ARGAGIXIYIHI WEYNA, KARLOS-Q-4AAD

 

 

 

 

  1. Falastiiniyiitii

 

 

“go’aan aad u adag ayuu ahaa, ku biirida dunida afdhuubaysha, balse waxay ahayd in aduunku dhawaaqeena maqlo” Layla Khalid Sibtember 1994, wax yar ka dib qabashadii kaaloos, iyo labaatan iyo afar gu’ ka dib afduubidii u danbaysay ee ay geysatay Layla.

Saacdihii u horeeyaya ee 11 juulaay 1970, Dr Waadi Xadaad oo ah dhaqtar ka qalin jabiyay jaamicada Maraykanka ee Bayruut wuxuu Layla khaalid kula haasaawayay dabaqa saddexaad ee dhimaha katarji ee jidka Muxyadiin Alqayat ee Bayruut, Dr xadaad wuxuu ahaa madaxa Layla khaalid tooska ugu xiran tahay, waxayna ka tirsanayd jabhada shacabka ee xoraynta falastiin, oo urur Marxist ahaa, uuna hogaaminyaya Jorgi Xabash oo asna ahaa dhaqtar kale oo ka soo qalin jabiyay jaamicada Maraykanka.

Xadaad wuxuu ku dhashya Saffad halka hadda lagu magacaabo waqooyiga israa’iil, wuxuuna madax ka ahaa howl galada ururku dibada ka fuliyo, wuxuuna ahaa kii keenay ra’yiga ah in israaiil lagu la dagaalamo israa’iil dibadeeda, mar hore ayuu Layla oo ahay gabar aad u qurux badan oo bare gudsi ahay, ka soo saaray ama ka dhigay in ay noqoto mid ka mid ah af duubayaasha ugu halisan ifka, balse wuxuu u baahnaa foolal cusub oo gudbi kara baaritaanada garoomada reer galbeedka oo soo adkaaday,

Sidaa darteed wuxuu bilaabay in uu qorto argagixisadii jaarmalka iyo jabaaniiska, ayaguna diyaar ayay u ahaayeen in ay gacan ka gaystaan qadiyada falastiin, ayaga oo ku duullaan tagaya magaca kacaanka aduunka. Sahyuuniyadii caalamiga ahayd waxaa dagaal ugu soo xayd xaytay argagixiso caalamaiya,

 

Afduubida diyaaradahu waxay noqotay ganacsi faa’iido badan laga helo, warar nux nux ah waxay sheegayaan in shirkado duulimaad ay lagac siin jireen Xadaad si aan diyaaradahooda loo af duubin

Habeenkaas juulaay affar saac ka hor intii aysan xariiqda waabari ka soo iftiimin bariga badda cad, ka dib markii Samiya Xaddaad xaaskii dhaqtarka iyo wiilkiisii siddeed jirka ahaa ay seexdeen, Xaddaad iyo Leyla waxay ka halayeen arrimo ku lug leh kacaan,  laga yaabee in ay ka hadlayeen af duubida diyaarada El caal, oo toddobaadyo gudahood Layla isku diyayso,

Wax kasta oo ay ka hadlayeen wax yar ma hayn waxa gaarsiiyay labadii habeenimo ka dib, isla xilligaas ayay ahayd markii lix gantaal oo lidka taangiyada ah ay si atomaatik ah xilli loogu talaagalay ay isku rideen, kana soo yaaceen guri laga kiraystay jidka dhiniciisa kale oo ay gudaha u soo galeen qolkii, gadaal danbe waxa la lagu ogaaday baaritaan in xilligii ay isa soo rideen ay ahayd, 2:15 saq dhexe, laba madax oo gantaal waxay ku rafteen oo sidii garaangar ugu wareegteen roogii dhulka ku fidsanaa, balse ma qarxin oo aroortii danbe ayaa la helay, affartii kale waa ay qarxeen, dhawaaq aad weyna bixiyeen, ayaga oo cadaan bir ah oo af leh oo kululayl ahna ku furdhadeen goobtii.

Jeexniin yar ayaa soo gaaray Xaddaad, balse sida kale asaga iyo Layla waxba magaarin, labadoodiiba qoryahoodii ayay boobeen ayaga oo aan wax fikrad ah ka haysan waxay xiga ee ay samayn doonaan, Saamiya iyo Hani ayaa ka soo baxay qolkii jiifka ayaga oo turaan turoonaya, dhaawac iyo dhiig bax ah, Hani waxaa u sii dheeraa gubasho yar, Layla wiilkii ayay daftay oo ula carartay isbitaal Maraykanka ee jaamicada Maraykanka, sida ay sheegtay dhaqtarkii Maraykanka ahaa ee joogay waa uu diiday in uu daaweeyo willka haddii aan lacag la bixin marka hore, tan iyo intii uu ka yimid Dr Xaddaad oo uu gartay in uu yahay dhaqtar kale.

Qofna tuhun ugama jirin in weerarkaas gantaalada ay Mossad ka danbaysay, xilligaas waxaa wali sir doonka Mossad ku sii harsanaa saraakiil sar sare oo ka soo qayb qaadatay halgankii sahyuuniyda kana soo qayb qaatay halganadii sahyuuniyadu ay kagala wareegi rabtay ingiriiska dhulka falastiin ee markii hore ingiriigu ka qabsaday cismaaniyiinta 1918, israa’iil waxaa u cadayd in PFLP, aysan ahay koox qash qashaad yar wada. ayna ula dhaqmaan sida ay tahay,

xagaagii 1972, waxaa Mossad ku dishay bomb ay matoorka gaariga ugu xireen Gassaaan Kanafani iyo gabar uu abti u yahay oo la socoatay, Gassaan wuxuu ahaa qoraa iyo farshaxan yahan iyo af hayeenka ururka ee Bayruut, gabadha yar laguma aqoon in ay argagixso tahay, balse maalin xun ayay dooratay in ay abtigeed soo booqato,

ninkii ka dhaxlay jagada Gassaam oo ahaa Nassaam abu Shariif, [mar danbana noqday af hayeenka Yaasir Carafaat] Waxa uu waayay hal il iyo dhowr farood foolkana dhaawac xun ka soo gaaray, kadib markii boostadii u timid ay ku qaraxday, buugaasna waxaa la oran jiray, maalmihii argagaxa.

 

Markaas ka dib Xaddaad wuxuu u wareejiyay xaruntiisii maamulka magaalada Cadan, caasimadii dalkii xilligaas la oran jiray jamhuuriyda dadweynaha ee Yaman, dal markaas ka baxay gacagtii boqortootyadii biritishka, Marxist can ah ayaa dalka majaraha u qabtay, aad ayaana taas raad reeb ugu samayasa Xaddaad iyo Xabash oo labaduba ka dhasheen qoysas kirishtaan falastiiniyiin ah, balse siyaasada gabi ahaan ku ahaa cilmaani.

 

May 1948 gaari cod baahiyaal ku xiran yihiin oo ay leeyihiin Haganah, oo ahaa ciidankii sahyuunida ee sida qarsoodiga ah ku howl gali jiray, haddana ciidanka dalka israa’iil loo badalay, ayaa yimid Lydda oo u sheegay dadkii carabta ahaa, sida ugu wanaagsan ee ay naftooda ku badbaadin karaan in ay tahay in ay ku biiraan qaxootiigii rafaadsanaa ee u cararay bari iyo dhinaca Urdun, Jorji  Xabash, oo senator William Fulbright, ku tilmaamay in uu yahay mid ka mid ah hogaamiyaasha ugu soo jiidashada iyo awooda badan, waxa uu jiray 22 gu’ markii haganah ay digniitaas bixinaysay, arkeena qoryihii haganah, waa ay qaxeen, asaga iyo cidiisii waxay soo raaceen kolonyo dheer oo lugaynaysay oo oo qaxooti ah soo aaday jurusalaam.

halkaas oo ay muddo ku nagaadeen ayaga oo is leh toddobaadyo gudahood ayaad guryihiinii ku laaban doontaan, balse markii ay ogaadeen in carabtii laga guulaystay, oo sahyuuniyada aan bada lagu darayn, dibna aysan ugu laaban doonin guryahoodii, sidii kumaan kunkii falastiiniyiintaahaa oo kale waxay aadeen Libnaan.

sida Xaddaad oo kale wax yar ka dib Xabash wuxuu galay jaamicada maraykanka ee Bayruut, waayo waxay ahayd dugsiga caafimaadka ee ugu fiican bariga dhexe, wwuxuuna ku qalain jabiyay dhaqtarnimo, jaamicada AUB waxaa lagu yaqaanay in ay tahay goob caalamiya oo ay wax kabaran jireen, Maraykanka dibada jooga, Hindida, Pershiyiinta, iyo arday ka timid dhamaan carriga carabta, balse saddexda koox ee ugu badnayd waxay ahaayeen, Libnaaniyiin, Suuriyiin iyo Falastiiniyiin,

kontomeeyadii iyo lixdameeyadii  goobta qaxwada ee faysal ee illinka weyn ee  jaamicada ka soo horjeeda waxay ahayd goob aradadu ka sheekaystaan siyaasada waxna ka cabaan, bariga dhexe walaaq ayaa ka socday, silsiladihii u danbeeyay ee  gumaysiga yurubna la tuurayay, naqshad cusub oo loo dajinayay bulsho cusub, kaliya falastiiniyiinta Ayaa ayaa ka maqanaa qorshahaas oo meel ay ku laabtaan aan lahayn, jawigaas ayay ahayd halka ay ka bilaabatay abuurkii u horeeyay ee PFLP.

 

Saxiibo Suuriyiin iyo Kuwaytiyiin ah oo jaamiada la dhigtay ayuu isku keenay oo ay sameeyeen xisbi wata mabd’ aan weli horay loogu riyoon oo ah, carab midaysan oo hal mid ah, markii uu qalin jabiyay 1953 waxay isku badashay dhaqdhaqaaqa qowmiyada arabta, ANM ururu doorweyn ka ciyaaray siyaasada carabta ee cusub, sida ay Ciraq iyo Suuriya u qaateen xisbi al Bacthiga, urur kale ayaa asna dhashay isla xiligas oo ka farcamay oo ahaa jabhada qaran ee xoraynta yaman PFLP oo awoodii dalka kala wareegay gumaystihii ingiriiska, sidaa darteed xariiir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyaya PFLP iyo dowlada koofur Yaman, taas ayaa waxay u suurta galisay in Xabash uu saldhigiisa ka dhigto Cadan.

 

Kontomeeydii qorshaha ANM wuxuu ahaa in loo baahan yahay kacdoon cilimi iyo teknoolayija ku dhisan oo ka dhaca dhamaan Carabta, kana gadisan xisbi Bacathka Suuriya, markaas Suuriya hogaaminayay maykal aflak oo waday guubaabda iska dhal hantiwadaag iyo midayn carbeed, kacitaankii islaamiyiintuna oo dhallinyardii wax bartay ee ANM iyo bacthigu ay si fudud uga muuqaal dheeraadeen, markaa gu’yaal ayaa ka harsanaa.

La soco

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

alishka5@gmail.com  website  https://akhri.so/

Leave a Reply