1958 waxay joogeen Maksiko, shan bilood oo ay Jamayka joogeen ayaa Karlos iyo Lenin barteen afka ingriisiga, ‘Vladimir ka ugu yar wax fiican oo isbanish ah ma aqoon’ waxaa ku xigay socdaalo ay ku tageen Kolombiya, Florida, Jamayka, ugu danbayntiina venezuwela 1961, intii ay socdaalkaas ku jireen ilmuhu si xarago leh ayay uga damaasheedeen lacagta aabahood oo asagu mar mar u duuli jiray oo u tagi jiray,
inkasta oo Dr Ramirez oo Marxist ahaa haddana waxuu ku adkaystay in aan ilmaha loo dirin Kuba, oo janaayo 1959, uu jaraha u qabatay Fidal Kastro, oo dadkA habeen walba saacado badan muuq baahiya uga sheegi jiray sida wanaagsan oo ay noqon doonto Kuubo, xilligaasna xariirka Kuuba iyo Venuzuwla aad ayuu u xumaa, in visa Kuuba ah ay helaan Venuzuwellyiintu aad ayay u adkay,
Wax ka barashada siyaasada ee Ilich waxay bilaabaytay 1963, oo dugsi gaara uu dhiganayay ka dib, wuxuu galay Colegio Fermib Toro, dugsigii ugu weynaa ee Karkas, xiisada dalkuna waa ay kacsanayd, kaliyi taliyihii Perez Jimenez, maarkaas wax yar ka hor la af ganbiyay dawladdiisii, xunkiina waxaa qabsaday madaxweyne Romulo Betancourt, asagana dhinacyada siyaasada ee midig iyo bidixba hanjabaad ayaa kaga socotay, Caruurta dugsiyada dhigatana waxay si joogto ah uga qeybqaataan banaanbaxyo dhagax tuurida ee lagu taageerayo Xisbiga shuuciga ee xilligaas Venezuela ee la mamnuucay ayaga ka soo horjeeda Betancourt , ayay ka soo jabhadaynayeene duur oo ku jireen kaynta
.’xabbadu waa waxa kaliya ee macno samaynaysa, ayaa ‘Ilich ku oran jiray saaxiibadiisii xilligaas. Wuxuu ahaa wiil aan jir ahaan dhisnayn oo aan aad ugu fiicnayn cayaaraha, waxaana ciddiisu u bixisay naaneynaasta ‘El Gordo’ – ‘buurane’ . Walaalkiis ka yar Lenin, oo midab madow leh, oo timo madoow leh, waxaa loo yaqaanay ‘madoobe’
Ramirez wuxuu go’aansaday in la joogo xilligii wiilashiisu ay wax ka baran lahaayeen adduunka, wuxuuna ogolaaday inuu sii haysto xaaskiisa, oo caqiidadeeeda diimeed ayaa waligeed u ogolaanay inuu furo, guri ku yaal London ayuu kirayay halkaa soo wiilashu ku sii wadan karaan waxbarashadooda. Ilich iyo Lenin waxay galeen dugsi gaar ah oo loo yaqaan ‘Stafford House’.
Dadka caanka ah ee wax ku bartay waxaa kamid ah gabadhii Margaret Thatcher, Carol, iyo ina Charlie Chaplin, Michael. Ilich ma muujin qancin wanaagsan. Sida laga soo xigtay Joyce Allsopp, oo ahaa maamulaha xilligaas,
‘Wuxuu ahaa mid ka mid ah ardayda ugu aqoonta badan, Waxaan xasuustaa warbixintiisu waxay muujisay inuusan shaqo badan oo loo diray uusan qaban, oo markasta oo ka dhawaajin jiray ama ka hadli jiray, fikradihiisa aan cidi warasan, .
Mrs Allsopp waxay dib u xasuusataa in mid ka mid ah warbixintiisii ay oranaysay, xariif ayuu isku haystaa mana ahan, waana hadal badan yahay cod dheerna waa ku hadlaa.
Hilary King, barihiisa Ingriisiga, ayaa ku qortay warbixin kale oo leh,
“Way kaalmayn doontaa hadii uu garto inuu wax yar yaqaan, oo sida uu u maleynayo uusan wax badan garanayn,
war bixin kale waxay sheegaysay in uu tusaale u ahaa caruurta kibirka laga badiyay ee badanaa labnimda darteed lagu kibriyay sida caadada u ah dadyowga koofur Ameerika iyo bariga dhexe,
Gu’yaalo kadib, wuxuu weli raad xun ayuu kaga tagey maskaxda Hilary King. ‘Wuxuu ahaa nin yar oo xaqiir ah,’ ayay u sheegtay London’s Evening Standard, waxyar kadib qabashadiisii. Aad ayuu ugu qanacsanaa inuu ahaa hadiyadda Eebbe soo diray dadka oo dhan. Wuxuu ahaa wax gaaban oo buuran balse aad u xarraga badan, dhar qaali ahna xidha, wuxuu ahaa mid qish badan oo in uu wax qabto ka war wareega markuu awoodo.
