ka badatay oo waa waashay, waxaase ugu yaab badnayd hadalkii uu yiri nin Finland iis ah oo yiri

”basaaskii yaabka lahaa waa uu ogaan in ururka la sameeyey uu been abuur ahaa oo dowladda Soofiyeetku ka danbaysay oo la rabay in lagu soo xera galiyo nacabka dowlada, balse asagu wuxuu u aaday inuu mar labaad qarbudaad dalka gudihiisa ka sameeyo”

.
Intii dagaalkii labaad socday nin ka mid ahaa dadkii ka soo fakaday Soofiyeetka oo layiraahdo Walter wuxuu sheegay in

”Sidney uu warbixin siiyay Soofiyeedka kuna saabsan sirdoonka Igriiska iyo wasaarada arrimaha dibada ee Ingriiska, wuxuu is lahaa sir yar oo aad Soofiyeedka siiso faa”iida ayay Ingriiska u tahay asaguna naftiisuu ku badbaadsan, balse Ingriisna uma faa’iidayn asna kuma badbaadin”.

Gugii 1966 taddobaale Ruushka ka soo baxa  wuxuu qoray in markii Sidney la qabatay uu sheegay wax alle wixii uu ka ogaa sirdoonka Igriiska iyo Maraykanka, 1972 diina toddobaadle ka soo baxa Baris ayaa qoray in Sidney uu waligiis ahaa basaas Soofiyeeti oo lagu dhex beeray reer galbeedka, kaliya waxaa sheegi kara dhabta hal xiraa lahaan sirdoonka Ruushka, ayaguna tan iyo hadda war lagama hayo, 1983 ayaa noloshiisii London laga sameeyay taxane ka soo baxay muuqbaahiyaha Ingriiska waxa uuna ku tilaamay in Sidney ahaa baasaas lamber kooow aduunka oo idil, wuxuu qabtay iyo heerka uu gaaray inaan weli basaas kale gaarin qabanna.

 

1966 wargays Ruush ah wuxuu qoray, weedhooying ka mid ah hadaladii uu yiri sidney, qormadaasna waxay ku tusinaysaa in galkii nolosha ee sidney ay kacanta ku hayaan Ruushku bal ayasan cidna u furayn.

DHAMMAAD

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply