BASAASKII BAHJAT XAMDAAN Q-2

Magaalada Munikh markii u tagay maskaxdii waa wareertay oo yaab ayaa u yimid, wuxuu la kulamay bulsho ka gaddisan tii uu ka yimid ee reer bari, bulsho madax banaan oo furfuran oo si fudud loo dhex gali karo, ugu horrayntii wuxuu bilaabay in uu is xirxiro, cidii Jarmalka ahayd ee uu la daganaa waa ay ka saari waayeen go’doonka uu is galiyay, waxayna weydiisteen jaamicada in arday kale loogu soo badalo,  sidaas ayuuna ku dagay dagaankii ardada, wuxuuna markaas baranayay afka Jarmalka, oo inta awoodiisa ah u saary,  tan iyo intii ay ka timid dhacdo dhaqankiisa iyo dabeecadiisa dhinaca kale u rogtay.

Saxiibadiis ayaa habeenkii kirismaska u kaxeeyay golaha qoob ka ciyaarka, barta khamriga iyo niikada iyo gabdhaha qurxon iyo shukaansiga, waxa uu meeshii ku bartay wiil Marookaan ah,  gabar ayuuna baray, asna qoob ka ciraakii ayuu la bilaabay, is xirxirkii ayuu ka baxay, xishookii ayaa lumay, mar qudha ayuu isku rogay nin naftiisa ku kalsoon awoodna u leh in uu sheeka cayn walba ka qayb qaato.

Markaas ka dib waxaa badatay dhafarkii uu gabadha Jarmalka la dhafrayay, taas oo keentay in uu wax barashadii ka sagsaago, ayaduna waxay ku dabooshay dareen ah in ay danaynayso iyo jcayl, mana uusan awoodin in maalin qudha ka maqnaado, lacagtii loo soo dirana ayada ayuu ugu kaxayn jiray maqaayadaha, iyo goobaha qoob ka ciyaarka, wax barashadiisiina seeg seegay, taasna ay keentay in sannadkii u horreeyay uu jaamicada uu ku dhaco, balse uu heer ka gaaray jir ka hadalka iyo muujinta quruxdiisa. Bahjat wuxuu ku mashquulay noloshii yurub ee madaxa banaanayd, iyo daba roorka hablaha oo ay  mid kaliyana ay ku filnaan weyday, markii danbe wuxuu noqday mid aan magac fiican ku lahayn ardada Carabta dhexdooda.

Aabihiis markuu maqlay inuu dhacay, waa uu uur xumaaday, balse Bahjat wuxuu ku qanciya sababta keentay dhacitaanka in ay tahay afka Jarmalka oo adag iyo kala duwanaanta jawiga iyo duruufta, odagii waa iska aamusay wuxuuse uga digay in uu mar kale dhaco, haddii kale lacagta ayuu ka goosan.

Balse Bahjat maba rabin in uu wax ka badalo sida uu ku socdo, oo tubtiisii ayuu sii qaaday tan iyo intii imtixaankii la gaaray, mar kale ayuuna ku dhacay, jaamicadiina waxay aragtay warbixinadii barayaashiisu ka soo gudbiyeen ee ay ku caddaynayaan in uusan wax dadaal ah iyo isku dayid uusan muujin, sidaas ayaana jaamicaddi looga cayrshay, aabihiina loo diray go’aankii jaamicada, durbadiina wiilkiisa ayuu faray in uu dib Qaahira ugu soo laabto.

Arrintuse asaga waa ay u cadayd oo noqosho warkeed ma jirin, sidee ayuu ugu  dhex noolaan bulshada Qaahira ee xir xiran, in uu xasuusto ayaa ba dhib ku haysa, ka cararka noloshaas ayaa ku  qasbaysa inuu rabitaanka aabihii ka hor yimaado, waayo wuxuu la qabsaday nolosha yurub, haddii uu waayana maba noolaan karo,

Ilbiliqsigaas ayuu go’aansaday in uusan laaban, handadaada aabihiisna uusan u jilcin, waliba tuso in uu is meel marin karo, shirkad ayuuna shaqo ka helay uu ka qaato mushaar aan xumayn, wuxuuna sii watay daba orodkii macaansiga, wuxuuna joogta ku noqday jidadka, stavos iyo chuanback oo ah halka dumarka jirkooda iibiya ay isku soo bandhigaan.

1955 ayaa noloshiisa isbedel cusub ku yimid, wuxuu bartay gabar qurxoon Ingrid Sholam, waxaana haleeyay jacaylkeeda, ayaduna si dhab ah oo daacad ah ayay u jeclaatay, waxayna isku dayday in ay ka bixiso nolosha uu ku jiro iyo dullinimada u ku nool yahy, markay is guursadeen ka dib waxay ku dhiiri galisay in uu wax barashadii sii wato, si ay ciddiisu raali uga noqdaan, sidaas ayaa xaaskiisii u garab istaagatay ayada oo danteeda kaliya ay tahay in ay nolol fiican ku noolaadaan, Jarmalkana gu’yaal dagaal ay ku guuldarraysatay ayaa bur buriyay, waxayna u baahnayd dad shaqeeya oo dib u dhiska dhinac walba leh ka qayb qaata.

Turjume

Suldaan Cali Adam Ameriko

Leave a Reply