Laga yaabee kibiraka. Ilich iyo Lenin uu ka imaanayay koriimadoodii Karkas ayaga oo uu dhalay, aabe inta dugsiga yimaado dartood dagaal u gala,. Hadda waxay si xamaasad leh u dhex galeen London. Waxay heleen fursadda ay ku aadaan filimada ama ay kula kulmaan gabdhaha da’dooda ah, gabadhaha foolasha uu make up ku u marsan yahay, hubaalna aan bikrooyin ahayn.
Hotelkaba kuma nagaan kow markii ay yimaadeen London, ee durbaba waxay aadeen jid edgware halkaas oo ay ku soo dawaadeen filinkoodii ugu horeeyay ee James Bond, raadiyahana heesihii Beatles sida ‘Lucy in Sky’ iyo ‘Lovely Rita, Meter Maid’, gabdhaha goonooyinka gaaban ee ay daba ordayeen ma yarayn.
Siddeeddii gu’ ee ku xigtay qoyska Ramirez waxay degeneen dhowr guri oo ku yaal west End ee London, iyo Lancaster Gate, Earls Court Square, ka dibna wadada west Cromwell, oo u dhow dhismaha duulimaadka hawada, iyo Walpole Street eeu dhow Sloane Square, kahor inta aysan ugu dambeyntii u guurin Phillimore courts ee ku taal Wadada high Kensington. Xilligaana wuxuu ahaa Maarso 1972.
Waxay dageen aqal yar oo laba qol ah oo kiradiisu tahay 100 gini bishii. Hooyadu waxay lahayd hal qol oo jiif, seddexda wiilna hal qol ayay isugu tageen. Dhimaha ay daganaayeen aad ayuu u qurxoonaa, ilaaliye dhar midabka boorka leh ayaa illinka taagan oo ilaaliya, gudaha dhismaha iyo jaran jarada midab oaad u qurxoon ayay lahaayeen iyo nalal iftiin cadaan khafiif ah ka soo baahayaan, dusha sarta waxaa ku yaalay beer lagu nasto, qaybta dhulka ku jirtana waxaa ku yaalay gole qoob ka ciyaar oo la oaran jiray Sombrero,
markii wiilashu xanuunsadaan waxy u tagi jireen dhaqtar ay safaarda Venuzuwela ay kala hadashay oo la oran jiray Amoroso Centeno, mar la qafaashay karlos war bixino waxay sheegeen in lagu duray maandooriye, Dr, Centeno xaaskiisu waxay tiri ninkaygu wuxuu igu yiri saddexda walaalaha ah ee magacyada yaabka leh la yiraahdi duriinka cirbada aad ayay uga baqaan.
Intii aan qoyska Ramirez hal gu’ joogin London, Dr Ramirez wuxuu ka yimid Venezuwela wuxuuna labadiisii wiil oo weyna u waday Faransa, halkaas oo ay booqasho ku tageen jaamicada Sorbonne, aad ayuuna uga helay aragtida siyaasadeed ee dhabta ah ee ka muuqatay dhallin yarada faransiiska,
asaga oo aan weli go’aan ka gaarin in uu wiilasha jaamicada galiyo ayaa, 18 may 1968 dhillinyaro muraayadihii ka daadiyeen dariishadihii, xafiiska shirkada duulimaadka ee Trans World Airlines, the Chase Manhattan Bank and the Bank of America, kacdoon waxaa jiray looga soo horjeeday lugta uu ku leeyahy maraykanku dagaalka viyatnaam,
dhamaadkii toddobaadka shan araday ayaa la qabatay, falkii aradadu maleegeen oo mudaharaadka ahaa waxay ku dhawaatay dowladii uu madaxda ka ahaa De Gaulle in ay dhacdo, Dr Ramirez wuxuu go’aan ku gaaray in meeshaan aysan ahayn halkuu la rabay ilmihiisa wuxuu go’aan ku gaaray in uu Moosko u diro.
Dhibku wuxuu ahaa side? In kasta oo uu Marxist ahaa, haddana waligii kama uusan mid noqon xisbi shuuciya, waana uu ogaa in loo baahan yahay in xisbi oo mas’uul ka noqdo waraqaha codsiga lagu galayo jaamicada Patrice Lumumba Friendship University, oo loogu magic daray halgamaagii hanti wadaaga ahaa ee reer Kongo bilowgii lixdameeyadii, nin saxiibkiis ah oo Venuzula ah ayaa ku xiray, mid ka mid ah saraakiisa sare ee safaarada Soviyetka, kana oo mas’uul ka haa dhinaca wax barashada.
Dr Ramirez aad ayuu u xasuustaa booqashadiisii safaarada Soviyetka ka ee ku taalay Kensington Palace Gardens, wuxuuna yiri;
“markii aan nimid safaarada ninkii sarkaalka ahaa wuxuu inoo faah faahiyay in deeq wax barasho sida caadiga lagu helo ay tahay in la soo maro xisbiyada shuuciga ah ee wadamada, wuxuuna I weydiiyay in aan ka tirsanahay xisbiga shuuciga ee Vnezuwela, waxaan ku iri kama tirsanayn, waligayna kama tirsanaan doono, si kastaba, wuxuu yiri bal waxan qaban karo Ayaan eegayaa waana kula soo socodsiin doonaa”
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
alishka5@gmail.com website https://akhri.so/
Leave a Reply