Ethiopia radio-geeda oo qaybta af-soomaaliga ku baxa waxaan ka maqalnay in mingiste uu ku khudbeeyey in 90% dhulkii ogaden ay qabsatay soomaaliya, taasina run bay ahayd. Waxaa nala shaqaynayey oo ciidamo dhawr kun ah la fadhiyey meel u dhaxaysa addis ababa iyo dirirdhabe jananka la dhaho faarax faras oo watay ciidan deegaanka ahaa. Wuxuu dhexda u gali jiray gurmadka xabashida ee soo galaya dirirdhabe. Jananku maanta isagoo hawlgab ah, ayuu ku nool yahay dirirdhabe. Raggii aan ka tirsanaa ee 200 ahaa, markiiba waxaa naloo kala qaybiyey hoggaanka ciidamada. Gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida sahminta cadawga, isgaarsiinta, isku dubbaridka hawlaha degdegga ah. Aad baa naloo xushmayn jiray. Aniga gaar ahaan waxaa la igu qoray markii dambe rag la soo xulay oo gudaha cadawga inay uggalaan loo diri jiray, halkaas ay ka soo warbixiyaan dhaqdhaqaaqa cadawga, tiradooda, halka uu yaallo hubka waawayn iyo taliskooda.
Laba goor oo guluf weerar ah lagu qaaday dirirdhabe, waxaan ka mid ahaa raggii keenay shaxda dagaalka la qaadi doono. Khataro aad u badan, ayaa iga soo qabsatay marar badan. Dagaalladii ugu waawaynaa waxaa ka mid ahaa 2 jeer oo dirirdhabe ah, 2 jeer oo dixda harawe ahaa, 1 mar oo harmukaale ahaa. Iyo baacsiga xabashida jiidaha hore oo ay soo qaadi jireen weerarro, gaar ahaan markii uu yimid russia iyo cuba. Dayuuradaha dagaalka ethiopia, ayaa joogto noola joogay galab iyo subaxba. Waana halka kaliya ee ay nooga xoog roonaayeen. Dayuuradaha dagaalka ee soomaaliya inta badan way na dulmari jireen, iyagoo soo duqeeya gudaha fog ee ethiopia, laakiin goobaha la isku horfadhiyo kama dagaallami jirin.
Waxaa la soo gaaray 7.7.1977. Waana maalin taariikh gaar ah aniga ii leh. Sababtoo ah waxaa xoroobay djibouti, 90% dhulkii soomaali-galbeed waa xor. Waxaa bishaas gorgortan kujiray kenya, si ay u soo wareejiso nfd. Geed hoostiis baan la fadhiyey radio muqdisho. Waxaa la saaray hees qalbigayga soo jiidatay markaan maqlo oo ku saabsanaa xornimada djibouti ee bisha july. Heeskaasna wuxuu ahaa;
“iskajir cadawga kula jecel, inaad joogtoodan joogsan, hooy jabuutaay”.
Heeskaas waan ilmeeyaa hadda markaan maqlo. Sababtoo ah wuxuu khusaynayaa xaaladda maanta soomaalidu kujirto. Cadawga soomaaliyeed wuxuu jecelyahay inaan iska noolaanno, laakiin aadan noqon dawlad joogsata oo adduunka ka mid ah.
Buuraha dherersan illaa harar, waxaa deggan qutida oramada ah waxay daggan yihiin dhulka ugu wanaagsan xagga beeraha iyo wax- soosaarka. Inta badan soomaaliga kuma hadlaan, waxayna shaki wayn ka qabeen ciidamada soomaalida iyo gulufka ay ku hayaan ethiopia. Maadaama aysan hubaynayn, wax dan ah kama aannu gali jirin. Lagumana xadgudbi jirin. Mana jirin xiriir wadashaqayn ah oo ka dhexeeyey ciidamadii soomaaliya iyo oromada sida ciisaha iyo samarroon. Waxaa la diiwaangaliyey ciise iyo samarroon dadkii ka qaybqaatay halgankii dalka lagu xoraynayey. Nasiib-darro marhaddii hawshii ay dhicisoowday, qoraalkiina waxba ma tarin. Waxaa kale oo la diiwaangaliyey intii xoolo uga baaba’day halgankaas ee ku noolayd soomaalida-woqooyiga dagta ee maanta la baxday soomaaliland.
Waxaan ilaahay hortiis aan ka qirayaa in soomaalida-woqooyiga ay naf iyo maalba ku bixiyeen halgankaas. Marmar badan waxaan raacay gawaarida izuzu xamuulka ah oo dawladdu ku shuban jirtay shidaalka, darawalkuna yahay woqooyi. Majirto soomaali kale oo sidaas u mintidday aan ka ahayn walaalaha woqooyi. Rag badan oo anigu aan ka mid ah, ayaa difaaca halgankii soomaalida-woqooyiga. Waa la sii mari jiray oo la soo mari jiray, sababtoo ah dhulka dagaalku ka socdo, ayaa loo sii maraa iyaga.
Qore
Jen. Aadan maxamed aw-kaahiye
Awrka cirka
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply