BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-28

 

Dhowr bilood ka dib bishii may 1976. Gasaan Gasaawi aad ayay isugu dhawaadeen Amiina, waana u beer jilcay, wuxuuna gaaray heer uu ku fakaro in uu xabsiga ka fakiyo oo uu Israa’iil ula cararo, xilligii ilaalada ee Gasaan wuxuu isku rogay waqti shukaansi iyo jacayl, Amiina waxay siinaysay macaan maskax qaad leh, oo maankiisa la tagay ifkana ka waday oo aduun dhalanteeda geeyay, Gasaan oo ahaa xirfadle farayaamo, sodonkiisa gu’ ee uu nolaa wuxuu dagaal ugu jiray sidii uu ugu noolaan lahaa nolol qaboow iyo nasiina leh, balse caajisloow asaga oo kale ah waa ku adkayd in uu helo noloshaas oo kale, khibradiisiina waxay ku jogtay soohdin cayiman oo uusan gudbayn, wuxuuna afarta darbi ee qolkiisa Suur ku yaala la dhex joogay quusasho iyo gaajo, wuxuuna habaar u taana taaneeya ayaankiisa xun iyo adduunka oo dhan.

 

Qof nolosha ka dhacay sidiisa oo kale oo saboolinomo iyo aqoon darro adoon u noqday waa ay fududahay in garaadka laga qabsado, dhaqaale ahaan ama han ahaan ba, Amiinana waa akhrisay asaga oo dhan ayada oo adeegsnaysay aqoonteeda cilmi nafsiga, waxayna ku hafajisay dareen ay u qabto oo been ah oo ay dhagaha kaga shubtay, asagii oo dhanna waa ay dhalaalisay, baahidii uu qabayna wax ka dhintay, waxaana gashay in uu ayada badbaadiyo si uu rajo uga yeesho in uu nolol wanaagsan Israa’iil ugu dhex noolaado.

 

Hubaalna waxay ahayd Amiina basaasadii ugu halisnayd Mossad, waayo waxayba u carbisay ilaaliyihii xabsiga ku waardiyaynayay in uu ayada ula baxsado Israa’iil, xuxuus qorkeeda mar danbe waxay ku sheegatay:

 

”Waxaan doonayay in aan asaga soohdinta kaga tago, waxay kala helaan asaga iyo Falastiiniyiintu asagay jirtaaye, anna aan noqdo mid laga sheekeeyo sida ay u soo fakatay, balse ayaanka iyo qadarku iima qorin taas”

Waxaa kale oo dhumay riyadii Gasaan ee barwaaqda iyo hodannimada uu ku riyoonayay markii uu mid jaalayaashiisa ka mid ah uu ku sir qarsaday oo u sheegay arrinta uu rabo, kiina wuxuu u sheegay hoggaankii, waxaana la dul dhigay Gasaan ilaalo duleed, markii danbana lagu qabtay asaga oo dhar ciidan galinaya godkii, si ay Amiina u soo xirato oo ay u baxsadaan, riyadiisiina waxay ku dhammaatay xabado xabadka ka haleelay 1976, iyo in aamina lugaha iyo gacmaha sil silad looga sii dhuujiyo, cunno iyo cabitaana inta u yar la siiyo, oo ay u noolayd qof aan dhimanna noolayn, indhaheeda taagmayna aysan arag waxaan mugdi iyo baqdin ahayn.

Shan gu’ markii ay ka soo gudubtay xirriinkii Amiina, bishhii november 1979, ayaa bisha cas biloowday dhaqdhaqaaq ah  in ay la xariiraan Falastiiniyiinta si kala badalasho loo sameeyo, waxayna doonayeen in kala badalashdu noqoto hal qof oo falstiiniya oo la sii daayo, shuruudna looga dhigay in qofkaas uusan gaysan dil uu gaarsiiyay qof Israa’iili ah, mid ciidan ah iyo mid kaleba.

 

Balse carafaat waa uu diiday gor gortankaas, wuxuuna shuruud uga dhigay in Amiina ay ku badalanayaan laba Falastiini, oo ah kuwa ugu caansanaa dagaalyahannada Falastiin oo ku xiran xabsiga Catliit, waxayna kala ahaayeen, Maxamad Mahdi oo dhashay 1941 laguna xukumay madaxaa ha ku furto, ka dib markii uu u gaystay dil iyo dhaawac dad Israa’iiliyiin ah, kan labaad wuxuu ahaa Wilyam Nasaar dhashay 1942 kuna dhashay magaalada Qudus,kuna xukunnaa madaxaa ha ku furto ka dib markii uu ku dilay Qudus gudaheeda saddex Israa’iiliyiin ah, 1968.

balse Israa’iil waa ay diiday, bisha cas na waxay carafaat u sheegeen in Amiina aysan wax qiima ah u la lahayn Israa’iiliyiinta, oo waxay ku sheegeen in ay tahay uun naag dalkeeda dhagartay, bes, ninkii ka socday bisha cas waxa uu xasuusiyay carafaat sheekadii Alfared ee siddeeda gu’ lagu xukumay, ka dib markii lagu soo eedeeyay in Israa’iil uu u gudbiyay naqashda samayta diyaarada faransiiska ee Miiraaj3, affar gu’ iyo bar ka dib markii la soo daayayna go’aansaday in uu ka qayb galo xafladii soo bandhigida diyaarada Israa’iil ee ”Kaafiir”, oo u dhiganta miiraaj3, Israa’iil na ay diiday in ay tikidka diyaarada uu ku imaanayo ay ka bixiyaan.

Balse carafaat meeshiisii waa ka nuuxsan waayay, kamana uusan noqon dalabkiisii, wuxuuna u sheegay ninkii ka socday bisha cas, in cadaadis badan lagu hayo oo ah in la dilo Amiina, haddii Israa’iil na ku adkaysato dalabkeeda oo ay ogolaan weydo dalabka Falastiiniyiina, wuxuu ku qasban yahay in uu ogolaado in la dilo waliba warbaahinta adduunka horteeda, ayna quus qaadasho u noqoto qof kasta uu isku daya in uu Mossad la shaqeeyo.

 

Warkaas wuxuu walaac badan ku abuuray madaxii Mossad Isxaaq Xofi iyo gacan yarayaashiisii, waayo Amiino haddii lagu dilo muuq baahiyaasha adduunka hortooda waa arrin halisteeda leh, oo wareer iyo walaac ku abuuraysa basaasiinta Mossad ee dalalka carabta jooga, keeni kartana in hakad ku yimaado howlaha Mossad wado oo milaayiin doollar ku kacay, si ay u helaan warbixinada, siyaasadeed, ciidan, dhaqaale, warbixinadaas oo ah waxa Israa’iil ay ku dhisan tahay, Isxaaq Xofi wuxxu go’aansaday in uu aqbalo codsiga Falastiiniyiin, wuxuuna u dhaafay bisha cas in ay ayagu soo dooraan dalkii maxaabiista lagu kala badal lahaa oo mas’uuliyada nabad galyada qaadi lahaa.

bisha cas waxay biloowday dadaal ay dal ku raadinayso, waxayna la xariirtay dalal dhowr ah, dowladaha Talyaaniga, Giriiga, Bulgaariya iyo Faransa waa ay diideen dhammaan dowladahaas in ay faraha la galaan arrintaas, waxaase oggolaaday in dhulkooda ay ka dhacdo kala wareejintu, dowladaha Turkiya, Roomaalinya, iyo Qubrus, mid kastana ay sheegatay in ay si nabad ah u dhacdo kala badalashadu ay ballan qaadayso, ururkii Falastiin waa soo dhaweeyeen arrintaa waxayna doorteen Qubrus, Israa’iilna ayaduna Qubrus ayay ogolaatay oo shuruud kaga dhigay in qaramada midoobay ay nabadda sugto, taasna waxay ka xanaajisay Qubrusiyiintii, oo lagu kalsoonaan waayay in ay awood u leeyihiin in ay nabada dhowraan, markii danbana safiirkii Israa’iil ee Qubrus joogay ayaa raalli galin ka bixiyay 1980 kii, sheektayna in ay kalsooni ku qabaan qubrusiyiinta oo xariir wanaagsan iyo wada shaqayn ay ka dhaxayso, maalin ka dibna wasiirka arrimaha gudaha ee qubrus ayaa go’aamiyay in kala badalashadu ay dhacayso 13 feberaayo 1980, kana dhacayso gigada dayuuradaha ee Larnaka, uuna xirnaan doono garoonku oo cid ka duulaysa iyo cid kuu dagaysa aysan jirin, laga bilaabo14:00 ”sideed saac” 2:50, siddeed sac iyo 50 daqiiqo habeenimo.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply